Sheeko:- Qudhaanjo foof tag ah oo ku hawlan sidii ay cunto u heli lahayd, ayaa waxay la kulantay diir isku duubaysa xuub si ay isugu diyaaris inay noqoto balanbaalis. Hoos ayay qudhaanjada u eegtay diirtii oo ay dhaqdhaqaaqayso intii u dambaysay oo aan welli xuubki gaadhin. Waxay aragtay inay weli nooshahay. Inta ay u dhowaatay ayay ku tidhi,
“Waxad tahay noole yar oo dhulyaal ah. Waad nasiib darantahay. Halka aan anigu meesha aaan doono aan mari karo markii aan doonayo, adigu meela uma dhaqaaqi kartid oo xuubkaagii ayaa ku xidhay. Waxan ka xumay inaad halkaa ku abaado; ee nolashayda hufan ee hirgashay aan halkeedii ka wado.”
Diirti hadalkii qudhaanjada oo dhan way maqlaysay. Umayse jawaabin oo waxay ku hawlanayd inay xuubka isku wada duubto. Dhowr maalmood ka dib ayay qudhaanjadi hadana halkii diirti joogtay soo martay. Waxay aragtay xuubkii oo madhan. Iyada oo yaaban ayay ku soo dhowaatay oo hoos u eegtay xuubkii. Markay hubisay inuu madhanyahay oo aan waxba ku jirin, ayay damacday inay fooftageedii sii wadato.
Hasa yeeshee, intii aanay qudhaanjadi weli halkii ka dhaqaaqin, ayaa waxa ku habsaday hadh weyn oo cadceedii ka qariyay. Iyada oo yaabsan, ayay kor eegtay si ay u hubsato waxa hadheeyay. Waxay aragtay balanbaalis dul hoganaysa oo kala bixisay baalasheedii oo aad u qurxoon.
“Qudhaanjo, maxaad aragtaa!?” ayay weydiisay balanbaalisti, “Maw malaynaysaa inuu yahay waxad aragtaa noolihii yaraa ee dhulyaalka ahaa? Waanigaa adiga iyo dhulkiiba hadheeyaye, maxaad odhan imika? Maxaad iigu faani? Bal awoodaada oo dhan isu gee oo soco, oo carar, oo meeshii aad doonto u kaca; anuu baa meeshii aad u kacdoba sidaa kuu dul jooga.”
Markii ay intaa ku tidhi, ayay balanbaalisti kor u duushay. Siday qudhaanjadi u eegaysay balanbaalistii, oo cirka isku shareertay, ayay isheedii ka libidhay oo arki weyday. Markay ogaatay awoodeeda dhabta ahi intay le’egtahay, ayay nafteedii ku tidhi,
“Nafyahay is tuhuntay, mar dambe yay ku hodin aragtida hore!!!”
W/q: Prof. Cabdisalaam Yaasiin
No comments:
Post a Comment