.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, August 2, 2012

Somaliland Oo Uga Digtay Somalia Inay Soo Fara-galiso Qaran-nimada Somaliland


- Wasiirka arrimaha dibada ee dalka jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee  Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar oo maanta idaacada BBC-da la hadlay ayaa sheegay in ugu horayn uu qaranka Somaliland ku faraxsan yahay in distoor loo sameeyo dalka ay jaarka yihiin ee Soomaaliya, wasiirku waxa uu sheegay in taasi ay dan u tahay dadka ku dhaqan Soomaaliya oo ay mudo aad u badan colaado halakeeyeen.

Waxa kale oo uu wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Dr. Maxamad Cabdilaahi Cumar uu si adga ugu digay maamulka DKMG, oo uu ka waaniyay inay wax  faragelin ah habayrataatee ula yimaadaan arimaha u gaarka ah dalka Somaliland.  Isaga oo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi wasiisrku arimaha dibada ee Somaliland;

''Marka ugu horreysay aad ayaanu ugu faraxsannahay howlaha qaran dhiska ah ee ka socda Soomaaliya ee ay ku sameynayso shuruucda iyo hayadaha qaranka si ay nabadgalyada dalkeeda u xasiliso, waayo in badan waxaa ka taagnayd Soomaaliya amni-darro iyo xukuumad la aan'' ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar.

Waxa kale oo uu uga digay wasirka dawlada Soomaaliya wasiirku isaga oo sheegay inay jiraan arrimo ay u arkaan faragelin toos ah oo lagu hayo Somaliland, kuwaasoo uu xusay inay ka mid yihiin ergooyin la sheegay inay ka socdaan Somaliland oo ka qaybgalaya shirarka ka socda Soomaaliya iyo in qodobbo ka mid ah dastuurka ay taabanayaan xuduudaha gobollada dalka. isaga oo wasiirku ka hadlaya arimahaana waxa uu yidhi;

'' Dad sheegta inay ka socdaan Somaliland oo loo yeedho, gobolo ka mid ah Somaliland oo ay Somalia sheegato, arrimahaas waxaan u aragnaa inay yihiin fargelin toos ha oo lagu hayo qaranka Somaliland, waxaanan ugu baaqaynaa Soomaaliya, beesha calamakan aan u sheegaynaa in la joojiyo arrintaas, waayo? waxay keeni kartaa carqalad iyo amni-xumo hor leh oo ka dhacda geeska'' ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamad Cabdilaahi Cumar, waxa uu cadeeyay in qaranka Somaliand yahay dal madaxbanaan oo ku dhisan sharciyo, dastuur iyo golayaal qaran, arrimihiisana wuxuu u maamushaa si gaar ah, inkastoo aanan helin aqoonsi caalami ah hadana aduunku waa ogyahay waana lanagula macaamilaa. Wasiirku waxa uu ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay madaxbannaanida iyo rabitaanka dadka reer Somaliland ixtiraamto.

Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland waxa uu intaasi ku daray in wada-hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Somalia ay dib u billaaban doonaan, oo ya la gali doonaan dowlada cusub ee Somalia loo dhiso, isagoo wasiirku carabka ku adkeeyay in wixii wadahadala ka baxsan ee ay Somalia ula timaado qaranka Somaliland-na ay u arkaan inay yihiin faragelin, taasi oo horseedi karta colaad.

Gabagabdii waraysiga ay BBC-du la yeelatay wasiirka arimaha dibada ee Somaliland, wuxuu Dr Maxamad Cabdilaahi u dardaar-wariyay una digay ergooyinka la sheegay inay ka socdaan Somaliland ee  ka qayb-galay shirarka ka socda Soomaaliya! Waxa uu wasiirku u sheegay dadkaa inuu ka jiro Somaliland sharci, cidii lagu helo wax gaf ku ah qaranka Somaliland sharciga ayaa lagu qaadayaa ayuu ku soo gabogabeeyay wasiirku hadalkiisii.

WYL-News

No comments: