.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, August 5, 2012

MO Farah: Nin Dhaatay Oo Tar Iyo Dhalashoba Sheegtay ''Ma Ka Mudhay''‏


''Mo Farah: Ma ka mudhay''!

- Goorma ayaa uu qofku muujin karaa tayada uu dadka kale dheer yahay ee uu Isir u leeyahy ee asalkiisa iyo cidhibtiisa ku soohan kuna nudan ciriqiisa ee uu si gaar ah Ilaahay u siiyay? Waxa uu muujin karaa marka uu si hagrasho la'i ah, oo aan haba-yaraatee wax-hakad galinyaa jaadka uu doonaba ha lahaadee jirin, uu fursad helo uu ku soo bandhig waxa uu is-la-hayo!.

Maxaa ka milgo badan in madal la is hor-joogo uu qofku tartan la galo filkii, asaagii iyo cid kasta oo wax is-bidaba, oo uu dabadeed loolan adag oo dhudhubo cidhiidhi ah iyo suduudo daran xulay uu si faraadin-nimo iyo xeelad durugsan wadata u baacsho tabtiisa iyo tamartiisa, kuna hanto shan iyo calaacal Libtii loo halgamayay?! Maxaa ka miigan in qayrkaa marag kaaga ahaado dareenka guuleed faraxa ah ee bog-diiriska leh, dul ahaan-na jidhkaaga, ruuxaaga iyo qalbigaagu xajin kari waayaan ee ay il-yartaadu ilmada hililiqiso!
 
Waa habeen sabti ah oo ay taariikhduna ahayd 4/08/2012, waa London (UK), waa Olympic-gii iyo garoon aad iyo aad u wayn oo ay dadku buux-dhaafsheen oo qiyaas ahaan inta dhex fadhidaa tahay 80000, oo qof. Waxa maalintii oo idil ka socday gegidan ciyaaro kala duwan oo ay ku tartameen dad aad u kale gedisan, qaar badan oo ka mid ahaa ayaa guulaystay qaar kalena waa guul daraysteen! Daawadayaashu maararow waa ka dhergeen walise ma qanacsana oo waxa ay kolba hoos u eegayaan saacada!
 
Maxaa ay toloow sugayaan? Sagaalkii fiidnimo markay tahay ayaa la bilaabay in miridhka la tiriyo! Wariyayaashii soo gudbinayay dhacdooyinka la yaabka leh ee ka dhacaya Olympic-ga 2012 (uk), ayaa carabkoodu u jeestay dhan kale oo waxa ay dhigi waayeen waxa iman doona ee ay naawilayaan! Saadaal togan, yididiilo aawan iyo dareen faanfaan leh ayaa ay curiyeen sidii Foore roobaad oo soo dhacay xili kaliil ah oo abaar ba'ani arlada haleeshay!

Waxa la gaadhay 21;15. Runtii ayaa madasha timid, TV-yadii, raadyowyadii, wariyayaashii war-gaysyada qorayay iyo daawadayaashiiba waxa ay indhahoodii ku kulmiyeen bar qudha! Halkaasoo ah goobtii ay taagnaayeen ka qayb-galayaasha orodka dheer ee 10000m (10-km) ee raga raga ahi ay u tartamayeen qaadista koobka dahabka ah. Waa hal-doorkii orodka jaadkan oo kale ah, waa rag qaarkood ay hore u soo qaadeen koobab badan, waxase raxantaa orodyahanada ah ka dhex muuqda nin quluubta dadka goobta fadhiya iyo waliba kuwa kale ee shaashadaha Tv-yada ee aduunyada daafaaheeda ka daawanayaa hantay, oo qof-kastaaba la jecel yahay inuu badiyo! Ninkaasi waa MO Farah.......... Waa muwaadin UK- u orda, kana soo jeeda Asal ahaan Jamhuuriyada Diimquraadiga ah ee Somaliland.

Xidiga ifka dheer leh ee qayrkii shiiqiyay waa Mo Farah oo masraxyada aduunka caam ka ah oo marar badan oo hore rag dabada iskugu soo dhuftay, soona hooystay koobab dahab, qalin iyo maarba leh. Siidhigii bilowga orodka ee dhacay ka dib, jac iyo taw la isla jaan qaaday ayaa judhadiiba la bilaabay, lamaanayaal iyo kooxo is-wata ayaa ku jira tartanka oo isku-hiilimaad la ogol yahay ku laqiman ciyaarta! MO Farah waa nin soo jiray oo waa jeex biro ka hadhay ee uma jixin jixin goolaaftankooda, badhtanka ayaa uu meel ka qabsaday!

Dabka ayuu waligiiba ugu xidigin jiray oo waa gadiisiiye kolba taako ayuu hore ugu siqaa oo uu ragay is-hayeen mid mid u dhaafaa, wax tartanku laba bogleeyaba oo kolba wareeg la meeriyoba, waxa yimid laabkii u dambeeyay, waa tabtuu maaganaaye cagta ayuu hoosta ka xaday oo uu isagu hogaanka ciyaarta qabtay, markay masaafo yari ka hadhsantahay halkii yoolku ahaana MO Farah, waxa uu ku miitiday inaan cidi soo hawaysan, goobtaa iyo goortaana MO Farah waa uu ku tar-sheegtay oo uu ku dhaatay, badkana soo dhigay dhalasho ninka uu yahay.......''MO-Farah-Somalilander''! Ya-salaam

''Mo Farah: Ma ka mudhay''!

Cali Cumar Xasan

No comments: