.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, March 6, 2013

Xildhibaan Maxamed M. Cumar Xaashi: Gen. Maxamad Cali Samatar Iyo R/wasaaraaha Somalia Labaduba Waa DAMBIILAYAAL

 
- Guddoomiyaha guddi hoosaadka dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xaaji Cumar Xaashi, ayaa ka hadlay codsiga dawladda Somaliya u dirtay Maraykanka ee la xidhiidha in Maxamed Cali Samater oo xasuuq ka geystay Somaliland xiligii dawladdii milatariga ahayd ee SIyaad Barre xasaanadiisa loo soo celiyo.
 
Xildhibaan Xaashi waxa uu si gaar ah u wareeray raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo isagu qoraalka codsiga ah u diray dawladda Maraykanka, waxaanu sheegay xildhibaanku in Saacid ganacsiga uga furan Kenya uu yahay hantidii uu ka dhacay shacabka reer Somaliland wakhtigii taliskii Siyaad Barre, waxaanu tilmaamay in isaga iyo cid kasta oo Somaliland dambi ka gashay aan laga hadhi doonin.
 
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xaaji Cumar Xaash, oo shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay oo uu sheegay in Maxamed Cali Samater uu qirtay inuu shacabka reer Somaliland xasuuqay, sidaa daraadeedna aanay dawladda Somaliya loo dhisay aanay waxba ka qaban Karin kiiskiisa.
 
Xildhibaanka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dawladda Somaliya, waa dawlad la dhadhabay oo la dhisay, waa dawlad ajaanib ilaaliyo, ninka raysal-wasaaraha sheeganayaan waa ninkii Berbera ka shaqeyn jiray ee wuxuu gali jiray la wada ogaa, tijaarada uu hadda haystaa waa dhici Berbera uu dadka ku dhici jiray ee uu la wareegi jiray wax allaale iyo wixii dekeda ka soo degga, isagoo Gaani intaa u igmanaa, haddii uu isleeyahay waa lagugu soo socdaa, Ogow nin daalinow lagu dayn maayo meel uu joogaba, haddii aad isleedahay Maxamed Cali Samater ku sii horee oo albaab ka sii dhigo waxba kuu tari maysee nin dulmi galay iyo nin xumaan falayba waa loo soo wada socdaa meel uu joogaba, tii ILAAHAYNA way ina wada sugaysaa”
 
Xildhibaan Xaashi, waxa uu sheegay in Mr Samater laftiisu qirtay dambiga uu Somaliland ka galay “Cali Samater wuu qirtay inuu Umaddan Somaliland xasuuq Oo uu Dhameeyay, waxba kama qaban kartaan, kamana debba taggi kartaan (Xukunkiisa), wixii idinka dulmi galayna waa loo soo socdaa oo lama daynayo”ayuu yidhi.
 
Xigasho: Ramaas

No comments: