.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, February 10, 2013

Madaxweynaha Jamh. Somaliland Md. Axmed Siilaanyo Iyo Weftigii Uu Hogaaminayay Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Dalka UK

 
War-saxaafadeed
 
- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay magaalada London ee xarunta Dalka UK.
 
Wafdiga Madaxweynaha oo ka soo kicitimay Dalka Kenya oo ay ku sugnaayeen maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa sii heer sare ah ugu soo dhaweeyay gegida diyaaradaha ee Heathrow Airport masuuliyiin tiro badan oo ka kala socotay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalkan Ingiriiska, Masuulyiin ka tirsan Xukuumada Somaliland, saraakiil ka socotay dawlada Britain iyo waxgarad kala duwan oo ku nool dalkan UK.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo la hadlay dadkii soo dhaweeyay ayaa aad ugu mahad naqay sida Wadaniyada iyo Somalilandnimadu ay ku dheehan tahay ee ay u soo dhaweeyeen wafdiga Madaxweynaha.
 
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu xusay in guud ahaan Dalka Somaliland uu yahay mid Nabadgelyo ku sugan, isla markaasna haya dhabbihii Horumarka iyo Barwaaqada lagu gaadhi lahaa, shacbiga reer Somalilandna ay yihiin Ul iyo Diirkeed oo dhamaantood heeggan u ah ilaalinta Qaranimadooda iyo Horumarinta Dalkooda. Waxa kale oo uu Madaxwenuhu tilmaamay in ay kulamo Muhiim ah la yeelan doonaan Madaxda sarsare ee dalkan Britain.
 
Wafdiga Madaxweynaha ee soo gaadhay dalkan UK waxaa ka mid ahaa Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha Dibada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire iyo Maareeyaha Guud ee Telefishinka Qaranka Mudane Khadar Cali Gaas.
 
Masuuliyiinta Qaranka ee wafdiga Madaxweynaha ku soo dhaweeyay magaalada London waxaa ka mid ahaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Xasan Axmed Aadan, Safiirka Wareega ee Somaliland Mudane Kaysar Cabdilaahi Maxamed, Safiir ku Xigeenka Somaliland ee UK Mudane Daahir Tukaale iyo Gudoomiyaha Jaaliyadaha Somaliland ee UK. Dr. Cabdiraxmaan Ubaxle.”
 
''War-saxaafadeedka waxa soo saaray Safiirka wareega ee Somaliland mudane Kaysar''.

No comments: