.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, November 25, 2012

Warbixin Gaaban; W/Q: Ambassador Qaybe

 
''Waxaan soo jeedinayaa Xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya inay la tashadaan''. Qaybe
 
- Maxamed Siyaad Barre intuu Madaxwaynaha ahaa markuu cadhoodo wuxuu ku khud badayn jiray dal waan ka tagayaa. dawlad se kama tagi doono. Somalia waxay noqotay dawlada keliya ee taariikhda casriga burburtay oo gobalo u kala googooday (Failed State).
 
Waqtigii Siyaad Barre hadalkaa odhan jiray labaatan sano ayaa laga joogaa. Somaliland iyo dawlad gobaleedyo, sida Putland iyo Galmudug Koonfurna dhawar Dawladood oo ku meel gaadh ahaa ayaa loo dhisay lakiin may taabo galin. Waxaan se rajaynayaa tan u danbaysay ee dhawaan Xamar lagu dhisay inay waarto oo noqoto tii Somalia ku degi lahayd. Waxaan qawadsanahay tobanka wasiir ee xukumadaasi ka kooban tahay ay laga maarmaan tahay in la kordhiyo oo ugu yaraan sideed iyo toban ama labaatan wasiir la magacaabo, Wasiiro Dawlayaasha iyo Wasiiro ku Xigeenada waa la yareyn karaa.

 Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud aqoon uma lihi , laakiin Raysal Wasaare Saacid Faarax Garaad waxaan xusuusanahay inuu America wax ka baran jiray uu kharshka Jaamacda ka bixin jiray walaalkii ka wayn Adan Faarax Garaad, oo marna aniga igala shaqayne jiray Safaaradii Somalia ee Qarmada Midoobay, markii danbana Safiirkii Somalia ee Djibouti ahaa. Madaxaynha iyo Rayalwasaaraha waxaan ku hanablaynayaa manaasibtaas loo doortay. Waxaanan u rajaynayaa inay hawlahaa culus ku guulaystaan afarta sanadood ee soo socada yaga, iyo Xukuumada inteeda kalaba.
 
Dawlada Somaliland Wasiiro dhalinyaro ah oo mutacalimiin ah ayaa ku jira sida Xirisi Mahad, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Cabdilaahi Cumar,iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale , iyo Saleeban Ciise Axmed Xagla Toosiye Wasiirka Dib u Dajinta Waxaanan ku geesinimo galinayaa inuu kordhiyo wax qabadkiisa.
 
Beryahanba waxay Xaglatoosiye iyo Wasiir Xirsi-mahad ku hawlanaayeen isu soo dhawaynta beesha Buuhoodle iyo Xukuumada. Anigoo odayaasha beeshaas ka mid ah Wasiirka waan tageersanahay.Waxa isna ka mid ah Garaadka buuhoodle oo ah wasiir ku xigeenka Garaad Cismaan Garaad Soofe oo qadiyada beeshayada nagala shaqaynaya . Wasiirada dhamaantood waxaan ku dhiiri galinayaa inay dalkooda u hagar baxaan oo daacadnimo ugu sheqeeyaan.
 
Madaxwayne Axmed Maxamed Silaanyo waxaan kula talin lahaa inuu ka ilaaliyo xukuumadeenu in ay ka binniisto sidii tii ka horrysay u binniistay. Doorashooyinka Dawladaha Hoose waxaan door biday inaan ka aamusay. Wada hadalada Somaliland iyo Somalia u socda waa laga marmaan in la sii wado si loo gaadho heshiis umada Somaliyeed dan u ah. waa in aynaa raja beelin. Madaxwayne Ismaciil Cumar Geele ayaa hadal hayn u leh raja beel waa nolol la’aan.
 
Waa oday Soomaaliyeed oo waayo aragnimo dheer ku leh dawladnimada. Waxaan soo jeedinayaa Xukuumadaha Somaliland iyo Somaliya inay la tashadaan.
 
Axmed Maxamad Aadne (Qaybe)
 
--- Posted by Dr. Awad Adam ( USA)

No comments: