.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, April 7, 2013

Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda Oo Sheegay In Madaxda Somalia Ay Jabisay Qodob Ay Ku Heshiiyeen Somaliland Iyo Somalia

 
“Waxay Taladeeniiba Iskugu Soo Biyo Shubatay Haddii Layna Aqoonsado Waxbaynu Helaynaa. Maxaa Tamartii Inaga Qaaday Miyeynaan Dal Iyo Dhul Inagu Filan Lahayn”, Muj, Maxamad Xaashi
 
- Wasiirkii hore ee Maaliyada Somaliland, Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa sheegay in Masuuliyiinta Somalia ay jabiyeen qodobo ay heshiis kula galeen Somaliland oo ahayd in labada dhinac ay ku heshiiyeen in aan midkoodna ku kicin wax wiiqaya wada hadalka u socda. Hase yeeshee ay dawlada Somalia ka codsatay Maraykanka in Cali Samatar oo xasuuq ka geystay Somaliland oo ay dacweeyeen muwaadiniin uu dambi ka galay, ay Madaxda Somalia ka dalbadeen Maraykanka in la sii daayo. Maxamed Xaashi ayaa sidaasi ku sheegay mar uu ka hadlayey munaasibad lagu xusayey Aasaaskii ururkii SNM oo lagu qabtay magaalada Hargeysa waxaanu hadalkiisa ku bilaabay.

''Waxan la yidhaa Axsaabtu waa saddex, waxaana ku afar ah SNM, markaa ilaabi mayno wada tashiga iyo isku imaanshaha dadka Somaaliland, Illaahay ha uu naxariisto dadkii ku dhintay dagaalkii intii nagaga dhimatay, waxaanu halkan ku fadhinaa waa dhiigoodii, waxaanu halkan u fadhinaa waa aasaaskii SNM laakiin halgankii wuu ka horeeyey, dhibaatadii meesha ka dhacaday waa mid na wada taabatay miye iyo magaalaba ilaahay mahadii''. Waxa uu intaa ku sii daray;
 
Siyaad Barre markii uu yidhi Suuratu Nisaa way khaldan tahay oo aniga ayaa badalaya, ee uu yidhi illaahay wuu khaldamay, ee toban kii wadaada dilay, Waxa la yidhaa wuxuu ku dhintay gaajo iyo meel cidlo ah ayuu ku dhintay ayaa la yidhaa, xaaskii waxay guran yeen waxaa loo dawaray kiradii oo dadka loo waydiiyey, inagu maanta waxaynu ku jirnaa barwaaqo, isaganu wuxuu ku dhintay magac xumo waa ilaahay mahadii wiixii umadda dhibaatada u gaystaa sidan ayaa ku danbaynayaa, maanta waxaynu fadhinaa dalkeenii waxaynu haysanaa xoriyadd waxaynu nahay Somaliland''. Waxa uu mujaahid M.Xaashi intaa raaciyay;
 
Somalia sinaba ugu noqon mayno cid inagu celin kartaana ma jirto, markaad eegto hadalada sida ay uu socodaan markaad u fiirsato waxaynu u baahan nahay, hadii layna aqoonsado waxanaynu helaynaa, waxaynu lacag ka qaadanaynaa Bangiyada inoo yimaada, waxay iskugu soo biyo shubanaysaa wax baa layna siinayaa, inaga maxaa tamartii inaga qaaday miyeynaan dal lahayn miyeynaan dhullahayn oo aynaan barwaaqo ku jirin oo dalkeenu inagu filanayn. Waxa la’ii sheegay nin Yemeni ah oo la yimid hal xabo oo dooni ah ayaa wuxuu shaqaysanayey mudo labo sano ah, waxaanu ka shaqaysanayey inta u dhaxaysa Maydh iyo Xiis wuxuu iibsaday doonidii todobaad waxaansina waa Kalluunkeena''. Muj, Maxamad X. Isaga oo la hadlaya Wasiir Geel-jire waxa uu yidhi;
 
Wasiir Kalluun-jire maalintii dhaweyd ee la furayey dhismaha Wasaaradda Kalluumaysiga wuxuu yidhi Yemani waxay gurataa kalluunkeena kolkaasay ku qoraan magacyadooda, waa dalka labaad ee ugu badan ee Kalluunka iibiya aduunka, kolkaa inaynu kheyraadkeena ilaashano oo ka shaqaynsano ayaa inala gudboon waxaasaa layna siin iyo hadaynu aqoonsi helno cidbaa ina caawin, waxaasi hadal hagaagsan maah. Toonta waxaa la’inooga soo dajiyaa Russia, Basasha Ethiopia, inaynu dalka wax ka qabsano xisaabtaba inooguma jirto waxbaa la’ina siin maayee. Waxaynu maraynaa dariiq aad uu xun xukuumaddan iyo kuwii ka horeeyayba waxay qaadeen dariiq xun. Dalkeenu wuu inagu filan yahay roobkii waa kan illaahay ina siiyey beerah aynu qodono, Adhigeena hadii la dhaqaaleeyo sanadkiiba wuxuu dhalayaa laba jeer. Boqolkii neef ee Adhiya wuxuu sanadkii noqonaya Saddex boqol oo neef, waxaa loo baahan yahay inaynu dalkeena ka shaqaysano''. Muj, Maxamad Xaashi gabagabadiiina waxa uu intaa sii raaciyay;
 
Waa Nimco Sucuudiga waa kan intan inoo jira sanad walba waxa badanaysa Odxadii suuqii ugu wanaagsanaana waynu haysanaa kolb dhankii loo dhaqaaqaba wuu inagu filan yahay waynu ka shaqaynaynaa waxbaa laga soo saari karaa waxaynu la soo bixi karnaa cuntadeena. Safiirka Ingiriiska u jooga Ethiopia ayaa markuu Hargeysa yimid waxaan hor dhigay warqad ay ku qoran yihiin 9.8 milyan ayaa 2010 lagu caawiyey Somaliland bal dalka maroo meel ay wax ku yaalaan soo arag. Caafimaadka waxa ku qoran 4.5 Milyan iyo badh waxay noo dhisi lahaayeen afar Cuqbitaal meelkastab oo soo maroo talaal mooye wax kale ma jiro horta, mucaawinada la sheegaa waa intaa, inta aynu u ham iyo dig leenahay waa intaa ee shirarka loo tagayo waa intaa, waxaan iidiin sheegayaa la’inaguma laha wax dayn ah, hadii bangiyo yimaadan waxayn ina amaahinayaan lacag dayna ah”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: