.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, April 7, 2013

Muj, Maxamed Kaahin Oo Ku Dhaleeceeyay R/Wasaaraha Somalia Tagistii Xabaashii Kalidii Taliyihii Siyaad Barre, Sheegayna In......

 
''R/wasaaraha Somalia ee dhawaan booqday xabaashii Siyaad Bare waxa uu dib inoo soo xasuusiyay xasuuqii adeerkii uu dadkeena u gaystay! Ninkani laftiisuna Berbera ayuu ku dhici jiray  dadka Shacabka ah''. Muj, Maxamad Kaahin
 
- Gudoomiye ku xigeenka xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in wadahadalada Somaliland iyo Somalia u bilaabmayaa ay soo oodmayaan, waxaanu ku sababeeyey in Raysal Wasaaraha Somalia uu shacabka Somaliland soo xasuusinayo gumaadkii uu u geystay Kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Mujaahid Maxamed Kaahin ayaa waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Somalia iyo kooxda uu la haysto ee Ikhwaanul Muslminiinta Masar ee Maxamed Mursi ay leeyihiin ha la saamaxo Cali Samatar, taasina ay caqabad ku tahay wada hadalada Somaliland iyo Somalia.

Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyey Xus loo sameeyey aasaaskii ururkii Xaq u dirirka SNM oo ku beegnayd 6-dii April 1982-kii ku dhawaaqistiisii, oo lagtu qabtay guriga shaqaalaha ee Hargeysa, waxaanu intaa ku daray in Madaxweynaha Somalia aanu jirin meel uu xukumo oo Kismaayo iyo Baydhabo aanay gacan ugu jirin. Ugu horayna isaga oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi ;

 “Wada hadalka inaga iyo Somalia inaga dhaxaynayaa wuu soo oodmayaa, sababta uu u soo oodmayaana waxa ka mid ah, ninka Raysal Wasaaraha ah ee Barigii Berbera ka lacagaystay, xabaashii adeerkii ha tago oo Soomaalida iyo inaga gaar ahaan oo Somaliland ah ha ina soo xasuusiyo intii uu adeerkii Taangi mariyey iyo intii uu Beebee Mariyey, intuu aqal ku dumiyey iyo intii uu nolosha ku gubay ha ina soo xasuusiyo. Ama waa halkii Maxamed Xaashiye wadaadkan yar ee qoslaaya ee Al-islaaxiga ah ee aduunyadu ay imika raadgurayso ee Akhwaanul muslimiinka Masar iyo xisbiga Maxamed Mursiga Masar ee imika u imanay ee u dhuun daloola ee leh Cali Samatar iyo cid kale ha saamaxo waxay ku soo ururaysaa ama ha qoslo ama yaanu qosline isna dal ma xukumo''. 
 
Waxa uu muj, Maxamad Kaahin intaa sii raaciyay;  ''Kismaayo waxa ka socdana waala arkayaa, Baydhabona waxa ka socda waa la arkayaa, Ethiopia-yadii dalka u xoraysay ee hawsha u wadayna way ka tagtay oo waxa ay ka tagtay hadii ay al-Shabaab la dagaalamaysay isaguna waa Al-shabaab kale oo rinji kale leh oo Al-Islaax ah, hadii aanu taariikhda dalka aanu ogayna indhihiisa oo shan ah ayaa ogaan. Nin aan meel xukuminina heshiis inala gali maayo, waxaana suuragal ah laba ama saddexda bilood ee soo socda xaalada ay hadda ku sugan yihiina inaanay halkaa noqon oo ay halkaa ka sii adkaato oo isaga laftigiisu su’aal qudha marka la is waydiiyo ee Reer Kenya ay ka baxaan Kismaayo, hadii reer Yugandha iyo Sir Lion-ta imika timidna ay baxaan, barigii dhaweyd ee xafiiskooda la qarxiyeyna halkan ayuu magan galyo ku joogay Hargeysa ayuu magan galyo ku joogay ama Halkan magangalyo ha ku joogo ama Kenya ayuu raacayaa ama Sir-Lion ayuu raacayaa”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: