.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, March 8, 2013

Waraaqda R/wasaare Saacid: ''Xukuumada Somaliland Way Gabtay Xilkeedii''‏

 
''Maamulka Axmed Siilaanyo, waxa lagu xantaa oo ceebahiisa ka mid ah Aamusnaanta, waxan qabaa, ma aha arimahan haatan socdaa ee taagani kuwii laga aamusi lahaa''. Cali
 
- Murti u gaar ah dadka Xariirta ah ee reer Somaliland ayaa tidhaa; Wiil ba'an Wiil baas ka lahow! . Allaylehe waa rune, hadii Maan-gaab guracan oo turuq iyo xoog is-biday, uu ku yara ishaaqsado, tun-jileec iyo nuglaanshona kaa dareemo kuma nabad-galiyo. Waana markaa kolka la goconayaa Wiil halyay ah oo dhamays-tiran oo, tatab-yahan saajica ah, oo sikhil ku ah suul-daarada, qonofka, tabco-dhexaada iyo sabaaxada! Oo Hacoogaa laga soo hoysan waayay habaaska cantuugsiiyaa!

Waxan hadaba uga socdaa arartaa gaaban; Intii ay soo jirtay Somaliland oo haatan 22-gu iyo dhawr bilood ah, waxa talada Qarankeena iskaga dambeeyeen 4 madaxwayne, mid kastaaba mudanayaashaasi xiligiisii waayo gaar ah ayuu la kulmayay, waxbaase ay ka sinaayeen oo ay iskaga mid ahaayeen, waxaasoo ahaa hal qodob oo ah; ''Gardarada, deelqaafka, faro-galinta hadh iyo habeen ay inagu hayso Walawayntu ee maalinba maalinta ka dambaysona isa soo taraysa''! Yaab.
 
Nasiib wanaag. madaxdeenayaasheenii hore waa ay yaqaaneen sida istaahisha ee looga jawaabo hadalada/ficilada habawga ah ee inagaga soo baydhi jiray maamulodii/kooxihii u kala dambeeyay sheegashada xukunka dalka aan jaarka nahay ee Somalia. Madaxwayne kasta oo reer Somaliland ahaa wadada ayuu ku ridi jiray cid kasta oo soo faro-galisa dadka iyo dalka Somaliland. Hadaba, waxa is-waydiin mudan, maxaa dhacay ee ka duway jidkii hore xukuumadan haatan ee uu hogaamiyo ruug-cadaaga wayni (mudane Madaxwayne Axmed Siilaanyo) ee ay u habranaysaa? Maxaa Si ah?
 
Waxan ognahay oo laga wada war-hayaa in gobolka ay Somaliland ku taal is-bedelo xawli ahi bilahii u dambeeyay ka socdaan! Waxa iyana muuqata in haatan xidhiidhkii u dhaxeeyay qaranka Somaliland iyo Somalia uu sii margayo, oo dad aan samahu deeqini durba ay hanjabayaan! Waxan kale oo aan arkaynaa in iyada oo aanay ka soo wareegin bil-li markii uu dalka USA aqoonsiga u fidiyay maamulka Somalia ay durba bilaabeen inay arin Xasaasi ah ( Gen. Maxamad Cali Samatar Vs Yusuf) oo dadkeena (Somalilanders) arami badan ku kicinaysa, ay kaakicinayaa oo maamulka Somalia uu ku jujuubayo dalka USA in xukunkii ku dhacay gen, Cali Samatar uu buriyo! Yaab
 
Bal qiyaas hada akhristoow, Uur-kutaalada iyo niyad jabka ay ku ridayso arintaasi guud ahaan dadkii reer Somaliland ee la xasuuqay dadkooda iyo waliba gaar ahaan, ragii kiiska lagu helay Gen. Max'ad Cali Samatar mudoda 10-gu ka badan dagaalka afka, aduunka iyo adinkaba leh u soo galay, ee xaqu ma lumee aakhirkiina Ilaahay Iyaga ku guuleeyay....
 
Bal waxa kale oo aad qiyaastaa, Markii ay Dacwadu maxkamadaha ku jirtay ee ay dhibanayaashaasi Jananka is-hayeen, wax gargaar ah kama ay helin dawlada Somaliland , hadaba haatan oo iyaga kiiskii loo xukumay miyay qabataa in ay dawlada Somaliland ku daawato, xad-gudubka maamulka Somalia uu ku hayo ee uu ku faro-galinayo arintaa. Waraaqda uu dhawaan raysal wasaare Saacid u qoray dalka Maraykanka ee ku saabsan dacwada Cali Samatar ee dawlada Somaliland-na aanay sida haboon uga jawaabin waa ku-daawasho iyo digasho!
 
Gabogabo: Maamulka Axmed Siilaanyo, waxa lagu xantaa oo ceebahiisa ka mid ah Aamusnaanta, waxan qabaa, ma aha arimahan haatan socdaa ee taagani kuwii laga aamusi lahaa. Waana Gun-nimo, hadaad dawlad sheeganayso sida Jamhuuriyadda Somaliland, oo dabadeedna aanad dadkaaga ''gar iyo gardoraba ugu hiilin. Aheey Ahe, ''Xukuumad Xukuumad kaa hirri wayday baan nacay''.
 
''Ha jirto Somaliland Oo Ha Joogro Waligeed''.
 
Cali Cumar Xasan.

No comments: