.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 16, 2013

Qodobadii ay ku heshiiyeen J.Somaliland iyo Somalia


- Wadahadaldii JSL iyo Somalia uga socday Dalka Turkiga. Waxa ka soo baxay war murtiyeed ka koobaana 7 qodob, waxana ay ahaayeen sidan:

1. Ogolaanshaha labada dhinac ee sii wadida wada-hadalada JSL iyo Somalia.

2. Ansixinta go'aanadii shirarkii LONDON iyo UAE.

3. U soo jeedinta mujtamaca dawliga ah gacan siinta sii wadidda wada-hadalka.

4. In ay Somalia dhiiri geliso oo ay taageerto in JSL la siiyo deeqo hor-u-marineed oo caalami ah.

5. In la iska kaaashado arrimaha sida ammniga, sirdoonka, argagixisada, budhcad-badeedda, kaluumeysiga sharci darada ah, aasidda qashinka sumaysan, tababarada iyo in la qaybsado deeqaha waxbarasho.

6. In wada-hadalka kan ku xiga lagu qabto muddo 90 ( sagaashan ) maalmood gudahood oo uu ka dhaco maglaagala Istanbuul ee isla dalka Turkiga.

7. In laga fogaado wixii wax dhimaal ah ama dhaawacaya sii wadida wadahadalka qawl iyo ficilba.Waxa ugu muhiimsan ee meelsha ka dhacay waxa uu ahaa in ay si fool-ka-fool ah isa soo hor fadhiistaan labada dawladood JSL iyo Somalia oo ay soo wada saaraan murtiyeedkan ay kala saxeexdeen.

- Somalilanders

No comments: