.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, March 6, 2013

Tacsi: Marxuum Abiib Xadi Jaamac- (USA)


Tacsi: ''Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun''.
 
- Waxa aanu anaga oo aad uga xun kana tiiraanyaysan geeridii ku timid marxuum Abiib Xadi Jaamac, oo ku geeriyooday Xalay (06/03/13) magaalada Charlotte ee gobalka North Carilina (USA), halkan tacsi uga diraynaa xaaskii-Caruurtii, xigtadii, asxaabtii iyo intii kale ee tabi doonta marxuumka, oo aanu leenahay dhamaan Samir iyo Iimaan Allah ha idinka siiyo, Isagana (marxuum Abiib) naxariistii jano ha ugu deeqo.
 
Marxuum Abiib, waxa uu xeel-dheere ku ahaa hagista diyaaradaha oo uu aqoon durugsan u lahaa, waxa kale oo uu qayb libaax ka soo qaatay taabo-galinta diimuqraadiyada Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo waqti badan ku lumiyay aasaasida xisbiyada badan iyo maamul wanaajinta. Allah ha u naxariisto isaga iyo dadka kale ee muslimka ah dhamaantoodba Aamiin. Aamiin. Aamiin.-WYL-NEWS

No comments: