.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, August 2, 2012

Al-Islaax: Miyaad Is-lahayd Hargaysa Ayaa Nin Koonfuri ah Oo Madax-wayne doonaya Looga Ololayn?!

''Waar dadkan (reer Somaliland) ma umul-baa ilowshiiyo dhawaa! Waar dadkan MAXAA KA SI AH! Walee waa yaab''! Dr C/nuur

- Nin baa laga sheegayay; ''laba walba isa saarayoo wali laba tagoogood isma saarin''! mid kalena waa kii lahaa; ''aduunyada nin nooloow maxaa aragti kuu laaban''! mid kalaa isna yidhi; ''ma anigaa waalan mise cadanbaa laga heesayaa''!...............Reer xamarka cad-cadka ahina afkooda iska-magaaliga ah waxay ku dhahaan; ''cimrigaagoo dheeraaday geel dhalaayana wuu ku tusaa''! Waxaasoo xigmad ahi waxa ay kusoo aroorayaan hal god oo ah, ''U-qaadan-waa anfariir leh''!

Intii madaxaygu saan lahaa wax badan ayaa jira oo i dhaygag galiyay oo iga yaabiyay, kuwaasoo aan u kala qaybin karo qaar aan maqlay, arkay, akhriyay, daawaday ama maankaygaba ka soo maaxday oo inay suurto-gal noqon karaan aan laftarkayguba maleeyay! Waxase sheekadii ugu mucjisada badnayd ee aan abid maqlaa noqotay arin ka dhacday dhawaan dalka Somaliland caasimadiisa Haragaysa! Arintaasi waa tee? waa shirka Siyaasadeed ee urur diimeedka magaciisa la yidhaa Al-islaax uu ku qabtay Hargaysa! Ururkan Al-islaax waa urur u ololeeya ninka u sharxan madaxawayne-nimada Soomaaliya ee magaciisa la yidhaa; Dr Cabdiraxmaan Macalim Cabdilaahi '' Baadiyow''! Oo ah nin KOONFURIYA!

Taageerayaasha ugu waawayn ee ururka Al-islaax uu leeyahay maad taqaan cida ay yihiin? Waxa ay u badan yihiin dadkii godobta ka galay reer Somaliland! Miyaad ka war qabtaa in Col, Canjeex oo ah ninka lagu eedeeyo inuu ka danbeeyay Xasuuqii Jasiira (muqdisho 1989) ee lagu dilay 57- nin ee reer Somaliland, uu ka mid yahay raga rukunka u ah u ololeynta Dr Baadiyow iyo waliba Al-islaax!

*Halkan Hoose ka akhri kana daawo (You-tube).

Aheey ah, Kama soo wareegin rubuc qarni maalmihii raxan-raxan ragooda xulka ah la isku xidhxidhayay ee dhegta dhiiga loo daray! Dharaarihii maatidooda iyo maxastooda diyaaradaha lagu garaacayay! Maanta oo ay ahayd in waxii ay soo mudatay Hargaysi cadawgeedu ka caagaa oo uu ku soo dhiiran waayaa inuu yimaado iska daa inuu wax ka sameeyee, waadiga arkaya waxa ka soconaya! Waar dadkan (reer Somaliland) ma umul-baa ilowshiiyo dhawaa! Waar dadkan MAXAA KA SI AH! Walee waa yaab!

Dr. C/nuur Xaaji

No comments: