.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, March 19, 2013

Abwaan Aadan Tarabi Oo Curiyay Maanso La Yidhaa ''Laba-Dacaalay''

 
- Abwaanka wayn ee reer Somaliland ee magaciisa la yidhaa Aadan Tarabi ''Tuug-Tarabi'' kana mid ah, dadka faro ku tiriska ah ee ilaahay ku galaday curinta suugaan mudo-kar ah oo aad u qaro-wayn, oo abwaanku uu badanaa u adeegsado ugu hiilinta xaqa, isaga oo iftiimiya ama tilmaama qalqalooca jira ee ay maamulada dawladahu leeyihiin iyo xad-gudubka ay waliba ku sameeyaan dadka iyo dalkooda! ayaa haatan soo saaray maanso cusub!
 
Waa gabay aad u qaali ah oo waxyaalo badan laga korodhsan karo! Maansadan cusub waxay tidhi ;

Dooraad baan maray dariiq
Diin baa iga soo hor baxay
Wuxuu yidhi daw hayaw
Dadwaan kuu garanayaa
Dalan dool baanad tahay
Deg degna waa kugu jiraa
Dulqaad ii muujiyoo
Daqiiqado isu kay yar taag
Dhegaha iigu deeq cabaar
Damiirkaa iigu qasboo
Markii hore waxaan daxyey
Imay dad ii yeedhayaan
Markaan dayey ee hubsaday
Inuu baaqu diin ahaa
Durtaba jidhiidhicaa dhammaan
Jidhkaygii wada dartayoo
Daren yablaa i galay
Waligay diin hadlana
Doraad ka horow ma arag
Waxaan idhi duur ku jire!
Haye diinow warkaa
Wuxuu yidhi daw hayaw
Daa’imkeen wuxuu khalqaday
Dunida waa u gaabinaa
Waxaa taa nagaga daran!
Dubaax annagoo ahoo
Hilibkayagu dibada yaal
Dugaag iyo haad u wadhan
Oo ay na duuduubinayaan
Ayaannu daa’im baxinayooo
Ducadii naga aqbalay
Dushuu naga saaray qolof
Qofas buu nagaga daaday
Dahaadh buu nagaga xidhay
Sidii cidi naguma dayn
Dacwad baannu kuu dhiibaynaa
Caalamka dawladaha ka jira
Dunida noogu wada wargee!
Doodii la wadaagayoo
Waxaan idhi duur ku jire
Daboolbaa kugu qafilan
Qafasbaa kugu dul xidhan
Dayr dhaafka dhaxanta iyo
Dabyluhu kuma dhibaan
Dugsi baad kaga jirtaa
Dugaaguna kuma karee
Waa maxay dayacaadaad qabtaa?
Wuxuu ydihi daw hayow
Digashaan u arkayaa
Hadduu dooguba qalalo
Dibnaha waxma saarnoo
Ilaa dirirada gugiyo
Dayrtaan ka dhursugnaa
Waxaannu daaqnaa carmada
Markaan soo dibad baxnana
Dugaag gaadh naga hayoo
Diyaar noo wada ahoo
Markaannu afarta duubi iyo
Luqunta dib u ceshano ee
Dahaadhka ku aaminana
Ayuun buu xoor dardarani
Docdaa naga soo gala
Daluun buu noo qodaa
Baal dalleg buu noo ridaa
Dabadeed isma rogi karnee
Sidaasuu nagu dilaa
Waxa taa nagaga daran
Markuu daad soo rogmadee
Dooxada nagala tago
Dadkuna nooma gurmado
Isaga geed waynba daa
Darista ma cuskanoo
Dabaashana maba naqaan
Waxa taa nagaga daran
Dudadiinaanu tubanahoo
Dadkaannu ku dhex noolnahoo
Daryeel idinkuma qabnee
Carrurtaad nagu dirtaan
Dudumo sidaannu nahay
Dushay nooga wada baxaan.
Diinow barakada dhig bay
Dayartu ku hadaqaysaa
Haddii diin barako sido
Duligaa kuma jirneen
Haddaad daacad noo tihiin
Darxumadan ma qaayibneen
Duudsigaa kuma jirneen
Danbi baad naga gasheen
Dunuub culus aadmigaw
Dilaaga libaaxa iyo
Dad qaadka shabeelka iyo
Yeydiyo iyo dacawadiyo
Dubkaa bad iyo bariba
Barafka durdurinayee
Damalkeed kaga eeratana
Sidii daanyeer u kora
Waraabaha dawdarka ah
Daalinkaad jeceshihiin
Ugaadhi dunida iyo
Dameer faraw iyo geri
Quruxda la daawan jiray
Lo’ dibadeedkii dhammaan
Dyarbaad ugu soo xidheen
Dugaagaad xannaanisaan
Kuwaa suntan daadiyiyo
Kobrahaad daajisaan
Anana duul qaranahoo
Dunida waxaannu nahay ku nool
Dadkiina iyo duunyadaba
Dirkayagu waxba uma dhimo
Duur joogtana waxaannu nahay
Dariska idiinku dhaw
Waxba yaan daw hayow
Hadalka kugu daalinine
Gargaar dar Ilaahiyoo
Degdegaan u baahnahay!
Daliishaday inay run tahay
Diinkuna xaq u leeyahoo
Gar iyo daw inagu tahay
Haddana dayro iyo deeq
Midnaba uma dacal dhibine
Tusaalaan u dul maroo
Waxaan idhi duur ku jire
Warkaagii iga daadagyoo
Dabaaqaygana galyoo
Dulucdiisii gartee
Dantaadaad ka hadashee
Wax badan baa kaa dahsoon
Dadadan xannuunka lahe
Dacartiyo xumada lehe
Didmada iyo naxdinta lehe
Damaqshiyo nabarka lehe
Durayga iyo oofta lehe
Doogtiyo kacdoonka lehe
Dardhashiyo dhaxanta lehe
Dabkaiyo ololkiisa lehe
Digadiyo dhamacda lahe
Dulinkiyo oonka lehe
Dayawgiyo anbadka lehe
Dayarta tahriibtay lehe
Badaha ku danbaysay lehe
Dardartiyo kibirka lehe
Dagnaantiyo ku qabso lehe
Daacada ku hungoowalay lehe
Dulqaadka nacasoobay lehe
Samrika ku dilooday lehe
Darlaafta haraaday eeg
Haddii loo dayn lahaa
Daadaa maax u noqon lahayd
Waxay ka dareeriyaan
Dareelayda fuuqsan lahayd
Waxaan diinoow ku idhi
Wax kuu daran waxa uu daran
Diinow aad ka hadlaysaa
Anaga way na daashatee
Malaa way idin dihneed
Xasuusna dib ugu noqo
Darbada foosha kulul
Daan jiriidkay is dhaafsadaan
Dumarka weeye la soco
Dibaaqana waxay gashaan
Da danba ha isku dhalin
Daliil se rabaaniyoo
Ku daabacan baa se jira
Markay xaylka dib u heshana
Raxmadii ku soo degtaa
Ninkeedii loo daalacshaa
Dadkaana ku beermay sidan
Duqsigu waa faraxashaa
Haddana meel xuma kama durkoo
Dirxiga kama ag foga
Intaanay dib liqin biyahu
Ayey daaqoodii hore
Dameeruhu ka luq-luqdaan
Libtiyo nin lehbaa daldalan
Runta iyo magacaa dafiran
Waxa daran oo ka daran
Diin iyo imaan ninkii
Dar Alla u huwaday
Ayey danbi iyo xasarad
Dushaa ka marmarinayaan
Waxa dulman oo ka daran
Kuwii soo duway biyaha
Durdurka kama cabaan
Daasadna lama ogola
Inuu ceelka darsado
Dixdiina waa soconaysaa
Dibadu ka taagan yahay
Darbaa inoo dhago laayahay
Indhaha ka daboolan yahay
Iyagu danigooda qaba
Isagu ka dubaalad dheer
Wuxuu dadayuu arkaa
Ka sii dadayuu arkaa
Ku sii dadayuu arkaa
Ku wada dadayuu arkaa
Shaxduu dagayuu arkaa
Ka sii dayguu arkaa
Ku soo dayu arkaa
Ku wada degayuu arkaa
Siduu u dalbuu yaqaan
Ka sii dalbay buu yaqaan
Ku soo dalbayuu yaqaan
Ku wada dalbayuu yaqaan
Wuxuu damcay buu ogyahay
Ka sii damcay buu ogyahay
Ku soo damcay buu ogyahay
Ku wada damcay buu ogyahay
Dantiisa watuu yaqaan
Ka sii danle buu yaqaan
Ku sii dan le buu yaqaan
Ku wada danle buu yaqaan
Hadalka ku daybuu yaqaan
Inuu ku dayuu yaqaan
Waxaan diinoow ku idhi
Dareen inuu kugu galiyo
Dawaan sidan kaaga dhigay
Dunidu way kula qabtaa
Duudsigaad sheegaysee
Bal eeg mawjadahan dardaran
Dabaylaha ay sitaan
Bal eeg daruurahan madaw
Dayaxay qarinayaan
Bal eeg daabadahan casilan
Bal eeg qalimadan duuxdiyo
Dufanka khadka looga dhigay
Bal eeg digo xaadhka la mari
Siday uga duulayaan
Dalalkii u qanisanaa
Bal eeg boqorada daldalan
Daraan is ogayn iyagu
Bal eeg dadkan barakacaya
Qaxoontiga isdaba socdee
Qaaradaha daadsan eeg
Aniguba laba diblaan
Dartood uga xidhnahoo
Dibay iigu celinayaan
Duumaale, halkaan ka imid
Ririta laygula jiraa
Dagaalkii labaad ka weyn
Dyauurado kuma rushayn
Kuguma soo dumin cirkuna
Dhlkuna dee kulama go’in
Dumida meel nabad qabtana
Duurkaad kaga nooshahaad
Diinow kaa jirtaan ku idhi
Intuu diinkii yaabay buu
Mar walba doc u jeestayoo
Dabeetana waxa uu yidhi
Wixii aan doonaayey iyo
Wixii aan damacsanaba
Caandhuuftaydaan dib u uga liqay
Dunidana Eebahay
Anbiyuu u soo diroo
Waxyiga ku soo dajoo
Dadkuu uga dhigay masuul
Anagu isumaba darnine
Waxbana isma diidane
Diinkuna isma xaasidee
Dadkiina saw u daran
Adaaban kuu diir naxee
Ducaan kugu daraye Orad
Waxaan idhi duur ku jre
Duruufuhu waa jiraan
Dadaalbaa se ila gudboon
Dawladaha reer galbeed
Ingiriis baa ugu da’ weyn
Dalada boqortooyadiyo
Difaaca Maraykankyo
Ubaaba aan kugu diro
Arjiga soo daabacoo
Dad baa se loo baahan yahay
Dabuubtaada turjuma
Miyey diin afgaranyaan?
Adigu daw buu i yidhi
Dabdbaw iman doonoo
Darbaw faahfaahinoo
Dabeetana way afgaran
Ugu danbayntii laba dacoolay
Dawhaye iyo duur ku jira

…..Dhammaad….

No comments: