.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, January 26, 2013

Laba Barnaamij-Idaacadeed Oo Aan Aad U-Tabay!

 
- Saban waliba sumadiisa lehe waxan kacaamay, iyada oo laba barnaamij ay ugu sitaan barnaamijyada ay bulshadu dhagaysto ee ka bixi jiray idaacado ku hadla afka-Soomaaliga oo ku kala yaalay qaaradaha aduunyada!

Labadaa barnaamij, midi, waxa uu gaar u ahaa oo aan lagu taraxi jirin da'yarta waxana maalin kasta (hadii aanan seeganayn) laga siidayn jiray, laba idaacadood oo kala ahaa radio Hargaysa iyo radio Muqdisho! Barnaamijkaa waxa la odhan jiray ''I-maqashii I-madadaali''. Waxa uu ahaa barnaamij salaamaha iyo hambalyooyinka la iskugu diri jiray, islamarkaana lagu dalban jiray heeso! Kuwaasoo waqtigoodii aad u dabacsanaa oo qajeel jacayl ahaa runtiina qanci jiray dadka dhagaysanaya.

Barnamijka labaad, ee aad isna u taabo-galay si balaadhan-na loo dhagaysan jiray waxa uu ku saabsanaa dhacdooyinka ka socda qaarada Afrika guud ahaan, gaar ahaan-na Geeska-Afrika! Waxa uu ka bixi jiray idaacada Ingiriisku leeyahay ee da'da wayn leh ee BBC-da qaybteeda af-Soomaaliga, waxana la sii-dayn jiray maalina Arbacada ah, saacadu marka ay tahay Shanta iyo Badhka (17: 30) galabnimo iyo waliba, sagaalka (21:00) fiidnimo, waxana magaciisa la odhan jiray; '' Todobaadka iyo Afrika''. Barnaamijkan waxa si tolmoon loogu axadhi jiray waxyaalaha ugu xiisaha badan leh ee taagan xiligaa.

Barnaamijyadan dusha aan ku soo sheegay mawduucyada ay ku saabsanaayeen oo xalad gaar ah lahaa ka sokoow waxa iyaguna bili jiray, wariyayaal aad u cod tolmoonaa oo si gaar ah loogu xulay! Tusaale ahaan, waxa aan is-leeyahay aragtidayda qof ahaaneed, marka ay barnaamijka I-maqashii I-madadaali isla handaafinayaan Axmed Xasan Cawke iyo Faadumo Hirad (radio-muqdisho) aad iyo aad ayaa dhagaystayaashu ugu riyaaqi jireen qaabka ay u wadaagayaan hawsha iyo waliba dhex-taalo qosol abuur ah oo ay aalaa raacin jireen..

Isla sidaasi oo kale marka barnaamijka Todobaadka iyo Afrika oo uu Cabdilaahi Xaaji gadh-wadeenka u yahay wuu ka kululaa, oo uu ka xaamisanaa barnaamijyada kale oo dhan! Inkasta oo ay idaacada BBC-da rag kale oo aan ka laalaadiin C/laahi Xaaji ka hawl-galayeen oo ay mararka qaar waliba iyagu sheegsheegi jireen hadana, isaga (C/laahi Xaaji) ayaa kolay ay dhegtu qaaday! Runtii labadaa barnaamij sabab kastaaba ha jirtee waxa ay ilaa haatan iigu astaysan yihiin, kuwo cudoon oo aanan wali ka helin war-baahinta haatan xadi beeshay wax bedela oo buuxiya kaalintoodii!
 
Intaasi waxa ay ahayd Bari-samaadkii iyo Waayo-waayo! Dhawaalahan iyo Idaacadaha! Inaksta oo aanu aduunku kii hore ahayn, oo wax kastaaba uu tayo beelay hadana iyaba malaha waa Quduro aduun iyo looma qaataane, miyaad iga rumaysan hadaan ku idhaa, waxan dib-u-jeclaaday oo aan tabaa barnaamijkii BBC-Somali-du sii dayn jirtay, ee uu Yuusuf Garaad sida uu doono ka yeeli jiray ee magaciisa la odhan jiray ''falaqaynta jimcaha''! Sababtu, malaha waa mudodii dheerayd ee ay dhegtu laasimtay, malaha waa doodihii cadaawada iyo nacaybka shiniyayn jiray, malaha waa ficiiltankii i gali jiray marka uu si cadaan ah ugu xad-gudbyo barnaamijkaasi qadiyada JSL.... malaha.... malaha....!
 
''Si kastaba ha ahaatee, Aduun waa kii hore miyaan Aniguna i-dhaahdaa sidii odayaashii dureed ee hadalka ku xidhi jiray ''Aduunyooy Xaalkaa Ba'! Bal adba!
 
''Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogro''
 
Cali Cumar Xasan.

No comments: