.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 1, 2012

Prof, Cabdi-Salaan Yaasiin Oo Dhaliil Dusha Ka Saaray Xukuumada Siilaanyo


- Professor Cabdislaam oo ka mid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM kana tirsan masuulyiinta urur-siyaasadeedkii Horyaal ee la reebay ayaa ka hadlay arrimo ay ka midyihiin wadalka Somaliland sheegay in ay hakisay iyo safaaradda uu dhawaan Ingiriisku sheegay in Hargeysa ka furayo.

“ Waxaan maqalaynay in ninka safiirka Ingiriik ah ee Muqdisho inta uu halkan yimi uu yidhi safaarad baan furayaa , taasi safaarad ma noqon doonto , waayo ma Hargeysa ayuu fadhiisan mise Muqdisho?” ayuu yidhi Professor Cabdisalaam Yaasiin . Cabdisalaam yaasiin oo maanta qaar ka tirsan warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa waxa kale oo uu ka hadlay mawqifkiisa dhabta ah, ee ku aadan wadahadala Somaliland iyo Somaliya iyo waliba go’aankii ay dhawaan Somaliland ku sheegtay in ay ku hakinayso geedi socodkii wadalkaasi waxaanu yidhi isaga oo arrinkaas ka hadlaya;

 “ Horta anigu waxaan ka mid ahaa dadkii horeba u aaminsanaa in aan Somaliland waxba kaga xidhinay Somaliya, aqoonsiguna inaga gudaheena yaallo! Wadahadalku sidiisaba ma xumo hase ahaatee waqtigan ma qurux badna, jiritaakeena cid diidani mar jirto, cidna muran kama keeni karto ,aqoosiguse waxaan aaminsanahay in aanu Somaliya ku xidhnayn” ayuu yidhi Pro Cabdisalaam Yaasiin.

Waxa kale oo uu Cabdisalaam yaasiin Sheegay in aanay Somaliland wax dhib ah ku keeni doonin wadahalkan Somaliland ay haatan sheegtay in ay hakad galisay, waxaanu yidhi; ” anigu sidaan hore u sheegay waxaan ka mid ahaa dadkii lahaa waxba inagaga ma xidhna Somaliya ee yaan lagu degdegin arrinka wadahadalka, hadda hadii la joojiyana Somaliland wax kaga xumaanayaa ma jirto “.

Waxa kale oo uu sheegay prof, Cabdisalaam Yaasiin in ujeedada loo qabtay wadahadalka Somalida. Waxaanu sheegay in dalalkii soo qaban qaabiyey ay dano gaara ah ka wateen waxaanu yidh;

 “Ingiriiska waa la weydiiyey waxaana lagu yidhi ma lacag badan ayaad ku helaysaa arrinkan Somaliya, isna waxa uu doonayaa in uu dantiisa wato, waxaanu doonayaa in dhibaatooyinka kaga iman lahaa halkooda ugu tago, maska godkiisa ayaa loogu tagaaye “ ayuu yidhi Pro Cabdisalaam Yaasiin .

Source: Oodweynenews

No comments: