.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, August 6, 2012

Barnaamij Ku Saabsan MO Farah ''Dhegta maal''


- Tan iyo intii uu orodyahanka caanka ah ee reer Somaliland Mo Farah ku guulaystay inuu kaalinta kowaad ka galo tartan adag oo la isku arkay, oo ahaa orordka dheer ee 10000m (10-km) kuna galay buugaagta taariikhda ninkii ugu horeeyay ee dalka Ingiriiska magaciisa ku orda, ee u qaada bilada dahabka ah ee 10000m, waxa dadka dalka ingiriiska ku dhaqan iyo wariyayaasha wax faaleeyaa ee war-isgaadhsiinta jaadadkeeda badan lehi ay ka xiiso dhici laayihiin, hadal haynta dhacdadan mucjisada ah ee ka dhacday magaalada Lonodn, xiligan oo uu dalkan ingiriisku martigalinayo tartamada caalamiga ah ee Olymic-ga 2012.

Hadaba, saxaafada kala duwan ee ay leeyihiin dadka reer Somaliland iyo bulshooyinka kale ee af-soomaaliga ku hadla ee dunida ku kala filiqsan ee ay ka midka yihiin Tv-yada, idaacadaha, war-gaysyada, website-yada iwm ayaa iyaguna dhankooda si balaadhan u baahiyay guusha u soo hoyatay orod-yahnka caanka ah ee Mo Farah. Hadaba waxa barnaamij gaar ah oo ay waraysiyo iyo xogo ku qaadayso ka diyaarisay libta uu qaaday orodyahanka reer Somaliland Mo Farah idaacada dalka Maraykanka laga leeyahay ee magaceedu yahay Somali-voa, waana kan aan hoosta idiinka soo lifaaqnay ee ka bogo!

*Dhegta maal*

No comments: