.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, March 10, 2013

BAAQ: Dowlada Soomaaliya Oo Si Badheedh Ah U Taageersan Dunuubtii Lala Beegsadey Dalka Iyo Dadka Reer Somaliland.

 
- Dallada SSE oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub, waxa ay baaqan ku muujinayaan dareenka ay ka qabaan warqada uu ku saxeexanyahay mas’uulka labaad ee ugu sareeya dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon isla markaana ku socotay Xooghayaha Arrimaha Dibada ee Dowladda Maraykanka, taasoo ku taariikhsanayd 26.02.2013, isla markaana ku suntanayd OPM/001238/13.
 
Nuxurka codsiga warqadani waxa uu ahaa in dowladda Maraykanku Cali Samatar u soo celiso dhammaan habmaamuuska ay huwanyihiin ama lagu ixtiraamo shakhsiyaadka madaxda ah ama madaxda ahaa si ay markaa u helaan xasaanad siyaasadeed hadii dambi lagu soo oogo. Warqadan Raysal Wasaaraha Soomaaliya uu qoray waxa ku cad in gacan ku dhiigle Cali Samatar lagu tilmaamay masuul sare oo fulinayay awaamir dawladeed isaga oo dal matalayay.
 
Dallada SSE iyo sida ay u aragto falkan ay ku dhaqaaqday dawladda Soomaaliya:
 
Dallada SSE waxa u cad in aanay Dawlada Soomaaliya garowshiyo ka bixin dunuubtii laga galay ummada reer Somaliland , taageeradda ay gacan ku dhiigle Cali Samatar siisayna waa hiil badheedh ah oo lagu yasayo laguna xaqirayo karaamada iyo ixtiraamka ay laheyd in lagu maamuuso dadkii dhibku ka soo gaadhey dambiyadii lagu cadeeyay gacan ku dhiigle Cali Samatar. May ahayn in Dawlada Soomaaliya falaadhii lagu gumaaday bulshada Somaliland markale ku dhaqdhaqaajiyo.
 
Bulshada Somaliland, Fariinta ama codsiga warqadani waa mid dadka iyo dalka reer Somaliland inta maanta nool si toos ah u xasuusinaysa dhacdadii sanadadii sideetameedyadii waliba si gaar ah sannadkii 1988kii isla markaana si cad oo bilaa mugdi ah u muujinaysa in xukuumada wakhtigaa joogtey ee gacan ku dhiigle Cali Samatar ka tirsanaa iyo tan cafiska xasaanada siyaasadeed dalbanaysa ee Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ka tirsan yahay, ay labaduba isku meel ka taaganyihiin shacabka reer Somaliland. Waxa kali ah ee labadan maamul ee Dawlada Soomaaliaya xilka u kala dambeeyay ku kala duwan yihiin waa wakhtiga; midi waxa ay fulisay falalkii reer Somaliland lagu xasuuqayay ta kalena wakhtigan imika la joogo ayay falalkii xasuuqa ahaa taageertay.
 
Dallada SSE waxay baaqan ku cadeynaysaa in xaqiiqda dhabta ah ee maanta jirtaa ay tahay in dowladda Soomaaliya ee hadda joogtaa ay ku dhaqaaqday fal kashifay naceybka iyo cadowtinimada ay u hayaan shicibka reer Somaliland, loona baahanyahay inaynu u gelino diiwaanka aynu hore ugu ururinay dhacdooyinka taban ee dhanka ka ah jiritaanka ummada reer Somaliland.
 
Dallada SSE maxay ka codsanaysaa Golayaasha Qaranka ee ay Xukuumadda Somaliland hoggaanka ka tahay.
 
Dallada SSE waxay hore ula socotey wada’ hadalkii u socdey Somaliland iyo Soomaaliya, kaasoo waxyaabihii lagu heshiiyay ay ku jirtey in labada dhinacba inta wada haddalku socdo ay ka ilaaliyaan waxyaabaha caqabada iyo xasaasiyad ku noqon kara. Ma aha markii koowaad, mana aha markii labaad ee ay dawlada Soomaaliya ku dhaqaaqdo falal caqabad ku noqon kara wadahadalada, basle falkan ay hadda ku kaceen masuuliyiinta Dawlada Soomaaliya waa mid weji gabax ku ah qaranimada iyo dadnimada reer Somaliland, waxaana xukuumadda Somaliland aanu marti uga nahay inay ka qaataan tallaabada ugu haboon, maadaama ay Dawlada Soomaaliya ku gabood fashay ama jabishay wixii hore loogu heshiiyay.
 
Talaabada ugu haboon ee jawaabta u noqonaysa falkan ay Dawladda Soomaaliya ku kacday waa iyadoo laga noqdo wadahadaladii socday. Waa muhiim in xukuumadda Somaliland ay beesha caalamka dareen geliso sida Dawladda Soomaaliya ay ugu baxdey wixii suuro gelinayay sii wadida wada’ hadalka oo ay ku dhaqaaqeen talaabooyin ixtiraam daro ku ah Somaliland.
 
Dallada SSE, iyada oo ku kalsoon hoggaanka xukuumadda Somaliland ayaa waxa si xushamdi ku jirto uga codsanaynaa in aad loo derder geliyo tallaabooyinka jawaab kaafiya u noqon kara falkan u dambeeyay iyo weedhaha aan loo meel dayin ee mar walba ka soo yeedha mas’uuliyiinta ugu sarreeya maamulka Soomaaliya.

 
Dallada SSE, waxay sidoo kale baaqan uga faa’iideysanaysaa in si xeel dheer oo wada’ tashi ku jiro loo daraaseeyo dhammaan arrimaha inagu xeeran oo ay kow ka tahay shirka bisha May oo wakhti badan aanu ka hadhin lagu qabanayo magaalada London ee dalka UK. Talo wax ku ool ah oo qaran ayaa loo baahanyahay, maadaama barnaamijka kulanku uu cadyahay isla markaana inta aynu ka warhayno aanu khuseyn Somaliland.
 
Ugu dambeyn waxa aanu dhammaan Golayaasha Qaranka, Axsaabta siyaasada iyo guud ahaanba shicibka reer Somaliland ee qaaliga nagu ah aanu kula dardaarmaynaa in la adkeeyo midnimada iyo wada’jirka ummada reer Somaliland si looga gudbo duruufaha tirada badan ee inagu xeeran.
 
Baaqan ka sakow, Dallada SSE iyada oo wada-shaqeyn iyo xidhiidh la leh ururada kale ee qurbo jooga Somaliland, waxay ay falka gacan ku dhiigle Cali Samatar lagu taageeray ka qaadi doonaan tallaabooyinka ku haboon, si aanu dareenka aanu ka qabno ula qaybsano beesha caalamka, gaar ahaana dalalka iyo hay’adaha ay sida gaarka ah u khuseyso.

Alle ayaa mahad leh,
 
Guddiga fulinta ee dallada SSE.

No comments: