.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, January 26, 2013

Cabdalla Xaaji Cismaan : Qallin-maalkii Reer Djibouti Ee Noqday Qabiil u Dirirka!

 
''Cabdalla Xaaji Cismaan (Djibouti) ma cadaalad u dirirbaa mise waa qabiil u dirir?! Yaab''. Cali Aw Xuseen

 - Waxa dhowaan  qaar ka mid ah shabakadaha warbaahintu ay soo tabiyaan taxane uu qoro ninka la yidhaa Cabdalla Xaaji oo ah qoraa reer Djibouti ah. Cabdalla Xaaji ,in yar oo ammaan iyo garowshiiyo ah ka dib,  waxa ay taxanayaashiisu xambaarsanaayeen, ilaa imika, dhaleeceyn iyo cadaalad darro baahsan oo ka jirta gayiga Somaliland oo dhan. Waxana ka muuqata qoraaladiisa cadho qabyaaladeysan oo gaamuurtay in uu kula dul dhacay Somaliland.

Run ahaantii Cabdalla in badan oo anigu aan ku jiro waxa loo haystay qoraa heer sare ah iyo aqoonyahan fekerkiisu sareeyo oo u dhexeeya dadyowga Af-Somaliga ku hadla oo dhan.Nasiib darrose sidaa muu noqon oo waxa uu noqday nin caadifadda qabyaaladu ku dheertahay oo ay hagayso.

Kolka ugu horeysa Cabdalla Xaaji maxaa uga gidhiisha in uu siyaasadda Somaliland dhex-dabaasho?  Ma reer Somalilandbaa? Jawaabta aan raaciyee maaha reer Somaliland, laakiin hayb qabiil ayuu la wadaagaa reer ka mid ah reeraha dega Somaliland. Haddii uu Cabdalle  leeyahay: maadaama reer aan abtirtiismo wadaagnaa deganyihiin Somaliland cidina igama xigto, dadka qaarbaaba u garaabi kara. Hadiise ay sidaas tahay  ma ogoshahay dawladda Djibouti, ee uu isagu madaxweynaheeda daafaco, in beelo kale ay yidhaahdaan muwaadiniinbaanu nahay maadaama qaarkayo reer Djibouti yihiin.

Waxyaabo badan oo cadaalad darro ah oo ka dhaca Somaliland oo uu qaar sheegay Cabdalla waan qirayaa, oo intaa uu sheegay iyo inkabadaniba way ka dhaceen waanay ka dhici doonaan oo waa sunatul- xayaat. Beenbaan sheegay haddii aan idhaa Somaliland cadaaladdarro kama jirto oo waxan ka markhaati kacayaa in in badani ay ka dhacday. Laakiin iyana waxa dhacay, oo ka badanbaan aaminsanahay, wanaaga, kheyrka iyo horumarka ka jira Somaliland.

Hadaba  waxa isweydiin leh muxuu imika uun Cabdalle u hambaaburay ee keenay in uu Somaliland kula kufo eedeymahan. Miyaan loo qaadan karrin hiil qabiil? Hadii ay run ka tahay Cabdalla cadaalad darrada uu sheegayo muxuu uga hadli waayey  wadanka Djibouti ee ay  ka jirto cadaalad darrada baahsan? Sua’aal kalena waxa weeyi , ma ka hadli karaa in uu isagoo xor ah wax ka sheego xukuumadda Djibouti oo run ma ka sheegi karaa waxa halkaa ka jira? Xukuumadda Djibouti ee uu buunbuuniyo miyaanay aheyn ta khasab kaga dhigtay  warbaahinta qaarkeed in ay eryaan cid alla ciddii run ka sheegta waaqiciga dhabta ah ee ka jira dalka.

 Gebogebo:

 Cabdalla Xaaji ehel uma noqon karo cadaalada, waayo:

 1.      Haddii uu nin cadaaladda ehel u ah yahay, ha ka hadlo kolka ugu horeysa cadaalad xumada iyo kaligii talisnimada ka ka jirta halka uu degenyahay. Intaa uu ka sheegay Somaliland si xor ah oo baqasho ku jirrin ma uga sheegi karaa Djibouti? Mise ta Somaliland uunbuu indho u leeyahay?

2.      Haddii uu ehel u yahay cadaaladda, ha ka istaaqfuruleysto oo ha joojiyo  beenta ay wad-wadaan reerka tunka ku sita taariikhda bugta ah. Ha joojiyo buun-buuninta sheekooyinkooda iyo suuq ugu sameeyntooda. Ha joojiyo wasteenta uu ugu geeyo madaxda Djibouti iyo shaxaad ugasoo qaadkooda.

3.      Haddii u ehel u yahay cadaalad darrada imika uu sheegayaa, maaha tii ugu horeysay ee Somaliland ka dhacda ee muxuu imika uun uga qeyliyey? Hore cadaalad darro kama jirrin miyaa? Miyaanay aheyn in wixiisu yihiin hiil qabiil iyo wax nin garaad mug lihii ka xishoodo? Miyaanay aheyn tu waxba kama jiraan ka dhigeysa aqoontii iyo qadarrintii loo hayey Cabdalla Xaaji

Cabdalla Alxamdulilah ha yidhaahdo in isagoo reer Djibouti ah in ay u gaadho ama kari karo in uu cambaareeyo Jamhuuriydda Somaliland. Waxa la qiyaasi kari waxa ay xukuumadda Djibouti ka yeeli lahayd haddii uu shu’uumaheeda iyo cadaalad daradeeda soo hadal qaado oo ah in Cabdalla dambe la arkeen.
 
''Alaa Mahad leh''

A. Aw Hussein Omer

No comments: