.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, July 9, 2012

Maamulka Puntland Oo La Sheegay Inay Isku Diyaarinayaan Dagaal Ay Ku Qaadaan Somaliland


- Maamul goboleedka Puntland ayaa isku diyaarinaya inay lix sanadood ka dib la wareegaan gacan ku haynta gobolka Sool, gaar ahaan Magaaladda Laascaanood oo lix sanadood ka hor ah ciidamada Qaranka Somaliland xoog kaga saareen Maleeshiyaadkii reer Puntland. Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo muddo ku taamayey inay gacanta ku dhigaan Laascaanood isla-markaana dhowr jeer oo hore ciidamo soo dhoobtay deegaanada Tukaraq ka mid tahay ayaa rasmi ahaan ugu dhawaaqay inay lagama maarmaan tahay in Laascaanood ku soo noqoto gacanta Puntland.

Baarlamaanka Maamul goboleedka Puntland oo shalay yeeshay fadhi ka mid ah kalfadhigooda 28-aad ayaa cod aqlabiyad ah ku meel-mariyey in Puntland qabsato Laascaanood. Xildhibanada baarlamaanka Puntland oo aaminsan in Gobolka Sool ka mid yahay dhulka maamulkaasi, ayaa dood muddo saacado ah qaadatay ka dib cod u qaaday in Laascaanood Puntland dib u qabsato iyo in kale, waxaana u codeeyay 39 xildhibaan, iyadda oo ay fadhiga joogeen mudanayaal tiradoodu dhamayd 41. Talaabada baarlamaanka Puntland qaadeen ayaa cadayn u noqonaysa sida Maamulkaasi ay uga go’an tahay inay isku dayaan sidii ay xoog ugu qabsan lahaayeen Laascaanood oo hore hadh-cad awood ciidan lagaga saaray.

Maamulka Puntland oo cadow soo jireen ah ku ah Madax-banaanida Somaliland isla-markaana geed dheer iyo mid gaabanba fuulay sidii aanay Somaliland horumar u gaadheen ayaa cadho ka qaaday go’aanka bulshada caalamka ee ah in Somaliland iyo Somaliya u wada-hadlaan sidii laba dawladood oo jaar ah, taasi oo meesha ka saartay awoodii iyo xidhiidhkii uu maamulka Faroole la lahaa dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya, taasi oo keentay inay abaabusho colaad iyo dagaalo hor leh oo ay ka bilowdo Laascaanood si ay xukuumadda Faroole u raadsato dhul iyo deegaano ay kula gorgortanto dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya oo hadda dhagaha ka furaysatay hadalo deel-qaaf ah oo Madaxwayne Faroole warbaahinta marinayey wixii ka dambeeyay heshiisyadii London iyo Dubai ku dhex maray Somaliland iyo TFG-da.

Sidoo kale, talaabada Puntland ku doonayso inay Laascaanood kula wareegto ayaa ku soo beegmaysa xili maamul ku sheegii Khaatumo uu dhaqaale la’aan u burburay, taasi oo fursad siyaasadeed u ah Somaliland, maadaama oo weelkii siyaasiyiinta qadiyada Madax-banaanida ka soo horjeeda ee reer SSC uu burburay

Source: Waaheen

No comments: