.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 8, 2012

Wafdigii Uu Hogaaminayay Saleebaan Xaglo-toosiye Oo Lagu Qaabilay Madaxtooyada JSL


- War-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, kuna saabsan qaabilaada madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland Md, Axmed Siilaanyo ee wafdiga ka yimid Buuhoodle ee uu hogaaminaya mudane Saleebaan Xaglo-toosiye, una socda nabadii uu gogosheeda ku baaqay madaxwayne Axmed Siilaanyo,  ayaa waxa uu u dhignaa sidan hoose ku qoran:

''Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergo ka mida Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo reer Buuheedle ah weftigaas oo ujeedada socdaalkoodu ay ahayd in ay madaxweynaha soo gaadhsiyaan aqbalaada ay aqbaleen baaqii nabada iyo weliba fariinta reer buuhoodle.

Madaxweynaha Somaliland oo kulankaa hadal kooban ka jeediyey waxa u marka hore soo dhaweeyey weftiga reer buuhoodle oo uu u sheegay inay dalkoodii joogaan, madaxweynuhu waxa uu weftiga uga mahadnaqay kuwa Hargeysa soo gaadhay iyo kuwa bari ku hadhayba, dedaalka ay u soo mareen nabada, waxaanu u sheegay in illaahay ka abaal marin doono qof kasta oo wanaag ka shaqeeya.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay in farsamo ahaan wax kasta oo suurto gelinaya Nabad-gelyada deegaanadaasi uu diyaar u yahay, Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqaday gudidii dhinaca Somaliland ka socotay oo uu sheegay inay hawl wanaagsan qabteen ugu danbayn madaxweynuhu wax uu kula dardaarmay weftiga reer buuhoodle iyo dawladaba in aan laga hadhin ee hawsha nabad-doonimada la sii wado.

Kulankaa madaxweynaha waxa ku wehelinaayey xubno ka mida golihiisa wasiirada iyo gudoomiyeyaasha labada Xisbi ee Kulmiye iyo UCID.”Ayuuu yidhi.

ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
(Af-hayeenka Madaxtooyada JSL)

No comments: