.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, October 5, 2012

Xabaalo Wadareed Ah Dadkii Taliskii Siyaad Barre Ku Xasuuqay Hargeysa Oo Shalay La Soo Faqay

 
''Calaamado ayaa lagu gartaa dadka xasuuqa lagu laayo iyo dadka si Alle iskaga dhinta, dee Xabadihii ayaa laga heli raadkoodii..''. Wasiirka Cadaalada Axmed Caydiid
 
- Xabaal Wadareed ka mid ah Xabaalo wadareedyada ay ku aasan yihiin dadkii shacabka ahaa ee reer Somaliland ee Taliskii Rajiimkii Siyaad Barre xasuuqay, xilliyadii uu dalka ka amar ku taaglaynayay ayaa shalay goobta loo yaqaan Badhka ee koonfurta magaalada Hargeysa lafahoodii laga soo saaray, ka dib markii xukuumada Somaliland iyo khubaro Caalamiya oo ku takhasustay baadhitaanada xasuuqyada aduunka ka dhaca ay shalay goobtaasi daboolka ka qaadeen lafaha dadkaasi la xasuuqay oo xabaal wadareedaasi ay ku aasan yihiin 42 qof ka koobnaa, kuwaas oo xilliga la laayay ahayd 1984-kii
 
Halka kumanaan kalena kalena ay ku aasan yihiin gobollada iyo degmooyinka dalka oo xilliyo kala duwan taliskii Rajiimkii Siyaad Barre xasuuqay. Wasiirka Cadaalada Xuseen Axmed Caydiid oo Xabaal wadareeda lafaha dadkii la xasuuqay ku aasan yihiin warbaahinta ugu waramay ujeedada lagu doonayo in la soo faqo, uga horayan wasiirka waxu ka yidhi;
 
Horta Xabaalihii xasuuqa oo xafiiskaa baadhista xasuuqa hore-ba ugu diiwaangashanaa ayaa maalmahan laga shaqaynayey, maalintii Tiinka laga jarjarayey iyo maanta laba aragtiyood bay tahay, maalintaa dad badan baa aaminsanaa inay tahay meeshu meel iska dhul aan waxba ku jirin oo tallow wax ma loogu tagi mise waxba kuma jiraan, anagu markasta waanu ku kalsoonayn oo waxay ahayd Xabaalo aanu hore u haynay aaminsanayna in loogu tagi doono dad xasuuq lagu laayey, Calaamado ayaa lagu gartaa dadka xasuuqa lagu laayo iyo dadka si Alle iskaga dhinta, dee Xabadihii ayaa laga heli raadkoodii, qaabkii loo aasay baa loogu tagi oo aan qaab haboon ahayn, Calaamado kale oo arxan darro ah oo nin nolol lagu qabtay oo nolol lagu laayey muujin kara oo xadhko ka mid yihiin ayaa loogu tagi.
 
waxaas oo dhami waa Calaamado muujinaya sida xasuuqii u dhacayo, waynu arkaynaa maanta oo waxaynu dul joognaa lafo qayaxan oo qaabka loo aasay inoo muuqdo, Calaamadihii dilkoodu sababayna dushooda laga arko, waxyaalahaasi oo dhan waxay xaqiijinayaan wararkii aynu haynay, arrimaha noocan oo kale ahi waa taariikh dhacday oo halkan ka dhacday oo u baahan in warbixin laga qoro oo la ogaado in xaqiiqdii la arko, una baahan in aynu soo bandhigno, xafiiska dabagalka xasuuqii oo muddo dhawr iyo toban sanno wax ka haynay waa mar labaadkii sidan oo kale Xabaalo loo baneeyo, markii hore waxay ahayd tijaabo la eegayo oo meelo qaarkood la eegayo in waxan la sheegayo wax ka jiraan oo la hubiyo, markii Calaamadihii la arkay la yidhi wakhtigeeda ha lagu sugo, maantase waxa inoo bilaabmay barnaamij balaadhan oo shan sanadood socon doona oo dalka oo dhan laga yaabo inuu gaadho oo sanadkiiba mar ama laba sidan oo kale loo bilaabi doono, waxaan rajaynaya in aanu ku ogaano sidii wax u dhaceen iyo xadigoodii inta uu leekaa iyo meelaha uu ka dhacay in aynu hellno ayaynu rajaynaynaa, midana waxa weeyi in dadkan la laayey ay helaan aaskii ku haboonaa oo sidan ay u aasan yihiin si ka duwan oo ka ixtiraam badan loo aaso, oo meelo ay yeelan karaan oo ay xaq u leeyihiin loo sameeyo imika dariiq bay ku aasan yihiin, beero ayay ku aasan yihiin.
 
Waxa kale oo ka mid noqonaysa in wax laga barto oo waa farsamo waxaniye Caalamka dibadda inooga imanaya aynu wax ka baranay sida hawshan oo kale looga shaqeeyo, waxa kale oo ka mid noqonaysa in waxan dad lagala xisaabtamo, oo u noqda hadhow mustaqbalka oo cid kasta oo dalkan maamulkiisa soo martay lagu xisaabtamo in xaquuqda Aadanaha la ixtiraamo inay mudan tahay oo lagu xisaabtamo wax kasta oo dhaca laga daba tagi doonno, ilaa maanta waxaynu ku muransanahay waxaas ayaa dhacay, xiitaa haddii aan cidna la isdaba wadin, wixii dhacay in la iskaga garaabo ayaa laga muransan yahay, marka waxa weeyi in arrimahaasi oo dhan xal u helno, maaha wax qof iyo cid iyo qabiil looga jeeddo, wax qabiil daba socdo oo qabiil looga jeeddo maaha, waxa weeyi xukumadda waxa la yidhaa ee ummadda xukunta dadka ay xukumaan ee cashuurta laga qaado ee ay ku maamulaan waxay uga qaadaan cashuurta in ilaalintooda iyo noloshooda wax ka taraysa ayaa loo bixinayaa cashuurta.
 
Maaha macnuhu kii aad cashuurta ka qaadayso ayaad ku dilaysaa oo sidaas oo kale dhacaysa maaha nidaamyada dawliga ah ee haboon maaha, marka waxa weeyi in arrintani nidaamyada dawladeed toosisaa weeyi ayey noqonaysaa, sidaas ayey dawlad jirta oo aanay cidina ka maqnayn lagu wada jiray maamul la garanayo hebel iyo hebel baa maamulka ahaa, hebel iyo hebelna shacab ayey ahaayeen, hebel iyo hebelna kuwii dhibtu gaadhay bay ahaaayeen, dee dadku sidaas bay kala ahaayeen, dee la gaadhsiin maayo kii aan shaqaba ku lahayn, laakiin ciddi loo tirinayo ayaa eedda yeelan doonna haddii alla yidhaa, goor lagu qaadaba taas ayaa u taalla oo ugu tiisan meel, in fal-dambiyeed noocaas oo noocyadda ugu xun caalamka ayaa ka dhacay halkan, dee dadkiina la garanayo kuwii loo geystay iyo kuwii wax geystay markii dhacayey la wada joogay oo qaarkoodna goobjoog ka ahaayeen, waaba lagu faanayey oo dalacaadaa lagu helayey waxyaalahaasi oo kale runtii aad baa loogu dalaceyeyey dadkaasi la laynayey, gefafka noocaasna ka dalacsiinayeyna ku dhiirigalinayey, ka ku dalacayey ku shaqaysanayye kuna dhiiranaa dadkan la laynayo waxaas ayaa dalka ka dhacay”ayuu yidhi wasiirku.
 
Sidoo kale mar la waydiiyey inay dadka qaar naqdiyeen in xabaalo la soo faqo iyo in culimo reer Awdal ahi sheegtay inay khalad tahay in xabaalo bari hore dhacay dib loo faqo aanay banaanayn, ayaa wasiirku waxa uu kaga jawaabay in banaanshaha arrintaasi maalintii la eegayey ay culimadu ka hadashay waxay diintu ka tidhina ka sheegtay, waxa kale oo wasiirku sheegay in dhibaato dhacday oo jirta aan la dafari karin, cida diidana ay ahayd inay halkan yimaadaan oo dhibaatada ku dhacday walaalahooda u samirsiiyaan oo la wadaagaan, haddii ay jirto wax kale oo isna dhib sheegaynayo ay haboon tahay in lala eego oo wixii jira la eego, hadii kale qofka dhibaato dhacday diidaa ama qariyaa ay ka dhigan tahay inuu lug ku leeyahay ama faldambiyeedkaasi leeyahay sidaas darteed uu qarinayo si aan loo helin.
 
Sidoo kale waxa isaguna arrintan ka hadlay gudoomiyaha guddida dabagalka xasuuqa Khadar Axmed Like oo ka waramay baadhitaanada ay xukuumada iyo khubaradan Caalamiga ah ee ku takhasustay baashista xasuuqyada aduunka ka dhacaa ayaa sheegay in goobtan oo kaliya aanay ku koobnayn, balse mashruucani soconayo shan sanadood, isla markaana khubaradu ay soo bandhigi doonaan macluumaadka ka soo baxa baadhista lafaha dadkii la xasuuqay, waxaanu sheegay in cid iyo qabiil toona ujeedadu ahayn, balse taariikhda dalkani soo maray iyo in ehelada dadkaasi la xasuuqay loo helo, waxaanu intaa ku daray inay jiraan dad badan oo gobolada ay kasoo qaadeen taliskii Rajiimku, isla markaana xasuuqeen oo aan dadkoodii ka warhaynin goobaha lagu xasuuqay si loo xaqiijiyo baadhataanka lagu soo saari doono.
 
Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah eheladdii dadkii goobtaasi lagu xasuuqay oo uu ka mid yahay Aadan Warsame Siciid oo ka waramay qaabka walaalkii iyo dad badan oo ay saaxiib ahaayeen oo xaabalahan ku jira loo laayey waxaanu yidhi .“Dadkan halkan sida arxan darada ah lagu xasuuqay ilaahay janadi ha geeyo, oo gacantaasi ka gardaran ee sabab ay u dilaysay aanay jirin iyaga iyo kuwii kale xaqdarada ah loo laayey, anigu waxaan ka mid ahaa kooxdii la odhan jiray UFFO ama Hargiesa Group sida uu caalamku u yaqaano,waxaana halkan igaga jira inan aanu walaalnahay iyo inan aan adeer u ahay oo wakhtigii aan xidhnaa halkan lagu laayey waa cabdi Warsame Siciid, Yuusuf Cabdi Saleebaan, Axmed Koosaar Faarax jirr oo aanu saaxiibo iyo qaraabo ahayn iyo inta kale oo qaar badan ka garanayo, marka anigu 1989kii ayaan jeelka ka soo baxay, waxaana taariikhdii ahayd April, sanadkii 1984kii markii dadka halkan lagu laayey, in ninkaasi iyo dad badan oo magaaladda laga ururiyey oo reernimo loo laynayey iyo dhakhtarada barigii aanu ka shaqaynay wax loo daba socdaba oo wax allaale wax ay geysteen aanay jirin oo sidaas aad indhihiisa ku aragteen loo xasuuqay marka intan oo qudha may ahayn ee waa meelo badan oo meelo qaar waa kii daadku soo foqay oo dibadda u saaray ee marka Durduro”.
 
 Mar aanu waydiinay waxay ku ogaadeen in dadkoodu halkan ku aasan yihiin waxa uu yidhi “waa la ogaa oo waa 1984kii, dadka badankoodu 1988kii baa aad loo leeyey, laakiin dadka badankooda waa la ogaa inuu dadkii magaaladda laga soo ururiyey ku jirayna waa la ogaa, dad iyaguna doonaye inay eheladooda soo eegaan way ku jiraan, walaalkay waxa la soo qabtay markii aan xidhnaa ana intii hore waa la iga qarin jiray in la dilay oo marka magaalo dhan baa rogmatay oo dad badan baa la dilay, marka waa laga yaabaa in aniga laftigayda magacayga loo dabasocdo, oo anigu waxan ku jiray kooxdii Ufo ee caalamkuna u yaqaan kooxdii Hargeysa oo dhakhtarka ka shaqaynaysay ee dadka taakulaynaysay Dhakhtarka ee la xidhxidhay, marka kooxdaasi ayaan ku jiray ”ayuu yidhi.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: