.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, August 11, 2012

Maxamad Faarax (Mo Farah) Oo Markii 2aad Bilad Dahab Ah Qaaday (5000m & 10000m)


- Oradyahanka caanka ah ee magaciisa la yidhaa Maxamad Faarax (Mo Farah) oo ah nin u dhashay dalka Jamhuuriyada Somaliland, una orda dalka Britain ayaa maanta  ku gulaystay biladii labaad ee dahab ah mudo todoba cisho gudahood ah, kadib markii uu orodo caaqiibo leh oo10000m (10km) iyo 5000m (5km) ku soo bandhigay ciyaraha Olympiga ah ee ka dhacaya dalka Ingiriiska.

 Dadka dalkan UK ku nool meel ay joogaanba haday yihiin kuwa fadhiya xerada orodka gudaheeda, kuwa dibada ka daawanaya iyo kuwo guryahooda joogaba waxa aad loo sugayay in la arko orodkan 5000m ah oo bilaabma, fiidkii caawa oo sabti ah bishuna ay ahayd 11/08/2012-ka ayaa Mo Farah iyo raxan orodyahano ahi ay soo galeen gegooyinka ciyaaraha lagu qabto mid ka mid ah oo loo qorsheeyay in orodka 5000m ahi ka dhaco laguna kala badiyo. Sawaxan iyo qaylo ayaa la isku daray markii Mo Farah magaciisa la shaaciyay, iyaga oo dadku ku dhawaaqaya Mo-Go! Qofkastaa waxa uu jeclaa inuu arko Mo Farah oo guulaystay. Nasiib wanaag, daawadayaashiisii kuma uu wacad furin Mo Farah ee waxa uu si la yaab leh oo ay ku jirto xirfad saraysaa ku noqday ninka kaalinta kowaaaad galay ee bilada dahabka ah ee 5000m ee Olympics-2012-ka, qaaday! Halkaana waxa uu ku noqday ninkii u horeeyay ee u orda dalkan UK ee laba biladood oo dahab ah (10km & 5km) hanta.

No comments: