.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, August 2, 2012

Xukun Qarqoosh ''Waa Mayde Aasa'': Sheeko


Prof. C/Salaam Yaasiin

- Waxa sheekooyinka Amiir Qarqoosh ka mid ah in meel uu joogay buuq ka dhacay. Buuqii ayuu u kuur galay si uu u hubsado. Wuxu arkay mayd la sido oo qaylinaya. Maydku wuxu leeyahay, “Waar waan noolahay! Waar ma dhimanine i dhiga oo naxashka iga dejiya!”

Dadkii maydka siday iyo dadkii jinaasada buuqa badan kicisay la socday markii ay Amiir Qarqoosh arkeen ayay istaagan. “Maxaa jinaasadda buuqan ku kiciyay?” Ayuu weydiiyay Qarqoosh.

Qoladii maydka siday ayaa u jawaabay oo tidhi, “Amiir Qarqoosh, maydku waa aabahayo oo dhintay. Waanu soo maydhnay oo soo kafanay. Imikana waxanu u sidnay masaajidka si loogu tukado.” Amiir Qarqoosh maydkii ayuu ku yidhi, “Maxaad arrintaa ka leedahay?” Maydkii wuxu ugu jawaabay, “Amiir ma dhiman ee waan noolahay. Inaan nolahayna waxa kuu caddaynaya waanaga hadlaya. Nimakan i sidaa waa inamadaydii. Nin xoolo lehna waan ahay. Arrintuna wax kale ma aha ee waxa doonayaan inay xoolahaas dhaxlaan.”

Dadkii jinaasadda la socday, oo inamada saaxiibadood ah, ayuu Amiirki la hadlay oo ku yidhi “Idina maxay idinla tahay?” Waxay ugu jawaabeen, “Amiir, sidaa inamadu yidhaadeen, aabahood waa mayd. Waanu soo maydhnay oo soo kafanay. Imikana masaajidka ayaanu u sidnaa si loogu tukado.”

Amiir Qarqoosh inta uu ninkii maydka ahaa ee noolaa la hadlay ayuu ku yidhi, “Ma waxad doonaysaa inaan dadkaas oo dhan beeniyo oo aan adiga ku rumaysto!? Mayd baad tahay! Waar waa mayde aasa.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin

No comments: