.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, October 3, 2012

Gaarriye Muu Dhiman Ee Ummad dhan baa goblantey

Guuloow alahyoow
Geesigii wad baa helay
Geeridu xaq weeyee
Kuwa gala halka u roon
Garab gala Rasuul kii
Xuurar cayn ta gurigiyo
Garab jog to raaxadu
Naxariista guud kiyo
God ka  raaxo uuga yeel
kuwa aan gaboobayn
Gidigood dhalaan ka ah
Kuwa gala hadh kaagee
ku gama,aya raaxada.
                                              W/t; Cabdul-Khaaliq Maxamed
 
- Xilli ku beegnayd  dhinacayaga 12:30 habeenimo ayaan dhigay telefoonka.Waxaanu falanqaynaynay sidaanu ugu hawl galayno xuska Maalinta Mujaahidiinta oo inagu soo  fool leh.Waxaanu  istaabsiinay geerida naxdinta leh ee ku timid  Faysal Cumar Mushteeg (IHUN) iyo sidaan looga faa’iidaysan waayo-aragnimadiisii aqooneed, macalinimo, xanaaneyntii xoolaha,kobcintii fanka,iwm.
 
Aroornimadii ayaa markaan sii shaqotagayey iyadoon dhaqan ii aheyn la i tusay inaan bal eego wararkii dalka.Indhahaygaa ka soo booday,isdiidsiiyey xaqiiqada qoraalada ku xardhan, laakiin  mareeg walba waxaa buuxiyey bogga hore tacsidiisa.Waa sheegista Geeridii Abwaan,aqoonyahan, macalin,dhaqan dhawre, Af kobciye, Waayeel,  hagarlaawe Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”.
 
Yoonis Cali Nuur oo ka hadlaya  Gaarriye (IHUN) ayaa laga hayaa “Gaarriye waxa uu ahaa nin aqoonyahan ah, wax weyna ku soo kordhiyey suugaanta Soomaalida. Gaar ahaan waxan xasuusnahay hawshii weyneyd ee uu ka soo qabtay daraasooyinkii iyo cilmi-baadhistii miisaanka maansada sannadihii toddobaataneeyadii, waxaanu ahaa qofkii ugu horreeyey ee sameeya baadhitaankaasi, dejiyeyna xeerarka miisaanka tixda”.
 
Nafteydaan u sheegay inay geeridu xaq tahay,waxaanse dareemay hagardaamada ka imaneysaa goobihii baylahsanaa ee uu itaalkiisa jufayn jiray.Waxaan xasuustey erayadii uu ka jeedin jiray markuu  qof bulshada waxtare u ahaa  la kulmo geerida: “Af walba inta uu   dadkiisu qabsado ayuu bani’aadamka ka erayo badan yahay, haddii ummadi waxba qabsani waydo fikiri waydo waxba soo saari waydo Afkeeduna wuu gudhaa.... Marka oday dhintaba Libarary baa gubta ,library dhaqankiina ah ayaa gubta........”
 
Waxaan iswaydiiyey intuu noolaa maxaa loo taray,warcelinteedii way adkaatey,garteyna bulshadaan ka dhashay inaaney hawshaa u igmaneyn.Waxaan ka dib  iswaydiiyey maxaa laga reebay ee hanti idiin noqday.Waxaana maankayga ku soo dhacey saddexda buug ee Hagarlaawe,Mahadhadii Gaariye iyo biography of Gaarriye.Waxaan booqday qolka kaydka ee mareegta Farshaxan waxaan arkay qoraalo badan oo ku saabsan isaga,maqal iyo muuqaal  dhawr ah, maqal maansooyinkiisii oo tiro leh, iwm.
 
Mareegta farshaxan waxay Ilaahay uga baryeysaa inuu abwaanka hoy lagu waaro uga dhigo Jannatu Fardawsa,eheladii, iyo dhamaan bulshada ku hadasha Af-Soomaliga, inta xiisaysa  u doodida dulmanaha ee aduunkoo dhan,  samir iyo iimaan ka siiyo.
 
Qoraalo dhameystiran oo ku saabsan abwaanka ayaa hawsheedii ay ku jirtaa mareegtu. Insha Allah sidii hab-dhaqanka mareegtu ahaa waanu idinla wadaagi doonaa.Waxaanan ku soo af-meerinayaa qoraalkan kooban maanso uu tiriyey aqoonyahan Bashiir Good oo uu nala wadaagey ahan baroordiiq uu u curiyey Abwaan Gaarriye(IHUN):
 
Wuxuu Yidhi:
 
Abiidaba nin loo go’o
Oo lagu galaashiyo
Geesigu ma waaree
 
*****
Gaarriye hadduu tegay
Tixdu gibil madaw iyo
Geybmaar ma xidhatoo
Ma goblamay afkeenii
Ma gaagaxday odhaahdii
Ma gallooftay heestii
Gegyigiyo dadkeenii
Carraduu ka goohoo
Gucumaale aariyo
Siduu yahay gudgude roob
Gurxanka iyo yeedhmada
Ka gariirin jiray iyo
Ma gammiintay ciiddii
 
*****
Wallee gabay mug weyn iyo
Murti  gaaxinteediyo 
Ma la hoyday geeraar
Iyo garasho waaayeel
 
*****
Wallee geed adayg iyo
Durdur aan gudhayn iyo
Halyey lagu gabbada oon
Gibidhsiga aqoon iyo
Abwaan erayaduu gano
Goonyaha dalkoo idil
Laga goosan jirayoo
Goobtii la joogaba
Guubaabadiisiyo
Xikmaddiisa gaarka ah
Gaarriye siduu yidhi
Gundhigga iyo sheekada
Lagu goyni jiray iyo
Gole laga dab qaatiyo
Godol reera deeqiyo
Ma ahaa gob iyo qodax
 
*****
Gaarriyow gobaad iyo
Nin sidaada geeddiga
Guluf iyo colaad iyo
Guri ba’ay dul joogsaday
Oo gacal wanaagiyo
Nabad soo gardaadshoo
Ka gilgishay xumaanoo
Taariikh gu’ weyn dhigay
Geeridu ma duugtee
 
 *****
Af Soomaaligaad galab
Iyo goor arooryaad
Sidii geenyo shaaximan
Goobayn taqaaniyo
Galladdii Ilaahay
Gaar kuugu deeqaan
Kugu sii galbiyayoo
Tix baan kugu gunaanaday
 
*****
 
Guullana firdawsiyo
Inuu goobta aakhiro
Guryo samo ku geeyaan
Duco kuugu guusoon
Gurmad kuugu soo diray
.....(W/t: Bashir Goth, Oct.1, 2012)
 
By Fuad Sh, (Bahda Mareegta Farshaxan)

No comments: