.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, March 10, 2013

Dhagayso Jawaabta R/wasaaraha Somalia Uu Ka Bixiyay Waraaqda Uu u Qoray Gen. Maxamad Cali Samatar! *Dhegta-maal

 
- Ninka magaciisa la yidhaa Cabdi Faaraxa Shirdoon ee sheegta inuu yahay Raysal-wasaaraha Somalia, oo ay isku hayb yihiin gacan ku dhiiglihii xasuuqay dadka reer Somaliland ee Siyaad Bare, oo dhawaan ay idaacada VoaSomali waydiisay, sababta ku kaliftay inuu waraaq u qoro dalka Maraykanka, taas oo uu kaga dalbanayo, in xasaanad loo fidiyo Gen. Maxamad Cali Samatar oo dambiyo ay ka mid yihiin; xasuuq iyo xad-gudubyo ka baxsan bani-aadamnimada oo uu masuul ka ahaa markii uu la shaqaynayay Siyaad Bare oo lagu cadeeyay lagu helay, isla markaa xukunna uu ku dhacay, Ayaa waxa uu ninka Raysal-wasaaraha sheegtaa kaga jawaabayaa si aan garasho habooni wehelin!
 
Bal hada dhuux hadalkiisa, Waxa aad dareemaysaa inaanu si fiican u fahansanayn oo aanay u kala cadaynba, xuquuqaha dadku. Hoosta guji oo ka dhagayso jawaabta ninkan!
 
*Dhegta maal*

No comments: