- Ninka la yidhaa DALAI LAMA ee u dhaqdhaqaaqa xuquuqda dadka Tibetan ka ah ee ku dhaqan dalka China ayaa mar uu ka hadlayey cadaadiska dadkiisa ay xukuumadda China ku hayso waxa uu yidhi: “Ka sakow cadadiska, dilka, xaqiraada,dulleynta, xidhniinka dadkeyga loo geysto waxa noo weheliya mashruuca Cultural genocide ah oo shacabka lagu fuliyo si loo tirtiro isirkayagii iyo astaantii ay dadkeygu lahaayeen”
Maahmaahdeenuna
waata tidhaa:” wuxu na baday wuxu na baraybaa nagaga darran”.Tu kalena waata
tidhaa:” ayax teg Eelna reeb”.
Shacabka
Somaliland ee xasuuqu kasoo gaadhay dawladihii kala dambeeyey ee wixii la isku
odhan jiray Somali Republic waxa u dheer dhaqanka khasabka lagaga dhigay ee
aanay isir u laheyn. Ceebi kuma jirto in lagu xoojiyo luqadaada iyo dhaqankaaga
kuwa shisheeye laakiin waxa ay dhibtu tahay kolka lagugu khasbo in sidaas aad
yeesho. Dhibaatadu waxa ay ka taagantahay kolka saqaafadaa lasoo ergisanayaa uu
baabiinayo ama wiiqayo kii aynu asalka u lahen ee aynu awoowyaasheen ka dhaxalnay.
A)Kalmadaha
Soo galeetiga ahWaxa aan ka marooradilaacaa kolka aan maqlo xarrafka “R” oo lagu badalo kaynu laheyn ee “DH” sida kolka la leeyahay YIRI iyadoo loo jeedo YIDHI.Wax kale oo jira eray kale oo aad iyo aad iyadana loo isticmaalo oo isagu xataa aan afsoomaliba aheyn. Waa ereyga Digireeto.
Kobcinta Cultural genocide ka la inagu wado waxa qeyb weyn ka qaadata warbaahinteena maanta oo aan hoosba u eegin erayada ay isticmaalayaan. Waxa masuul ka ah xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaaradaha ay khuseeyaan sida warfaafinta iyo waxbarashada. Waxad moodaa in xukuumadu aanay fahamsaneynba khatarta ay leedahay dhaqankan shisheeye ee ina dhexqaaday ee hoos u dhigaya keenii.
Somaliland
waxa ay iska xoreysay boqortooyadii United Kingdom. Dagaal qadhaadh iyo halgan
dheer dabadeedna waxa kale oo ay ka xorowday in Somalia ay gumeysato. Laakiin
waxa aynaan wali ku wada guuleysan in aynu xagga dhaqanka ( cultural) ka
xorowno.
Waxa
haboon in la isku wacyi galiyo oo lagu bilaabo warbaahinta gaar ahaan inta ay xukuumadu maamusho, oo loo sheego dhalinyarada
maanta warbaahinta ka hawl gasha in
aanay isticmaallin erayada aan Somaliland ku abtirsan. Waa in guddi loo saaraa
ka saarta erayada soo galeetiga ku ah afkeena, oo soo badhigtaa kuwa haboon in
la isticmaalo badaalkooda. Waxan soo
jeedin lahaa haddii la waayo erey lagu badalo eryadaas in aynu kasoo ergisano
meela kale oo aan Somalia aheyn.
Matallan ereyga Digireeto waa Talyaani waxa lagu badali karaa wareegto haddii la waayo wareegto waxa lagu badali karaa kii English ka ah ee Circular haddii la waayo waxa laga baadi dooni karaa xagaa iyo Djibouti ama Ethiopia. Waxa la isweydiin karaa maxaa kuwaa loo doortay ee loo diidanyahay Somalia. Jawaabtu waxa weeyi midna waa la igu khasbay oo waa”Afkaagana tuur keygana qaado” midna inagaa doonanay oo doordooraneyna. Waxa kale oo haboon in aynu iskaga fogaano intii laga fogaan karo astaamihii ay lahaayeen warbaahintii dawladdii aynu kalasoo noqonay xorriyadeena.
Astaamahaa waxa ka mid ah muusiiqa hordhaca
looga dhigo barnaamujyada sida wararka, Caafimaadka, Waxbarashada, maaweelada Caruurta
…. Iwm. Waxa kale oo aan usoo jeedinayaa in muusiga dhextaalka looga dhigo
barnaamujyadu uu ahaado kuwo ka turjumaya muusigii Somaliland asalka u laheyd
ee caanka ahaa sida qaraamigii, iyo heesihii ay tiriyeen ama ay qaadi jireen
fanaaniinteenu kuwa nool iyo kuwa hoydayba. Waxa laga yaabaa in kalmadaha aan
diidanahay ay asalkoodu Somali yihiin laakiin waxan ku diidanahay aad uma
isticmaalno(Not popularly used)
Hoos
waxan kusoo taxayaa qaar ka mid ah kalmadaha sida aadka loo isticmaalo ee
meesha ka saaray kuweenii:
Kalmadda
Soo galeetiga ah
|
Ta
asalka ah
|
|
1
|
Digireeto
|
Wareegto ama Circular
|
2
|
Xarafka ( r) sida wuxu yiri
|
Badaalkiisu waa xarafka (dh)sida wuxu yidhi
|
3
|
Koronto
|
Laydhtiriig/warshadda laydhka
|
4
|
Nal
|
Laydh/laambad/guluub
|
5
|
Bangiga
|
Baanka
|
6
|
Musqul
|
Suuli/beytulmay
|
7
|
Qadar xayeysiin ah
|
Qadar Xayeysiis ah
|
8
|
Naas nuujin
|
Naas Jaqsiin/Naas ku duwid
|
9
|
Dhimirka/Cusbitaalka dhimirka
|
Dadka maskaxda wax ka qaba ama ka dhimanyihiin/ cusbitaalka maandhaye
|
10
|
Darbi jiif
|
Dibjir
|
11
|
Kulan looga
Hadlayey
|
Kulan lagaga Hadlayey
|
12
|
Damis/damiyey
|
Bakhtiin/Bakhtiiyey
|
13
|
Ukun
|
Beed
|
14
|
Kawaanka
|
Xero dhiigta
|
15
|
Buundo
|
Bridge/Kaabad
|
16
|
Walxaha qarxa
|
Waxyaabaha qarxa/alaabta qaraxda
|
17
|
Traafikada
|
Trafiga
|
18
|
Taarigo/Tarikada
|
Lambar
|
19
|
Saldhiga booliska
|
Shookiga/stationka
|
20
|
Koonfur
|
Hawd/oogo/xagga sare
|
21
|
Ganacsi
|
Baayac mushtar/ tijaarad/ rog rog
|
22
|
Galley
|
Arabikhi/xasiid/
|
23
|
Qol
|
Maqsin/Aqal
|
24
|
Wacay (tilifoonka ka wac)
|
La hadlay(Tilifoonka igalasoo hadal/tilifoonka
uga yeedh
|
25
|
Waanu wacnay
|
Waan u yeedhnay
|
26
|
Qurbojoogta
|
Qurbejooga
|
27
|
Duurjoogta
|
Ugaadha
|
28
|
Rugta Ganacsiga
|
Aqalka baayacmushtarka
|
29
|
Warshadda shimeetada
|
Warshadda Sibidhka
|
30
|
Akhrinayey
|
Akhriyayey
|
31
|
Shoobareeyey
|
Mudaharaad/Gadood
|
32
|
Muusikada
|
Miyuusiga
|
33
|
Rigoore
|
Penalty
|
34
|
Baraajeyn/Baraajeeyey
|
Barbardhac/draw/ismari-waa
|
35
|
Eber
|
Waxba/zero
|
36
|
Banooni
|
Kubad
|
37
|
Dheel
|
Cayaar
|
38
|
Olombikda/Olombigada
|
Olombiga
|
39
|
Kooxda A ayaa uga adkaatay kooxda B hal &
eber
|
Kooxda A ayaa kaga badisay kooxda B Hal/mid
iyo waxba
|
Waxa
kale oo iyana jira magacyada shariikadaha wadanka laga aasaaso loo baahanyahay
in magacoodu ay ka muuqato astaanta Somaliland. Haddii ay ujeedadu tahay in
damac kaga jiro ka shaqeysiga koonfurta wadankii la isku odhan jiray Somali
republic oo laga yaabo in astaan Somaliland ay leedahy sharikadii sidataa in
dhib ku noqoneyso waxa haboon in magac aan inaga wax u dhimeyn astaanteena lala
baxo.Mattallan magacyada laga horeysiinayo ama laga dambeyneysiinayo SOM
waxa ay isku walaaqayaan Somaliland iyo Somalia.
Sidaas oo kale iyaguna waxa jira magacyada ay la baxaan NGO yada oo magacyadoodu qaarkood aad ugu eegyihiin kuwa wadanka aynu dooneyno in aynu kala faataxeysano. Kolkaa iyagana waxa haboon in kolka la diiwaan galinayo hayadahaas loo sheego kol hadii ay maxali yihiin in astaantoodu ay qayaxnaato oo aanay ku khaldamin astaamaha Somalia.
C)Xoojinta magaca Jamhuuriyadda Somaliland
Waxa iyana muhim ah warbaahinta dalkeena ka jirta gaar ahaan TV stations ka, haddii gaar loo leeyahay iyo haddii uu yahay ka xukuumaduba, in marka ay soo jeedinayaan wararkooda ama barnaamujyadooda ay xusaan halka ay kasoo tabinayaan in ay tahay wadan la yidhaa JAMHUURIYADDA SOMALILAND. Sidan ayey usoo qadimaan barnaamujyada ”Halka warkaas aad ka dhageysaneysaan ama aanu idinkasoo tabineynaa waa xafiiskayaga Hargeisa, Borama, Berbera, Laasanod, Burco iwm. Ma sheegaan magaalooyinkaasu halka ay ku yaalaan iyagoo qaarkood diidan in ay afka soo mariyaan Jamhuuriyadda Somliland. Qaar iyagu way sheegaan oo waxa ay yidhaahdaan” Wararka nooga imanaya Somaliland” Laakiin iyaguna waxay ka reebaan Jamhuuriyadda. Somaliland waxa ay u eekeysiiyaan mid ka mid ah goboladii wadankii gabalkiisu dhacay ee Somali Republic.
D) Ciyaaro dhaqameedka
Qodobkan
waxan ku kordhyey Bishan November 2012 oo lagu gudo jiro ololaha doorashooyinka
golayaasha degaanka Somaliland.Nasiib daro ururadii gabigoodiiba waxa qabsaday
hees ciyaareed la yidhaa DHAANTO oo asalkeeda aynaan shuqul ku laheyn. Waxad
moodaa in aanay reer Somaliland ciyaar dhaqmeed kaleba laheyn. Dhibi kuma jirto
hadaad dhinac ka eegto oo waa ciyaar dad Somaaliyeed leeyihiin laakiin ceebtu
waxa weeyi maxaa ciyaaraheenii kale ee aynu asalka u laheyn looga door biday?
Aaway
Saylicigii? Aaway Wigladii? Aaway Botorkii?Aaway Ceegaabigii? Aaway
Sedexlaydii? Aaway.........kuwi kale /
''Allaa
Mahad Leh''
W/Q; Cali
Aw Xuseen Cumar
No comments:
Post a Comment