.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, July 11, 2012

Shirkadaha Dahabshiiil Group iyo Saraakiil ka Tirsan Google Oo Kulan Wada-Tashi Hargaysa....


- Masuuliyiinta Shirkadaha Dahabshiil Group iyo saraakiil ka tirsan kambaniga caalamiga ah ee Google oo Somaliland ku sugan, ayaa kulan qado ah oo dhexmaray waxay kaga wadahadleen horumarinta wadashaqayntooda iyo xoojinta heshiisyo labada dhinac hore u gaadheen oo la xidhiidha adeegyada isgaadhsiinta, gaar ahaan internetka. 

Kulankaas oo ahaa casuumad qado-sharaf ah oo madaxda shirkadaha Dahabshiil u sameeyeen laba sarkaal oo ka socda shirkadda caanka ah ee Google, waxa ka qaybgalay Maareeyaha shrikadda Somtel Cawil Saalax Cabdi iyo Madaxa Xidhiidka Dadweynaha iyo warbaahinta Dahabshiil Xasan Maxamed Jaamac (Xasan Xiis) oo ay wehelinayeen saraakiil kale iyo labada sarkaal ee la casuumay oo midkood yahay Guddoomiye-ku-xigeenka shirkadda Google Mr. Nelson.

Kulankaasi markii uu dhammaaday ayaa qaar ka mid ah masuuliyiintu u faahfaahiyeen warbaahinta ujeeddadiisa iyo qodobada lagaga wadahadlay, iyagoo xusay in lagu falanqeeyey xoojinta iskaashiga labada dhinac oo faa’iido badan u leh Somaliland. Madaxa Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha iyo Warbaahinta Dahabshiil Prof. Xasan Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in kulanka dhexmaray iyaga iyo shirkadda Google salka ku hayey sidii ay u dardargelin lahaayeen heshiis labada dhinac dhexmaray oo la shaaciyey Isniintii toddobaadkan oo la xidhiidha adeegyada isgaadhsiinta iyo internetka. 

Mr. Xiis waxa uu xusay in imaanshaha shirkadda Google ee Somaliland dabasocday wefdi saraakiil shirkaddaasi ka socday bilo ka hor ku yimaadeen dalka, xilligaasna ay labada shirkadood isla qaateen heshiisyo wadashaqayneed oo dhexmara.

“Heshiishan aannu wadagalnay Google maaha mid gaar u noqonaya Somatel oo keliya, balse waxa uu noqonayaa mid khuseeya dhammaan qaybaha kala duwan ee Dahabshiil Group haddii ay noqon lahayd Baanka, hadday tahay qaybta xawaaladda, dhammaan way wada mari doonaan oo heshiiskani wuu saamayn doonaa qaybaha kala duwan ee Dahasbhiil Groups,” ayuu yidhi Xasan Maxamed Jaamac, waxaannu intaa raaciyey, “Sidoo kale, heshiiskani ma noqon doonno mid ku koobnaan doona Dahabshiil Groups oo keliya, laakiin waxa uu noqon doonaa mid ay ka wada faa’iidaysan doonaan Soomalida oo dhami.”

Sidoo kale, Maareeyaha shirkadda Isgaadhsiinta Somtel Cawil Saalax Cabdi oo isaguna ka hadlay ujeedada kulanka ay la yeesheen shirkadda Google, waxaannu yidhi, “Kulankan na dhexmaray annaga iyo Google waa gebogabadii iyo gunnaanadkii heshiiska ay wadagaleen shirkadda caalamiga ah ee Google iyo Somtel ama Dahabshiil Groups, kaasi oo ah noociisa kii ugu horreeyey ee ka dhaca mandiqadan Geeska Afrika.”

Cawil Saalax waxa uu sheegay in heshiiskani yahay mid faa’iido ballaadhan u keenaya macaamiisha shirkaddiisa iyo weliba guud ahaan dadweynaha reer Somaliland, isla markaana ay muhiimadiisa ka fikireen. “Somtel waa shirad la jaanqaadaysa caalamka oo dadaal badan ugu jirta sidii ay kor ugu sii qaadi lahayd dadaalkeeda, waxbadana ku soo kordhisay dhinaca hormarka arrimaha bulshada,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Maareyaha Somtel.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: