.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, March 5, 2013

Somaliland Iyo Holland Oo Markii U Horaysay Heshiis Wada shaqayn Ah Oo Labada Dal Dhex-mara Gaadhay

SAM_1217
 
''Wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa uu sheegay in ay isku raaceen labada dawladood ee Somaliland iyo Hollnad in ay wada shaqayn dhinacyo kala duwan leh yeeshaan''. Somalilanders
 
- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, ayaa sheegay in markii u horaysay taariikhda wadashaqayn cusub iyo iskaashi dhinacyo kala duwan leh ay wada yeelanayaan Somaliland iyo dawlada Holland. Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo safar shaqo ku jooga wadanka Holland, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay kulan balaadhan oo uu habeen hore magaalada Rotterdam ee dalka Holland uu kula yeeshay jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan wadankaasi.

Wasiirka iyo wefti uu hogaaminayo oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku marayay wadamo ka tirsan qaarada Yurub, ayaa ka qayb galay Kulan ay soo qaban qaabiyeen jaaliyada Somaliland ee ku nool wadanka Holland, waxaana kulankaasi ka soo qayb galay dadwayne tiro badan oo isugu jiray haween, rag iyo dhalinyaro kuwaasi oo wasiirka si wayn ugu soo dhaweeyay markii uu gaadhay magaalada Rotterdam ee wadanka Holland.
 
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland oo hadal u jeediyay jaaliyadii kulankaasi ka soo qayb galay uga waramay u jeedada safarka shaqo ee uu ku joogo dalka Holland iyo masuuliyiintii uu la kulmay intii uu joogay wadankaasi, waxaanu sheegay in uu wada hadal dheer la yeeshay wasiirka amniga qaranka Holland iyo agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dibada Holland isla markaana ay masuuliyiintaasi ka wada hadleen sidii loo furi lahaa wadashaqayn cusub iyo is-kaashi balaadhan oo dhex mara Somaliland iyo Holland markii u horaysay.
 
Waxaanu wasiirka arrimaha dibada Somaliland intaasi raaciyay in ay isku raaceen labada dawladood ee Somaliland iyo Hollnad in ay wada shaqayn dhinacyo kala duwan leh yeeshaan, isaga oo arrinatasina ku tilmaamay guul hor leh oo ay Somaliland gaadhay.
 
Waxa kale oo uu wasiirku si balaadhan uga waramay guulaha kala duwan ee ay ku talaabsatay muddadii ay talada dalka haysay xukuumada uu madaxwaynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ee dhinacyada nabadgeliyada, waxbarashada iyo siyaasada arrimaha dibada.
 
Waxa kale oo uu Dr. Maxamed C/laahi Cumar, faah-faahin ka bixiyay horumarka ay ku talaabsatay xukuumadu ee ay ka gaadhay xagga siyaasada arrimaha dibada oo uu ku tilmaamay mid dariiq cusub u furtay ka midhodhalinta himilada shacabka Somaliland.
 
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed C/laahi Cumar, waxa uu si qoto dheer uga hadlay wadahadalada u furmay Somaliland iyo Soomaaliya oo ah albaab cusub oo u furmay siyaasada dibada Somaliland iyo sida ay beesha caalamku u rejaynayaan qadiyada iyo horumarka Somaliland.
 
Waxa kale oo uu wasiirku dadwaynihii uu halkaasi kula hadlayay uga war-bixiyay socdaalkii uu dalka Jarmalka ku soo maray iyo shirkii lagaga hadlayay qaranimada iyo dimuqraadiyada Somaliland ee ka dhacay dalka Jarmalka todobaadkii hore iyo sidoo kale masuuliyiintii kala duwanaa ee uu dalka Jarmalka kula kulmay iyo waxyaabihii ay ka wada hadleen.
 
Waxa kale oo kulanakasi hadal ka jeediyay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID iyo xubno ka mid ahaa jaaliyadii kulanka goob jooga ka ahaa, madaxwaynaha Somaliland iyo xukuumadiisaba ku amaaneen sida ay heeganka ugu yihiin, waxaanay sidoo kale balan qaadeen in ay diyaar u yihiin ka qaadashada horumarka dalkooda hooyo.
 
Wasiirka iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa lagu wadaa in ay beri yimaadaan wadanka Itoobiya, halkaasina ay kulamo kula yeelan doonaan masuuliyiin ka tirsan dawlada Itoobiya.
 
Somalilanders

No comments: