.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, April 4, 2013

Djibouti Oo Hub Siisay Maamulka Muqdisho (Soomaaliya)


- Dowladda Jabuuti ayaa maanta guddoonsiiyey maamulka  Soomaaliya hub dhan 50 gaadhi oo isugu jira kuwa gaashaaman iyo kuwo ciidanka lagu qaado. Ninka lagu sheego R/W Somalia Cabdi Faarax Shirdoon oo jooga Jabuuti ayaa hubkan  ka guddoomay dowladda Jabuuti, waxan uu sheegay in hubka la siiyey ay u adeegsan doonaan sidii uu ammaanka dadku uu usoo gali lahaa gacanta maamulkooda.

Munaasabadda hub wareejinta ayaa waxaa heshiis ku kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Soomaaliya Mudane Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Faqi iyo Wasiirka Gaashaandhigga dawladda Jabuuti Xasan Dharaar Hufane.- Somali-VOA

No comments: