.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, August 9, 2012

Tog-Wajaal Oo Ka Soo Raysanaysa Wado-XUMADII


- Degmada Tog-Wajaale waa degmo ganacsi oo dhawan ka mid noqotay degmooyinka dalka waxa maamulkeedu ku talaabsaday horumar balaadhan oo ay wax weyn kaga qabteen jidadka magaalada dhexmara oo dhibaato xoogle ku haysay gaadiidka xamulka qaada oo qaarkood ku dhici jireen magaalada dhexdeeda. Maamulka degmada oo kaashanaya xukumada, ganacsatada iyo dadweynaha waxay ku guulaysteen hirgalinta wadooyin daboolay baahidii iyo rafaadkii gaadiidlaydu ay kala kulmi jireen magaalo ganacsiyeedkaasi.

Dedaaladan kor loogu qaadayo waddooyinka oo ah halbowlaha ugu xasaasisan kaabeyaasha dhaqaalaha waxa la yimid Guddoomiyaha degmadda Wajaalle Xaashi Maxamed Cabdi iyo Xoghayaha degmadaasi Faysal Maxamed Cumar oo hal abuuray fikrad wanaagsan oo isku tashi ku dhisan oo ay la kaashadeen dadweynaha, ganacsatada ka baayac-mushtareysa degmadda iyo xukuumadda Somaliland oo wax ku darsata qorshe kasta oo horumarineed oo ay la yimaadaan deegaamada dalku.

Labadan masuul waxa kale oo qorshahooda dhow ku jira inay dedaal gunti giijis ah u galaan horumarinta waddooyinka oo imikaba ay qeybo ka mid ah ka dabooleen bulshadooda oo afartan sanadood la kaacaa-kufayay jid xumaddii ay caanka ku ahayd magaalada Wajaale.

Ugu dambayntii maamulka degmada Wajaale ee gobolka Gabiley ayaa noqday ka ugu dadaalka badan maamuladda dagmooyinka dalka iyadoo shacabka dagmadda wajaale ay kalsooni buuxda ka haystaan , talaabadan ayaa noqonaysa mid horseed u noqota horumar dagdag ah oo ka soo baxa qaybaha kala duwan ee dagmada wajaale.

W/q: C/Casiis Maxamed Cali Yuusuf (Maydhax)

---

Posted by Daahir Yuusuf (Hargaysa)

No comments: