.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, August 5, 2012

Dr Gaboose: Md. Siilaanyo Daacad Kama Aha Qabsoomida Doorashooyinka Golaha Deegaanka


- Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Dr. Maxmaed Cabdi Gaboose ayaa Madaxwayne Siilaanyo ku eedeeyey inaanu daacad ka ahayn oo aanu Doonayn inay dalka ka qabsoomaan Doorashada Golaha Deeganka ee la filayey inay daba-yaaqada sanadkan ay Somaliland ka qabsoonto. Dr. Gaboose ayaa waxa uu sheegay in xukuumadda Siilaanyo uu ragaadiyey Musuqmaasuq baahsan, isla markaana ay la daalaa-dhacayso Maamuul xumo ka dhex taagan hay’adaha kala duwan ee dalka.waxaanu Gaboose sidaas ku sheegay Shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay Xarunta Ururkiisa Ummadda ee Magalada Hargeysa.

Wasiirkii hore ee Daakhiliga Maxamed Cabdi Gaboose waxa kale oo uu tilmaamay in Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay si wanaagsan waajibkooda u guteen balse ay xukuumadu lugta hayso oo ay ka dhaqaaqi kari laayihiin dawladda. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi “Komishanka qaranku waa gudi farsamo oo darista xadiga dhaqaale ee ku baxaaya doorashada, cayimana wakhtiga ay suurto gal tahay dooorashadu, maamulana habsami u socodka hawlaha doorashada iyo inay garsoor ka noqdaan tartanka. waxaase xilka iyo waajibaadka dastuuriga ah ka saran yahay Madaxweynaha inuu sugo qabsoomida doorashooyinka dalka xiligii loo qorsheeyay keenona dhaqaalaha ku baxaya, dhamaystirana shuruucda doorashooyinka, diyaariyana nabadgalyo iyo xasiloonida doorashooyinku ku dhici karaan.

Nidaamka doorashooyinka dimuquraadiyada ku salaysan waxa doortay bulshada reer Somaliland, una igmada Madaxdooda inay taabo galiyaan, Masiirka intaa leegna may ahayn inuu noqdo mid ku suurto kara gacan shisheeye, deeq bixiye yaashu iyagoo ku mahad san caawimadooda, hadana waxay ahayn masuuliyada uu damirku ina farayo in sanadba sanadka ka danbeeya ay yaraato deeqdooda, doorashooyinka oo qabsoomi waaya waxay dhiiri galinayaan kursi jacayl keli talisnimo ay bulshada reer Somaliland waayo arag u tahay waxay dhaxal siisay. Waxaan ogsoonahay inay dadaal dheer komishanku ugaleen inay suuro galiyaan inay doorashadu dhacdo dabayaaqada sanadkan, oo ay kala kulmeen carqalado farsamo iyo culays dhaqaale oo ka yimid tirada ururaada iyo asxaabta oo aad badan iyo isbadalka habka doorashada ee loo guuray liiska furan oo ah musharax waliba gaarkiisa haw tartamo.

Daraasad sugan kadib waxay ku mishanku ku qanceen inaanay suurto gal ahayn in boqolaal musharax astaamahooda laysugu keeno hal waraaq cod bixin oo kaliya, si fiicana loo arki Karin, sidaas awgeed waxay ku mishanku ku taliyeen sidoorashadu inoogu qabsoonto in astaanta musharaxa halkeeda lagu badalo nambar, taas oo ay labada gole ee sharci dajintu ku diideen iyagoo aan qadarin inay dhagaystaan komishankii farsamo ee hawshan qaabilsanaa. “Inkastoo Aan Ladafiri Karin Cilada Ku Gadaaman Labada Qaab Mid Kasta Hadana Waxay Ina Horyaala Doorasho Iyo Doorsho La’aan 2012”.

Dr. Gaboose isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas ku daray “Mudane Madaxwayne maaha in komishanka qaranku dhibane u noqdo oo uu ku dhexwareego xafiisyada Nairobi, Madaxtooyada iyo Goleyaasha Qaranka iyada oo ay tahay adiga waajibaadkaagii qaran, dhiirigalinta dhamaan hawlaha suuro galinaya doorashadu inay waqtigeedii ku qabsoonto.

Mudane Madaxwayne waxay bulshadu xog ogaal u tahay muhiimada gaarka ah ee aad siinaysid wada hadala Soomaaliya iyo Sheikh Shariif, balse waxaanu tuhun sanahay iskaba daa dadaale in aad doonayso inay doorashadu dib u dhacdo, si’aad maalmo sharcidaro ah mustaqbalka u sii joogto, waxaana markhaati ka noqon doona adigoo isticmaalaya awoodaada Dastuuriga ah inaad wax ka badal ku samayso diidmada labada gole oo ah inta qudha ee doorashadu u xaniban tahay, taas oo si degdeg ah lagaaga sugayo inaad u soo afjartid, si jadwalka doorashada ee Komishanku qorsheeyeen u noqo mid midho dhala, Waxaanad dhawrjeer baahisay inay doorashada dawladaha hoose dhacayso 2012 gudihiisa, umaduna waxay kaa sugaysaa inaad ka dhabayso.

Waxay bulshadu xasuusan tahay ka soo guryo noqoshadaadii Dubai inaad heshiiskii idin dhexmaray adiga iyo Sheikh Shariif kaga sharci garayso labada gole mudo saacado gudahood ah mudnaanta ay kuu lahayd awgeed, Warbaxintaydii horena waan ku sheegay,Waxaan aaminsanahay musuqmaasuq inuu aafeeyay xukuumaada siilaanyo.”Ayuu Hadalkiisa ku soo gabogabayey.

Xigasho: Haatuf

No comments: