.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 8, 2012

Reer Buuhoodloow Xabadii Way Dhamaatay: Saleebaan Xaglo-toosiye


- Waftigii uu hogaaminayey Hogaamihii ururkii SSC Saleebaan Xagla-toosiye ayaa shalay kulan kula yeeshay degmadda Caynabo waftigii golaha xukuumadda Somaliland ee doraad ku soo dhaweeyey Tuulada Oog, kuwaas oo yeeshay kulan albaabadu u xidhan yihiin oo la sheegay inay kaga wada hadleen arimaha nabadaynta deegaanka Buuhoodle. Saleebaan Xagle-toosiye oo isagu kulankaas ka hadlay mar uu shalay Warbaahinta kula hadlayey Degmadda Caynabo ayaa bulshada deegaanada Buuhoodle ugu bushaareeyey inaanay xabad danbe iyo colaad danbe ka dhici doonin deegaanada, isla markaana soo dhaweeyey dadaalka xukuumadda Somaliland ku baadi goobayso in xal waara loo laga gaadho colaadaha aafeeyey deegaanadaasi.

Xagla-toosiye isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Sida uu Wasiirku sheegay waxa aanu yeelanay kulan runtii qiimo badan anaga oo ah qoladii ka timid Buuhoodle iyo waftigii xukuumadda Somaliland ee Wasiirada ka koobnaa, run ahaantiina kulankaasi guul ayuu ku dhamaaday oo waxaananu ka wada hadalnay Nabad iyo sidii loo afjari lahaa Colaadaha iyo dhibaatooyinka soo noqnoqnaye ee ka taagan deegaanadaas isla markaana xal waara loogu heli lahaa, markaa Nabad ayaanu isla qaadanay anaga iyo xukuumadu siiba sida ay qodobada nabadu u kala horaynayaan iyo waxay yihiinba oo aanu ku sheegi doono fadhiyadayada danbe oo Insha Allahaa sid dhakhso ah inay u soo gabo-gaboobaan aan ku hanwaynahay”.

Saleebaan Xagla-toosiye oo hadalkiisa sii wataana, waxa uu yidhi “Waxaan dhamaan bulshadda deegaanada Buuhoodle u sheegayaa inay ku bushaaraystaan sida aanu Ilaahay ka baryeyno kana rajynayno inaan xabad-danbe dhici doonin colaad danbena dhici doonin, isla markaana dadka walaalaha ah ee ehelka ah ee aan kala maarmi Karin in nabad waarta oo aan dhaxalgasha Ilaahay inagu guuleeyo. Waxaanan u mahad celinayaa waftiga xukuumadda ka socday oo runtii aanu si wanaagsan isula afgaranay qodobadii guud ahaan nabada ku saabsanaa”.

Dhinaca kale Wasiirka Daakhiliga Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo waftiga xukuumada hogaaminayey oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ka go’an tahay inay waxkasta oo Nabad lagaga dhalin karo deegaanada Buuhoodle ay diyaar u tahay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Sida cad ee muuqatay waxaanu kulan yeelanay waftigii qiimaha lahaa ee ka yimid Buuhoodle ee uu hogaaminayey Saleebaan Xaglo-toosiye, waxaananu yeelanay kulan hordhac ah oo albaabadu u xidhan yihiin oo aanu kaga tashanaynay shaqaaqadii ka taagnayd guud ahaan gobolkaa Buuhoodle iyo deegaankaasba sidii loo soo afjari lahaa oo waxa uu kulankayagaasi noogu gabo-gaboobay is afgarad iyo heshiis.

Waxaana la isla gartay in labada dhinacba waxkasta oo ay nabadu ku xidhan tahay iyo talaabokasta oo loo baahdo in loo qaado in loo qaado sidii nabad guud loo heli lahaa markaa sidaas ayuu kulankayagaasi is afgarad iyo is fahan ugu dhamaaday. Talaabooyinka la qaadi doono iyo qaabka wax loo xalin doonana fadhiyada danbe ayaanu Insha Allaah ku sii lafo-guri doonaa”.

Xigasho: Haatuf

No comments: