
- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud ''Siilaanyo'' ayaa markii ugu horaysay saaka darajooyin kala duwan ka simay oo ku taxay, taliyeyaasha ciidamada qaranka, ku xigeenada abaanduulayaasha ciidamada qaranka, saraakiisha Bileyska, Taliyayaasha Asluubta iyo waliba Madaxda Ciidamada ilaalada Xeebaha. Maanta oo ku beegn 19-guuradii Aasaaska ciidanka qaranka Somaliland, waxa farxad u ah dadka reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaanna ciidamada kala duwan ee dalku inay darajooyinkii mudodaba badan la naawilayay garbahooda sudhan tahay, oo maantaba ay 12 sarkaal ka gudoomeen madaxwaynaha Somaliland darajooyin ay ugu tiro-gali doonaan ciidankooda.
No comments:
Post a Comment