.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, February 25, 2013

Talooyin Haboon Oo La Gudboon Madaxweynaha Somaliland

 
- Mudane Madaxweyne, ugu horayn,  aniga oo xushmo iyo xurmo dheeri ah kuu haya waxan kugu amaanayaa oo aan waliba kugu hambalyayanayaa xilka aad sida haboon u gudato! Aad iyo aad ayaan ugu diirsanay halka dalku uu durba marayo dhan kasta oo loo eegoba! Waxana guud ahaan aad samayseen adiga iyo maamulkaaguba  waxii loo baahnaa.
 
Ha yeeshee intaa ka dib, waxan halkan ka jeclaystay inaan talo muwaadin  oo aan is-leeyahay waxbaa ku sii hagaagaya kuu soo jeediyo. Waxan is-leeyahay wax inoogu kordha mooyee waxba inagaga xumaan maayaan hadii madaxwaynaha qaranku uu ku dhaqaaqo talaabooyinka aan hoosta taxay. Waana talo walaaltinimo oo ALLE dartii ah.

1- Madaxweyne hor kaalay ama soo fadhiiso barnaamijka dadkaaga la hadal ee ka baxa Telefishanka qaranka Somaliland.
 
2- Madaxweyne la tasho wax garadka, aqoon yahanada iyo culimada Somaliland ee dalka iyo waayihisa ka war haya eek u shaqeeya dar ILAAHEY, isla markaana aan aqoon qabiilka iyo eexda toona.
 
3- Waxa jira aqoon yahano hadaad la tashato taladoodu waxtar leedahay, waxaana ka mid intaan anigu shakhsi ahaan ka xusuusan karo Aqoon yahanada kala ah Aqoonyahan Iskeerse, Eng. Maxamed Xaashi, Prof. Maxamed Siciid Gees, Wasiirka waxbarshada Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha Jaamacada Gollis, Prof: Aareeye, aqoon yahan Xasan Maxamed Yuusuf, Prof. Yuusuf Kaariye, Dr. Adna Aden, Sh. Maxamed Aadan, Sh. Aadan X. Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro), Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, Sh. Mustafe X. Ismaaciil Haruun, Sh. Maxamuud Suufi Muxumed, Sh. Almis X. Yaxye, Sh. Barbaraawi, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Abwaan Axmed Aw Geedi, C/raxmaan Aw Cali Faarax, Dr. Axmed Maxamed Ciise, Faadumo Siciid, Cali Sanyare, Dr. Cabdi C/laahi Cali, Boobe Yuusuf Ducaale, Mujaahid Jidhif, C/risaq Suudi Nuur iyo aqoon yahano kale oo aanan magacooda soo qaadin halkana lagu soo koobi Karin
 
4- Madaxwayne booqo wasaaraddaha dawladda si kedis ah 7:30 subaxnimo marka shaqada la bilaabayo ilaa 12:00 duhurnimo.
 
5- Madaxweyne maxaa sharciga loo horkeeni waayey masuuliyiinta ku gafa diinta, mise sharcigu waxa uu qabtaa danyarta oo qudha sida masuuliyiinta cayda diinta.
 
6- Madaxweyne isku shaandhayntaada yaanay bedelin masuuliyiinta wax qabadka muujiya, laakiin bedel masuuliyiinta hantidii qaranka ka samaystay baabuur iyo guryo cad cad.
 
7- Ha ogaado qof kasta oo masuul ahi in ALLE weydiin doono, maalinta qiyaamaha maalin aanay waxba tarayn mansab, lacag iyo ubad toona, laakiin wax tarayaan qalbi saliim ah, qof ILAAHEY ka cabsada oo xasuusan in haduu cuno xaaraan ama ribo in aan laga aqbalayn soon, salaad iyo Xaj.
 
8- ALLE ka cabsada markasta oo aynu raacno Sunaha nabiga (NNKH), mar kasta wixii diinteena iyo amnigeena ku xuna aynu si wada jir ah wax uga qabano si ALLE dartii ah.
 
ILAAHEY TAWBADA HA INA WAAFAJIYO DHAMAANTEEN.
 
W/Q: Axmed-nuur Saleebaan Rooble (Daaciga)
Hargeysa- Somaliland

--- Posted by Khadar H. Xuseen

No comments: