.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, January 21, 2013

Gabay: Maanso Baroor-diiq ah Oo Uu Abwaan Xasan-Ganay Ka Tiriyay Geeridii Jaamac Maxamuud Xayd (Gudoomiyahii Bangiga Djibouti- AHUN)

 
- Abwaanka wayn ee reer Somaliland ee magaciisa la yidhaa Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-Ganay) ayaa maanso baroor-diiq ah  ka tiriyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid, guddoomiyihii Baanka dalka Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, oo toddobaadkii hore ku dhintay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Abwaan Xasan ganay oo aad uga tiiraanyaysan Ajal-shaa laga wada naxay ayaa dareenkiisa ku muujinaya maanso aad u qiimo badan oo uu si fiican  ugu iftiimiyay, qodkii/ mudnaantii gaarka uu Eebe u siiyay ee uu lahaa marxuumku (marxuum Maxamuud Xayd AHUN). Waxa uu abwaanku ku sheegayaa tuducyo badan oo ka mid ah gabaygan sida ay uga nixisay geeridaasi. Naftu ooli-mayso waana la is-daba socdaa, sidaa darteed waxan tacsi u diraynaa qoyskii, qaraabadii iyo qarankii uu ka baxay marxuumku, isna Ilaahay jano ayaan uga baryaynaa, Aamiin, Gabaygii Xasan waakane akhris wanaagsan;

Waxa uu ku bilaabay sidan;

- Cabdiyoow warkaagii

Cawayskii i-siisaa

Caqligayga rogayoo,

habeenkoo caraaboo

Intii badani carartoo,

Cabaar yari ka hadhaybaan,

Caskii waaga ka hortow

Bahalaha ciyaayiyo

Ciidan gaadha mooyee

Caam-ahaan dadku hurdaan

Cidiyaha fadhmooyee

Cashadii la dhigay-iyo

Anoon caanihii dayn

Caloolyow la kacayoo

Waanse camal wareeraye

Cartankiyo galgalashada

Gogashaan camaaluqay

Ku car-gaagtankeedii

Naxdin Caynka furatiyo

Warwarka I cileeyaa

Hilbahayga cunayoo

Cimrigayga qaar baa

Ka baxaayay cagahoo

Naftuun baan cadibayee

Caday Gees kamaan jabin

Cishaday ka idishee

Calafkeedu joogsado

Cid kastoo aad jeceshahay

Wadka lagama celin karo
 
 
- Axmed ina-cismaanow

Cududaan ku dhaatiyo

Intiina caawa nooleey

Cimrigiin ha raagee

Siqigii caraabee

Jimcii ciida hoos maray

Nin cibaado badanoo

Rabi caabuduu ahaa

Nin cadaalad taliyoo

Caadaystaybuu ahaa

Carab dalab le’e iyo been

Nin ka caagan-buu ahaa

Runta wiil cadeeyo

Ka cabsoonin-buu ahaa

Nimaan curuf xumaynoo

Camal suuban-buu ahaa

Marka ay nin celis tahay

Nin cad-goosta-buu ahaa

Cilmigii dhaqaalaha

Weelka u culaayee

Curinaayey-buu ahaa

Xilkuu qaranku u calmaday

Hanad caabiyuu ahaa

Cuqaasha iyo waxgaradkana

Nin ciseeya-buu ahaa

Caydhiyo agoontiyo

Maatida cadilan-iyo

Caamiyaha indhahaliyo

Inta cudur la jiiftiyo

Intii caafimaad qaba

Culima iyo caamaba’a

Sikhi caawiyuu ahaa

Ceelkii danyarihiyo

Mahwi laga cabuu ahaa

Intaas oo caqiibo ah

Jaamacii ku caan baxay

Casiiskii lahaa qaad

Qadarkaana caaynka ah

Ma cidbaa wax lalahayd

Calwisoow waxba ha tarin

Ma calaacalbaa jira


- Axmed ina-cismaanow

Gurigii cusbaayee

Camirnaa dhamaane

Bada cidhifka kaga yiil

Caawana madawga ah

Dadkaa geeri culusiyo

Masiibadu ku ciirtee

Cunadii ka soomee

Kolaytahay candhuuftii

Cunahooda wax u marin

Intay cadhadu haysiyo

Cadaawaha farxaayee

Ku cawaysanaayee

Caleemaha lulaayee

Ciyaaraana way dhiman

Waase xaajoo curatoo

Dadka caado u ahayn

Waase camalka shaydaan

Cajabtaana la hayaa

Mid cishooyin joogtiyo

Ceeyoon mid hooyataba

Cabdo-waliba way socon

Marbaa cawda loo goyn

Kaga ciilaw-taa


- Axmed ina-cismaanow

Markay taladu calowdee

Gasho meel cidhiidhiya

Cida aan ku baqaniyo

Ciirsigaynu leenahay

Cadiimkeena weeyee

Cuskadoo ilaahay

Casiis aan u barinee

Inta aan calmanayaay

Calacalaha ila dhiga

Cishadii arbacadee

Maskidkii cirooliyo

Caruurtiyo haweenkiyo

Casriga iyo barbaarta ah

Cilmi daalibka ahiyo

Culimadu ka buuxdee

Casarkii istaagow

Calaacalaha ila dhiga

Inta gabayga curisiyo

Bahda caafimaadkiyo

Inta Wali carceertee

Karaamada ku caaniyo

Dhamaan caabudiintaay

Malaa’igta culusee

Danbi lagu cadaabiyo

Aan ceeb samayneey

Calaacalaha ila dhiga

Codka waxa ugu baridaan

Sikhigii caraabee

Jimcii ciida hoos maray

Allow iil cidhiidh-yiyo

Ciqaab iyo dhib mudatiyo

Cadaabaha ka nabad gali

Allow ciida hoosana

Waasici calooshoo

Coloodhada u weynee

Allow nuur cadaaniyo

Cadar iyo udgooniyo

Ku casuun fardawsoo

Caf adoonkii naga tagay

Codka waxa ugu baridaan

Shukri iyo caruurtiyo

Intii Ay calaashiyo

La wadaagtay caanee

Maxamuud cadkiisiyo

Curuqdiisa laga jaray

Cayliyada hoosiyo

Cashiiryo tol iyo xiddid

Caam ahaan dadweynaha

Gaar ahaan colkeeniyo

Cutubkuu ka mid ahaa

Cawil khayrle Eebow

Noogu celi halkiisii

Codka waxa ugu baridaan

Cindalaahi kaligaa

Cabashada ku maqanee

Carshigaaga taaliyo

Codsiga iyo waraaqaha

Boostaada ka camiran

Cadiimow hanagu qadin

Baryadana ha soo celin

Qalin caaro khayr badan

Ku saxeex casiisow
 
*** Dhamaad ***
 
W/t: Abwaan Xasan X. Cabdilaahi (Xasan-Ganay)

No comments: