.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, March 6, 2013

Akhri: Waraaqdii Uu Raysal-wasaaraha Somalia-italia Kaga Dalbaday USA In Dambiga Gen. Maxamad Cali Samatar Loo Haysto Laga Dhaafo!!!

 
- Maamulka haatan ay aduunyadu u dhoodhoobayso waxii la odhan jiray Somalia-italia ee ay Somaliland mar (1960-1991) isku biireen ha-yeeeshee, ay 22gu' horteed dadka reer Somaliland kala soo noqdeen madax-banaanidoodii ka dib markii maryo dhiigleh la kale furtay, ayaa isaga oo aan maamulkaasi wali cagahaba dhulka dhigin oo wali taangiyada AMISOM-Ta saaran bilaabay inuu daandaansi iyo cadaawad ku socota shacabka reer Somaliland alooso. 
 
Hoosta waxan kuugu soo lifaaqnay waraaq uu qoray ninka isku magacaaba prime-minister ka Somalia-italia Cabdi Faarax Shirdoon (saacid) ee ay isku haybta yihiin gacan ku dhiiglihii Siyaad Bare ee xasuuqay boqolaalka kun ee reer Somaliland, taasi oo uu dawlada USA kaga dalbanayo in Gen. Maxamad Cali Samatar laga cafiyo dambiyo tacadi iyo xasuuq ah oo ay maxkamadi ku heshay .
 
Halkan waraaqda oo af-ingiriis ah ka Akhri; 
http://longlivesomaliland.com/Somali-Govt-Request-for-Immunity.pdf

No comments: