''Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun''
- Waxa aanu anaga oo ka tiiraayaysan dhamaantayo geeridii naxdinta lahayd ee ku timid marxuum, Macalim Sh. Cabdilaahi Suufi-Jibriil oo shalay ku geeriyooday magaalada Gabilay, halkan tacsi uga diraynaa dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxay, marxuumkana (Sh.Cabdilaahi Suufi-Jibriil) waxan Ilaahay uga baryaynaa inuu janadii Fardawsa Ka waraabiyo.
Marxuum Sh. Cabdilaahi Suufi Jibriil, waxa uu mudo aad u dheer oo 50 sano iyo ka badanba ah soo ababinayay oo uu soo barbaariyay waxna soo baray, dad aad u tiro badan oo maanta kaalin kasta kaga jira degaamada dadka afka-Soomaaliga ku hadlaa degan yihiin. Marxuum Sh. Cabdilaahi Allah Ha U Naxariisto. Aamiin.- WYL-News
No comments:
Post a Comment