.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, March 21, 2013

UN-ta Oo Wafdi Sare Oo Balaadhan U Soo Diraya Dhawaan Somaliland Si Ay Uga Qanciyaan Inay Ka Noqoto Gooni Isu-taageeda!

 
- Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ee UN-ka ayaa wefti culus maalinta Jimcaha u soo diraysa, weftigaas oo ujeedadiisu tahay sidii ay Somaliland ugu duduuci lahaayeen go’aamadii ka soo baxay fadhigoodii ugu danbeeyay ee ay ka yeesheen mustaqbalka Somaliya.
 
Weftigan oo la sheegay in ay ku iman doonaan laba Dayuuradood oo khaas ah waxa ay ka kooban yihiin Qaybaha ay ka kooban tahay Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysaa waxaanay kulan toos ah la yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Ururada Bulshada.

Nuxurka ugu weyn ee Ajandahooda ugu weynina waa fulinta go’aankii Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa Golaheeda Amaanku soo saaray ee ahaa in Dawladda Somaliya ay tahay Dawladda kali ah ee la ictiraafsan yahay isla markaana xuduudaheedu yihiin lama taabtaan.
 
Sidoo kale waxa ay xoojin doonaan go’aankii xayiraad ka qaadista Hubka noocyadiisa qaar taas oo ay u ogolaadeen oo kali ah Xukuumadda Somaliya ee ay Ictiraafsan yihiin. Iyada oo ay intaa dheer tahay Qaadhaanadii kala duwanaa ee ay Maamulada Somaliya siin jireen ee ay Somaliland ka mid ka ahaydna inay u wareejinayaan Xukuumadda Somaliya.
 
Talaabooyinka ay Qaramada Midoobay la shir imanayaan Somaliland ayaa ah kuwo lidi ku ah go’aankii shacbiga Somaliland, isla markaana dhabar jab ku noqonaya nidaamka Dawladeed ee Somaliland ka hana qaaday 23-ka sano ee ay Somaliya gacantooda ku bur burtay.
 
Weftiga Qaramada Midoobay waxa ka soo horeeyay oo Dalka ku sugan Wefti kale oo ka socda Dawladaha Qaadhaanka siiya Soomaaliya iyo Somaliland kuwaasoo wada qorshaha ay qaramada midoobay doonayso Qaadhaanka ay bixiyaan in lagu wareejyo Dawladda Somaliya, taas bedelkeedana Xukuumadda Somaliland ay ku qasbaan in ay Somaliya la hadasho ama ay ka mid noqoto.
 
Weftigan waxa gadh-wadeen u ahaa Safiirka Dawladda Denmark ee u fadhiya Somaliland, kaasoo Dalka dhawaan soo degay, waxaanay kulan Qarsoodi ah oo aan bulshada loo bandhigin ku yeesheen sadex cisho ka hor qasriga Madaxtooyadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
 
Qorshayaashan Beesha Caalamka iyo Qaramada midoobay dhinac u wada wadaan ayaa ku soo beegmaya maalmo yar uun kadib markii Madaxweynaha Somaliland ku dhawaaqay inuu qaadacay shirka Bisha May Dawladda Ingiriisku u qabanayso Somaliya kaasoo la sheegay in Dawladdaha Qaadhaanka bixiya lacago loogu weydiinayo.
 
Si kasta ha ahaatee waxa muuqda Madaxweyne Siilaanyo durtaba go’aankiisii adkaa ee ay Bulshada Reer Somaliland soo dhaweysay in weerar lagu soo qaaday si loogu duduuco in uu aqbalo Dawladda Federalka Somaliya, hase yeeshee marka laga yimaado talada Alle guushiisu waxay ku xidhan tahay sida uu kolba Bulshada uu odayga u yahay ugu bandhigo Mustaqbalkooda siyaasadeed halka ay ugu hagaagayaan.
 
Xigasho: Waaheen

No comments: