.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, August 8, 2012

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo waxa haga: Hoggaan Quman, Horumar Muuqda & Himilo Toosan


''Ma aha oo keliya inuu M/weyne Ahmed Silaanyo kor u qaaday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba; balse waxa kale oo uu...'' Eng, Xuseen-Dayr

- 27-kii July 2012, waxay ku beegnayd sannad-guuradii 2-aad ee ka soo wareegtay markii Mudane M/weyne Axmed Silaanyo uu si rasmi ah ula wareegay talada iyo hoggaanka ugu sarreeya ee dalka Jam. Somaliland.

Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadinba uga dirayaa M/weynaha Jam. Somaliland Mudane Axmed Silaanyo, golaha Wasiirrada iyo hawl-wadeenada kale ee Xukuumadda taasoo aan ugu hambalyeynayo horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen iyo kartida iyo kalsoonida ay muujiyeen muddadaa labada sano ah ee ay talada dalka hayeen. Waxaanan ALLAH uga baryayaa inuu dhammaantoodba ku asturo oo uu ku guuleeyo xilka iyo masuuliyadda ay ummadda u hayaan.

1. Hoggaan Quman iyo Himilo Toosan
 
Markii xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo ay talada dalka la wareegtay waxaa horyaallay hawlo iyo carqalado badan oo ay ka dhaxashay xukuumaddii talada wareejisay.

Madaxweynaha talada qabtay markii uu tixgaliyay baahida qaran ee loo qabo in la kobciyo oo kor loo qaado hawlaha qaranka ee baaxadda leh, waxa uu arkay inay daruuri iyo la gama maarmanba tahay inuu la yimaado qorshe iyo weji siyaasadeed oo cusub oo ka duwan kuwii hore u jiray. Si uu uga midho dhaliyo himilada iyo hiigsiga xukuumadda cusub, waxa uu madaxweynuhu hawlaha qaranka iyo qaybaha kala duwan ee xukuumadiisaba uu u igmaday dadkii ku habboonnaa ee lahaa aqoontii iyo khibraddii loo baahnaa ee ay dalka iyo dadkaba ugu adeegi lahaayeen.

Haddaba, haddii aynu isweydiino maxaa u qabsoomay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo muddo 2-da sano ah ka dib, waxa aan si kalsooni leh u odhan karaa: Wax badan oo baaxad leh ayaa qabsoomay, xukuumadduna way ka dhabaysay ballanqaadkii ay ummadda Jam. Somaliland la gashay. Dabcan way jiraan waxyaabo aan weli qabsoomin oo xukuumadda looga fadhiyo inay hirgeliso.

Balse marka aynu muran iyo makeekiba iska illowno, waxqabadka baaxadda leh ee ay xukuumaddu soo bandhigtay waa wax muuqda oo aan la iska indhatiri karin – (haddii aynu wax yar tusaale ka soo qaadano xagga sugidda ammaanka qaranka, koboca dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, maalgashiga, horumarka siyaasadda arr. dibedda, dib u dhiska adeegyada guud, daryeelka danyarta, iwm).

Tayada hoggaamiyenimo iyo talada waayeelnimo ee ay M/weyne Axmed Silaanyo iyo xukuumaddiisu soo bandhigeen waxay magac, maamuus iyo milgo qaranba u tahay qof kasta oo muwaadin Somalilander ah oo jecel wanaagga iyo horumarka Jam. Somaliland.

M/Weynaha JSL Mudane Ahmed Silaanyo waxa uu muujiyey inuu yahay hoggaamiye dhawra oo ku dhaqma distoorka iyo shuruucda aasaasiga ah ee dalka u dhigan isla markaana horseed ka ah hirgelinta iyo horumarinta hannaanka dimuqraadiyadda, sugidda xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadinka, ilaalinta karaamada iyo sharafta dalka iyo dadka, difaaca iyo sugidda nabada qaranka, kordhinta iyo kobcinta ilaha dhaqaale iyo adeegyada guud ee bulshada, daryeelka danyarta iyo bulshada inta jilicsan, xorriyatul qawlka iyo saxaafadda madaxa bannaan.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxay si quman oo qoto dheer u fahmeen ka faa’iidaysashada fursadaha cusub ee ka abuurmay isbedellada siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgelyo ee dunida ka socda. Taasoo Qaranka Jam. Somaliland u keentay xidhiidh iskaashi iyo wax wada qabsi oo caalami ah; ha noqoto xagga dhaqaalaha, ganacsiga, maalgashiga, gaashaandhigga, horumarka aqoonta iyo teknoolojiyadda, ka hortagga colaadaha iyo kobcinta nabadda, daryeelka xuquuqda aadamaha, iwm.

Haddii aynu maqaalkan tusaale ahaan u soo qaadano Siyaasadda Arr. Dibedda ee Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxaa haga siyaasad hufan oo salka ku haysa isku kalsooni, aqoon casri ah iyo wax isdhaafsi, taasoo si wacan ula tallaabsatay isbeddellada siyaasadeed, nabadgelyo, dhaqan/dhaqaale ee Gobolka, Qaaradda iyo Caalamkaba ka socda. Waxay si qoto dheer u fahansan yihiin qaabka iyo istraatejiyadda ay waqtigan xaadirka ah dawladaha caalamku wax isku dhaafsadaan danahoodana u kala fushadaan.

Xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo waxa ay si farshaxannimo leh bulshada caalamka iyo dalalka deriska ahba ugu soo bandhigtay guud ahaan muhimadda iyo qiimaha ay Jam. Somaliland u leedahay gobolka Geeska Afrika. Gaar ahaanna sida ay Jam. Somaliland bulshada caalamka wax ugala qaban karto xal u hellidda mushkiladaha ku gedaaman gobolka Geeska Afrika, sida Budhcad badeedda, qolyaha xag jira iyo arge-gexisada caalimiga ah iyo sidii xal waara loogu heli lahaa mashaakilka iyo dagaallada ragaadiyey dalka aynu deriska iyo walaalahaba nahay ee Soomaaliya.

2. Talo-wadaag iyo Maamul Toolmoon

Goorma ayaa kuugu dambaysay maqalka ereyadan: “Dadku aniga ayey i doorteen, dalkanna anigaa madaxweyne ka ah. Sidaa darteed, talada iyo hoggaanka dalkan iyo dadkan cidna u daba-fadhiisani maayo”!!

Taa bedelkeeda, muddadaa ay Xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay waxaynu aragnaa in Madaxweynaha JSL Mudane Ahmed Silaanyo uu muujiyey bisayl, waayeelnimo iyo gobannimo siyaasadeed oo qoto dheer, taasoo ah mid gebi ahaanba ku cusub amaba aan looga baran hogaamiyeyaasha qaaradda Afrika iyo Dunida 3-aadba. Waxa uu abuuray nidaam iyo jawi ku salaysan talo-wadaag, wada tashi iyo in si wadajir ah danta iyo himilada Qaranka looga wada shaqeeyo.

Tallaabadan waxay horseeday isku soo dhawaansho iyo wada shaqayn dhex marta xukuumadda, goleyaasha qaranka iyo xisbiyadda mucaaridka oo aan alaaba looga baran wada shaqayn dhex marta xisbul-xaakimka iyo mucaaridka, xataa dalalka horumarka weyn ka sameeyey xagga Dimoqraadiyadda iyo Dawlad-wanaaga.

Hoggaanka waayeelnimo iyo talo-wadaagga uu la yimid M/weynaha Jam. Somaliland waxa uu ku kasbaday xushmadda iyo ixtiraamka dadweynaha Jam. Somaliland (gudaha & dibeddaba), bulshada caalamka, dalalka deriska ah, ururrada deeq-bixiyeyaasha iyo dalalka qadiyadda Somaliland sida gaarka ah u daneeyaba.

Ma aha oo keliya inuu M/weyne Ahmed Silaanyo kor u qaaday isku kalsoonida, rejada, filashada iyo yidi-diillada shacab weynaha Jam. Somaliland gudaha iyo dibeddaba; balse waxa kale oo uu dib u soo nooleeyey qiimaha iyo muhimadda ay Jam. Somaliland u leedahay Gobolka Geeska Afrika iyo dunida kaleba. Taasoo kor u qaaday hanka, ixtiraamka iyo hadal-haynta ay beesha caalamku dalkeena u qabaan.

Guntii iyo geba-gebadii, hannaanka siyaasadeed ee ku dhaca iyo geesinnimadaba leh ee ay xukuumadda M/weyne Ahmed Silaanyo labadaa sano soo bandhigtay waxay dalkeenna u soo hoysay sumcad iyo sharaf iyo Jam. Somaliland oo haatan ah dal si weyn looga qadariyo dacallada dunida oo lagala tashado isbeddellada iyo xaaladaha ku xeeran Gobolka Geeska Afrika. Arrintani waxay horseed u noqon kartaa in haatan beesha caalamku garwaaqsato qadiyadda gooni-isutaagga iyo madax-bannaanida Jam. Somaliland

Hoggaamiyaha daacadda ah, Waddaniga dhabta ah Allow Dhawr.

ALLAA Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq

W/q: Architectural-Eng. Hussein Adan Igeh
(Hussein Deyr)-UK

No comments: