Sedbursi saar-qabiil suntiis baa laysku wada seegay
Dhowr saf noqotay Soomaalidii waayo saafiga ahayde
Saf waa cararay oo qaxooti bey sacabka doogtaane
Safna gaajo saxariir leh iyo silic ku nool weeye
Safna waa saqiirada tacliin socota loo diiday
Safna waa federal sillon oo Soomaali kala geeyey
Safna waa Soomaali-diid, sohdintiyo maabka
Safna waa diyaasbaro saldano si xun ku doonaaya
Safna waa safarley sugid-amini seero ka ciyaaray
Safna waa NGO saxal iyo sun wada sino iyo Aidhis
Safna waa sinjidhaan shisheeyaha sir u tebinaaya
Safna waa sixirow suuradihii Rabbi si xun u macneeyey
Safna waa saqajaan bulshada si xun u laynaaya
Safna waaba sama-diid sed hela subaxa lays laayo
Safna waa suugaanley, qabiil saar u tirinaaya
Allow sahal Amuuraha oo samo na-sii saacadda ijaabo !!!
- Isbeddellada adduunka ka dhaca dhib iyo dheefba waa laga dhaxlaa dhan kasta
miisaanku ha u batee. Jannada ka sokow, nimcada Alle noolaha ku galladay roobka
ayaa ugu muhiimsan. Roobku dhul dhintay ayuu dib u soo nooleeyaa oo lagu
liibaanaa, lagana helaa tigaad “caws iyo caleen” xooluhu ku naaxaan, dabadeed
dadka ayaa ka hela cad iyo caano lagu gaajo baxo. Ha-yeeshee mar baa roob dhulka
maasheeyaa oo dalagga beeraha waxyeelleeyaa, mar baa islaan baali/basari ah
aqalku ka darooraa oo agabku ka qoyaa, ilmuhuna ka qarqaraan, markaas bey ku
duceysataa “Allow ararta iyo aafta roobka ku hoori oo aqalkeyga ka weeci” waa
adduun iyo xaalki oo wax qof ku farxo ayaa qof ka naxaa.
Maamulkii Siyaad Barre 22kii sano ee ka dambeeyey dad baa burbur u yaqaan,
dadna baraare bey u yaqaanniin. Ninkii shalay wadaantu u jileysnayd ee kaligi
nintooxsi darka uga cabi jirey,
Siyaad dabadi waa u maalin madow iyo burbur, ha-yeeshee bayhoofkii shalay
busaaradda iyo daranyadu dilootay maanta waa u baraare, wuxuuna ku wiirsanayaa
raggii shalay xaqiisa boobay.
Jabkii daraawiishta, gabyaa Geylan Nuur Gurey oo
ku diirsaday guuldarrada ku dhacday ina-Cabdulle Xasan ayaa ku maansooday:
Laga raysay ruunkii Taleex iyo rafaadkiiye
Laga raysay waayeel run yiri rubad ka goyntiiye
Laga raysay adigoon rucleyn yaa ku rabadiiye
Laga raysay Maandhiin rowliyo reero sii qaxaya
Laga raysay rowdii Shanliyo rogadii taagneyde.
Waxa dad burburka u yaqaan dad buu baraare u yahay, tusaale kooban: Maanta
Hargeysa toban jibbaar bey ballaaratay, dadkii u dhashayna waa ka taliyaan.
1980kii ka hor guryaha Bosaaso waxay ahaayeen wax ka yar boqol cariish, maantana
jaamacado iyo fooqaq isku qoofalan ayaa laga dhisay. Warbaahinta Soomaalida
waxaan ka maqlay Jaamacad Saxaafadda lagu barto ayaa Buhoodle laga hirgeliyey.
Raxanweyn dagaalkii RRA kadib shirkii Carta-Jabuuti sed Libaax baa la siiyey oo
saamigeeda waxaa lala simay beelaha kale. 1950kii reer Baydhabo waxay rabeen
FEDERAL, reer Boosaaso waxay rabeen MAAMUL DHEXE oo mideysan. 50 sano kadib reer
Bosaaso waxay doonayaan FEDERAL, reer Baydhabo waxay u janjeeraan MAAMUL DHEXE
oo mideysan, isbeddelkaasi wuxuu ka dhashay dagaalladii sokeeye Baydhabo waa
duntay, Bosaaso cusubna way dhisantay.
Mashaqeystihii shalay turufada ku noolaa, maanta muruqiisa ayuu maalay oo
wuxuu bartay sida loo xamaasho, dhagaxa loo jebiyo, guryaha loo dhiso, beeraha
loo fasho iyo weliba sida loo ganacsado. Dad waayadii hore ahaan jirey dillaal
silloon iyo dulmi ku nool ayaa maanta ku shaqeystay dameeraha, waxayna fahmeen
waxtarka dameeraha iyo inay yihiin baahitiraha bulshada xalaalmiiratada ah. Dad
gafane ahaan jirey ayaa markey dameeraha rarteen ku salsalay “Gaabane Dameerow,
cagta gaaban mooyee, Geel muxuu ku dheer yahay?”. Qab dhalanteedkii, is
qal-qalloocintii iyo hawlihii la qarsan jirey waa laga ilbaxay oo maanta
xaafadda Suweeto ee Bosaaso waxaa ka furan ganacsi ab-laga-soo-gaar (oldiest
business on the planet). Isbeddellada dhacay waa horumar iyo ilbaxnimo adduunka
lala jaanqaaday.
Maamulkii Siyaad Barre kadib waa burbur iyo waa baraare ayaa weli bulshadu ku
muransan tahay. Guul iyo guuldarro, gef iyo samaan taariikhda ayaa ka garsoori
doonta. Marka la qiimeeyo waxyeellada ballaaran ee deegaanka “bad iyo berriba”
gaartey waa ayaandarro iyo burbur baaxadweyn, balse marka la qiimeeyo sida looga
xoroobay qabyaaladeyntii maamulka iyo caburintii shalay iyo qabiil ku faankii
waa baraare iyo liibaan. Shalay waxaa dalka ka jirtay warbaahin dowladeed ku
jirtay gacan qabiil oo laga buunbuuniyo taariikh beel kaliya lagu ammaano,
nasiibwanaag maanta taas waa laga xoroobay oo waxaa hirgalay warbaahin tiro
badan oo beel beel loo leeyahay, ninba taagti ha tallaabsado oo adeerki ha
ammaano ayaa hanaqaadday. Ararta aan intaas ku hakiyo oo aan abbaaro ulajeedada
qoraalka oo ah barnaamijka Axmed Idaajaa ka baahiyo idaacadda VOA.
Voice of Idaajaa mase voice of America?
Siyaad Barre kadib goortii laga xoroobay caburintii waxaa hanaqaaday
warbaahin xor ah iyo qalinley qortay “buugaag iyo maqaallo” horumar laxaad leh
ayaa saxaafaddu ku tallaabsatay. Baraha Internet-ka Soomaalida ee beel beesha
loo leeyahay, mid ka mid ah ayaan maalin furay, durbadiiba waxaa dareenkeyga soo
jiitay cinwaan cajiib leh oo aan aad u jeclaystay wuxuu ahaa “Maansooleydii
Mahdi Midgaan”. Shaqsiyan suugaanta aad baan u xiseeyaa, mudnaan iyo muhiimad
gaar ahna waxaan siiyaa barashada suugaanta iyo afka Soomaaliga. Maanso iyo Midgaan waa laba arrimood oo qalbigeyga si adag ugu xardhan, waa dareen
damiirkeyga si weyn ugu daabacan, horumarintoodu waa hiwaayaddeyda iyo halbeeg
aan hiigsado.
Si dhugmo leh ayaan u dhegeystay maansadii Mahdi ku duubay www.keydmedia.net
Gabayada Mahdi tirinayo maahan kuwo ku cusub dhegahayga, waa tawtawdii Axmed
Idaajaa ku ammaani jirey tolweynaha Daarood, waa taariikhdii la been-abuuray ee
tolka Daarood lagu sharfay sebenkii Siyaad Barre. Muddo markaan dhegeystay
maansadii Mahdi sharraxayey, waan sahwiyey oo waxaan ka shakiyey miyirqabkeyga,
qofka shaashadda ka muuqda ma Mahdi baa mise waa Axmed Idaajaa ayaan kala
garanwaayey, Idaajaa miyaa qori-is-maris noqday oo muuqaalkaad ku taqiin
beddeshay? Mahdi ma kaaliyaha Idaajaa baa mase waa nin waashay? Mahdi ma
Madhibaanka Hargeysaa mase Habar Yaaqubta Gedo? Waxaan kala kulmay hungo iyo
haan-marran kadib markaan ka waayey wax siyaado ah oo Mahdi ummadda usoo
biiriiyey aan ka ahayn torrorogtii Idaajaa, uurka ayaan ka inkaaray Mahdi,
meel xun ka bax doqonsanaa daba-dhilifku ayaan habaarkii ku gunaanaday.
Caro wasiisiqii kadib, GOOGLE waxaan ku arkay warqad cabasho ah oo Axmed
Idaajaa u qoray Keydmedia iyo Mahdi, wuxuu ku andacoonayaa barnaamij aan
iskudubariday iyo gabayo aan uruuriyey ayaa Mahdi bililiqeystay. Sheegashada
Idaajaa wax dhici kara oo macquul ah ma tahay? Cabashada Idaajaa ayaa ka sii
cajiib badnayd beentii dhegahaygu dhibsadeen. Bulshada Soomaalidu waa war ku
nool “oral society” oo waxaa halhays u ah “war helaa talo hela” taariikhiyan
gabaygu wuxuu ahaan jirey warbaahin iyo wacyigelin bulshada muhiim u ah.
Suugaantu waa diiwaanka lagu xafdiyo afka, waxayna u kala gudubtaa gees-ka-gees
geyiga Soomaalidu degto. Hargeysa nin jooga ayaa gabay tiriya kadibna dhowr
ayaamood ayuu Kismaayo ku gaaraa, goobaha lagu kulmo ayaa gabayada looga
sheekeystaa, jiilba jiil buu u gudbiyaa oo gabayada dhegta ayaa laga xafdiyaa ee
wax buug ku qoran oo laga barto ma ahayn.
Meselan gabayga “Gudban Gaalo Leged”
sida la sheegay Ina Cabdille Xasan wuxuu amray in qof kastoo darwiish ah sida
Faataxada u xafdiyo, si loo kala saaro daaraawiishta iyo dadka kale. Waxaa kaloo
jira dhowr qarni ka hor gabay la tiriyey oo maanta hal meeris kaliya laga hayo
isla markaana aan la aqoon ninkii tiriyey iyo gabaygii oo dhan, balse waxay
maanta yihiin murti lagu halqabsado oo aan la oran karin qof hebel baa curiyey.
Haddaba weydiintu waxay tahay xuquuqda “copy right” Axmed Idaajaa sheegtay
maxay cuskan
tahay? Salaan Carrabey, Cali-dhuux, Ayax-dhowre, Jaamac Shalaqbeen, Faarax
Seefey, Edan Yaaha, Maymuun Biyow iyo kuwo kaleba waa hal-abuureyaal la
xushmeeyo suugaantooda. Gabyaaga bulshadu wada taqaan, haddii Mahdi soo xigto
xuquuqda Idaajaa ku sheegan karo maxay tahay? Kolley sida Idaajaa u maqlay oo
kale ayaa Mahdina u maqlay ee maxay ku kala xigaan? Ninba dahab lumay si u
doondoon. Jawaabta waxaan u dhaafayaa akhristeyaasha, waxayse aniga iila
muuqataa xuaquuqda Idaajaa sheegtay inay ku saleysan tahay seddax arrimood oo
Idaajaa si dhab ah u aaminsan yahay:
1- Gabayada Mahdi ku celceliyey sida la sheegay waxaa curiyey rag Daarood ah.
Marka dhanka qabiil ku faanka laga eego, doodda Idaajaa waa xaq haddii ay
sarbeebtu tahay “dhaxal Gorayo Dhebed baa leh” oo gabayadii ragga Daarood
curiyeen anigaa iska leh, qof kaloo ku luuqeyn kartaana ma jirto.
2- Barnaamijyada Axmed Idaajaa Idaacadaha ka baahiyo sida laga dheehan karo,
Axmed Idaajaa wuxuu aaminsan yahay asalkii hore afka Soomaaliga inuu allifey
Raage Ugaas, murti iyo maahmaah inuu curiyey Qamaan Bulxan, gabayada asalkoodii
horena inuu allifey Ina Cabdille Xasan, qof aan Daarood ahayn inay suugaan
Soomaaliyeed ka hadasho inay dembi weyn oo ciqaab lagu muteysto ay tahay.
Alexander Pushkin oo ahaa gabyaa Ruush ah, awowgiisi labaad wuxuu ka mid ahaa
addoontii laga qaaday Afrika. Maadaama Pushkin ahaa nin madow, Axmed Idaajaa
wuxuu si dhab ah u aaminsan yahay Pushkin inuu ahaa gabyaa Daarood ah oo ilma
adeer la ah Wiil Waal.
3- Xeeldheereyaasha dhulka ka baara raadka dadkii hore, dhowr bilood ka hor
badda u dhexeysa Soomaaliya iyo Siishalis waxay ka heleen jasiirad aasantay oo 2
billion sano ka hor badda ka hoosmartay. Warbixinta xeeldheereyaasha marka laga
shidaalqaato waxaa cad qowmiyadda Soomaalidu inay geeska Afrika ku noolayd dhowr
billion oo sano, doontii Nabi Nuux kadib. Garashada habboon waxay na tuseysaa,
intii Soomaalidu jirtay hidde dhaqan iyo suugaanba waa jireen. Ayaandarro Axmed
Idaajaa wuxuu aaminsan yahay ummadda Soomaaliyeed in Alle geeska Afrika ku
abuuray qarnigii 19aad oo suugaanteedu kasoo billaabatay Raage Ugaas.
Baga oo belaayo ku asiibtay Mahdi waa mudnaay in sidaas loo bahdilo oo tuug
lagu sheego. Nin reer Galgaduud ah ayaa arkay oday geelii dhugato uga dhacday,
markaas buu ku yiri “Mataan Geelcad iyo darantii Bulucle” adigoo heli karay
maxaa geelaaga ka waraabiyey ceelka Gujaale oo ah dal xun, baga in geel la’aan
kugu dhacdo waad mudan tahay. Beesha Gabooye dagaalka iyo suugaanta horyaal bey
ku yihiin oo waa looga dambeeyaa. Mahdi isagoo heli karay boqol Gaboy oo loo
aqoonsan yahay horyaalka gabyaaga, maxaa ku kallifey inuu ku celceliyo gabayada
raggii Idaajaa hore u ammaanay. Mahdi wuxuu heli karay: Geylan Nuur Gurey,
Ayax-dhowre, Maxamed Diiriye Uurgub, Saciid Muuse Sh. Madhibaan, Cali Xuseen
Xersi, Xasan Qaraab, Xuseen Aw Faarax, Yuusuf Maradoon, Laashin Rooble iyo
gabyaa kaloo loo qirsan yahay heer qaran. Ebbow hanuuni oo hantidiisa tus iyo
hal-abuurka tolkiis ee hibada maansada Alle ku galladay. Malaha Mahdi maskax
farad buu qabaa ama maanka ayaa laga gumeystay, inkaarta iyo digashada aan ku
riday waa mudan yahay, maxaa yeelay doqon Nabi Muuse ayaa habaaray. Mahdi wuxuu
la mid yahay: nin dahab ku beddelanaya maar, nin geel ku beddelanaya riyo, nin
malab ku beddelanaya dacar, nin aqoon ku beddelanaya jahli, nin Soomaalinimo ku
beddelanaya qabyaalad, nin waddaniyad ku beddelanaya jaajuusnimo.
Axmed Idaajaa waa fariid u guntaday ammaanta tolki, waqti badanna ku lumiyey
uruurinta suugaantooda, marka la qiimeeyo habdhaqanka qabyaaladda cuskan ee
Soomaalidu caanka ku tahay, hawshaas uu tolkiis u qabtay billad iyo bogaadin buu
ku mudan yahay oo wuxuu la mid yahay geesi cadow soo laayey geelna soo dhacay.
Dadaalka xad-dhaafka ah ee Axmed Idaajaa u galay iskudubaridka gabayada Daarood,
waxay u egyihiin baaq si dahsoon loogu tebiyey beelaha kale oo lagu
baraarujinayo been-abuur iyo buunbuunin ay suugaan-yahanka tolkood ku ammaanaan.
Barnaamijka Axmed Idaajaa ka baahiyo idaacadda VOA runtii waa ku-maxaafsi
cilladeysan, maxaa yeelay magaca iyo ficilku waa kala tagan yihiin. Idaajaa
wuxuu warka ku billaabaa “waa barnaamijkii dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida”.
Ha-yeeshee marka la qiimeeyo murtida iyo macnaha waxaa habboon in la dhaafo
been-abuurka afka baarkiisa ku siman oo Idaajaa warkiisa ku billaabo “waa
barnaamijkii dhaqanka iyo Suugaanta Daarood”.
Akhriste fadlan fur website-ka VOA laanta afka Soomaaliga kadibna tirokoob
magacyada dadka suugaantooda lagu soo bandhigay qeybta “hiddaha & dhaqanka”
dabadeedna si cadaalad ah uga garsoor in barnaamijyadaasi qaadan karaan magac
Soomaaliyeed iyo in kale. Warbixin cinwaankeedu ahaa “Idaajaa oo idaacada VOA u
beddelay Radio Daarood” oo website-ka “Hoyga Suugaanta” soo bandhigay
barnaamijka Axmed ka baahiyo VOA suugaan-yahanka lagu xusay, waxay ka kooban
yihiin 79 shaqsi (63 waa Daarood, kala 16-ka kale yihiin Soomaalida kale).
Magaca barnaamijka iyo murtida Axmed Idaajaa waa kaaf iyo kala dheeri. Sidaas
awgeed waa lagama maarmaan in erayga Soomaalida lagu beddelo Daarood. Waddamada
reer Galbeedka 1994 maaglada Rome-Italy waxay ku aas-aseen hay’ad ay ugu
waqlaleen “International Criminal Court”. Ameerikaan si cad uu diiday oo wuxuu
ku andacooday waan ka sarreynaa maxkamaddaas, Yurubna si dadban bey u diideen,
waxqabadkii maxkamaddu wuxuu dhaafi waayey ugaarsiga Madaxda Afrika. Magacii
maxkamadda ee ahaa “International Criminal Court” hadda waxaa loo beddelay
“African Case Court”. Runtii waa magac ku habboon oo ay mudan tahay maxkamad ku sheegta Hoygeedu yahay
Holland. http://www.hoygasuugaanta.com/VoaSomali.html
Habdhaqanka Idaajaa wuxuu ka turjumeysaa cadaaladdarradii iyo xishood
la’aantii adeerki Siyaad Barre 21kii sano ee Kacaankii Luggooyo Soomaalida wax
ugu qeybiyey ee ku biyoshubatay (65 Jineraal Daarood iyo 8 Jineraal Isaaq. 13
Safiir Dhulbahante iyo 1 Abgaal. 10 G/Sare oo wada dhashay ilma Jaamac Gurey.
1990kii Safiirrada Isaaq iyo Dashiishle waa isla ekaayeen oo waxay kala ahaayeen
Xuseen M. Bulaale oo joogay Turkia iyo Axmed Shire Maxamuud oo joogay East
Germany. Qoraalkan oo faahfaahsan waxaad ka heli kartaa buugga Sababihii
Burburka Soomaaliya, bogagga kala ah: 81/82, 147/150, 158/166). Bahal ceeriin ma
daayo ninna caadadi ma baajo. Baydari biciid qashay ayaa deriskii siiyey
madaxii, waase saluugeen, Baydarigii oo la yaabban sida ay u qawadeen qeybta
wanaagsan ayaa ku yiri deriski “haddaan idin siiyey: labadii ursheen iyo labadii
maqleen iyo arkeen, dhaydhaylihii iyo dhanxanaggii dhambasha la’ekaa, maskaxdii
moolka ka buuxday iyo maqaarkii madaxa, maxaa idinka maqan?).
Sida cadaaladda iyo hufnaanta ah ee Axmed Idaajaa suugaan-yahanka
Soomaaliyeed wax ugu qeybiyey malaha wuxuu ka hidde-raacay wax qeybintii
Baydariga. Xishood la’aanta iyo gaboodfalka Siyaad Barre iyo Axmed Idaajaa waa
dhaqan guud oo ay ka hidde raaceen tolweynaha ay ku abtirsadaan. Maamuus iyo
sharaf, manfac iyo madaxtinimo, wax walba aniga ayaa mudan waa mushkilad marax
xun laga dhaxlo. Dib u eeg sooyaalka Soomaaliya, madaxdii hirgelisay
cadaaladarada, qabyaaladda qaawan iyo kadeedka ummadda, waxay ku dambeeyeen
khaatumo xumo, iyagoo qoomameynaya ayey qaxooti ku dhinteen (Sayid Maxamed,
MSBarre & Cabdullaahi Yuusuf) goobtey ku geeriyoodeen iyo guuldarradii ku
dhacday, yaan la illoobin. Qofkii hadimo abuura hubaal isagaa halisteeda hela.
Alle wuxuu ballanqaaday in maalinta Aakhiro cadaaladda la taam yeeli doono oo
noolaha loo garsoori doono. Adduunyada cadaaladdi kama jirto. Dagaalkii 2aad
kadib saraakishii Naziga Jarmalka, iyagoo dahab iyo dollar jeebka uga buuxo
waxay u guureen Latin Ameerika, halkaasna madax bey ka noqdeen. 21kii sano ee
Kacaankii Luggooyo Axmed Idaajaa iyo Aw Jaamac Cumar Ciise waxay qalabka
warbaahinta qaranka ka joogteeyee taariikh la been-abuuray oo loo nisbeeyey
tolweynaha Daarood. Taas ka sokow, Manaahiijta Waxbarashada ayaa lagu daray oo
ardayda Soomaaliyeed inay xafdiyaan khasab baa looga dhigay. Halgan dheer oo
dhiig badan ku daatay kadib waxaa lagu guuleystay in dalka laga tirtiro
quraafaadkii Idaajaa iyo Aw Jaamac ku sheegeen taariikh qaran, xaashiyihii ay
xarxariiqeenna waxay la aadeen Gedo iyo Sool. Nasiib badanaa ma Nazigii
Jarmalkaa, Aw Jaamac been-abuurkii wuxuu ula tegay Madaxweynaha Jabuuti wuxuuna
ku beerlaxawsaday waa taariikh Soomaaliyeed oo si lumeysa ee fadlan daba-qabo oo
daabac, qorshahaasna waa ku guuleystay. Axmed Idaajaa isna tororogtii wuxuu ula
tegay Madaxa VOA laanta afka Soomaaliga, wuxuuna ka dhaadhiciyey waxaan hayaa
suugaan Soomaaliyeed oo barashadeedu bulshada muhiim u tahay.
Nin geed dheer koray ayaa markuu figta sare gaarey laani la jabatay, isagoo
bed-qaba markuu dhulka ku dhacay wuxuu yiri; “kaba fiican oo degistii ka hawl
yar”. Radio Muqdisho waaba ka dallaceen oo waxay heleen madaxweyne deeqsi ah iyo
idaacad calami ah, halkaas ayey si toban jibbaar ah uga sii miiseen taariikhdii
been-abuurka ahayd iyo ammaantii Daarood, todobaad walba idaacadda VOA waxaa
laga baahiyaa geeraar oday Daarood ah tiriyey iyo baraanbur habar Daarood ah
tirisay, waa sida Idaajaa ku xiiqay. Dhegihii bulshada waxaa qabsaday afar oday
oo ay Idaajaa isku beel yihiin, VOA oo idaacad Idajaa noqotay iyo
marinhabaabinta aad baa loo dhibsaday.
Sannadkii 2011 suugaanley iyo qalinley (aniga iyo Boobe Yuusuf Ducaale ayaa
ka mid ahaa) kala joogay Xamar iyo Hargeysa ayaa la xiriiray madaxa VOA laanta
afka Soomaalida, waxaan u sharraxnay cilladaha barnaamijka Idaajaa, waxaanna codsaday in la
joojiyo ama ugu yaraan lagu barxo suugaanley kale. Halayga war-sugo iyo wax baan
ka qabanayaa waxay qaadatay 2 sano iyo dheeraad, haddana waxba kama soo
naasa-cadda. Carruurta qurbaha ku dhalatay sida ay u badan yihiin, waxay ila
tahay carruurta madaxa VOA in aysan wax aqoon ah u lahayn af Soomaali iyo
suugaan midna, wax su’aal ah oo barnaamijka Idaajaa ku saabsanna uga imaan
doonin qoyskiisa. Waxaase taagan weydiin warcelin hufan u baahan.
Soomaalida geeska Afrika deggan ee Idaajaa marinhabaabiyey hadday madaxa VOA
laanta afka Soomalida weydiiyaan xeerka waajib nooga dhigay inaan dhegeysano
tororogta Idaajaa xaggee laga tixraacay? Ma beelaha kale ayaan lahayn gabyaa iyo
suugaanyahan? Taariikhda maansada Soomaaliyeed ma Raage Ugaas bey kasoo
bilaabataa? Maxaa kallifey in maskaxda ummadda Soomaaliyeed lagu
majara-habaabiyo suugaan beeleed bogga ka raran iyo in lagu beero taariikh
been-abuur ah? Madaxa VOA muxuu kaga jawaabi doonaa? Ma qiyaasi karo
jawaabtiisa, waxayse u dhowdahay “nin dharbaaxyo quureed dugsaday dhaqayadeed
maal. Indha Low ku yaal ma arkaan addinkood. Qalbi laawe Qur’aan lama baro.
Aragti gaaban idahaa ku luma. Doqoni dubaax iyo dareen midna maleh”.
Gaboodfalkii gulufkii dooxatadii daraawiishta (Shabaabkii waagaas) nin gocanaya
ayaa loo sheegay geerida ina-Cabdulle Xasan, markaas buu isagoo faraxsan yiri
“Waatey Alleba kala go’een gooshigii hore’e -- sidee buu Aakhiro ugu galbaday
doqonsanaa Gaalku!”.
Madaxa VOA-Somali oo 1980-yadii ka shaqeyn jirey
Warfaafinta Soomaaliya, malaha weli waxaa hortaagan tookhii ahaa “halkani waa
Radio Muqdisho codka beesha hubeysan iyo gabay Nugaali lalama karo guurow
Cadale” wuxuuse mooggan yahay beelaha Soomaaliyeed inay maanta wada hubeysan
yihiin oo ay kala xoroobeen. Waxaa kaloo jiri karta garasho la’aan iyo aragti
gaaban. Xayawaanka loo yaqaan “Qarandi” maalin iyo habeen markasta waa fooraraa,
wuxuuna dayax arkaa habeenka 15aad markaas buu yiraah “bileey bil caanood
araggaagu waa noo abshir”.
QABYAALADEYNTA FANKA:
Horumarka Teknoloojiyaddu ku tallaabsatay waa lagu liibaanay. Dhowaan shirkad
lagu magacaabo ROKU ayaa soo saaraty sanduuq la yiraah “digital media receiver
with satellite dish” oo laga daawan karo laguna duubi karo boqollaal “channel”.
Koox hayb la ah Axmed Idaajaa, ayna isku fekrad yihiin ayaa dhowaan aaladda ROKU
ku kordhisay “channel” cusub oo Soomaalida gaar u ah, waxayna ku duubeen
(taariikhda beshooda, horumarka Puntland, Khaatumo State, Jubbaland Forum iyo
madaxdii beesha C/rashiid Cali Sharmaake ilaa Cabdiweli Gaas. Muxaadaro ay
jeedinayaa rag 90% isku hayb ah, fannaaniin 90% isku hayb ah oo xiddigaha ugu
caasan yihiin: Axmed cali Cigaal, Maryan Mursal iyo Saado Cali Warsame oo
fankaba hakad gelisay si ay heeso guubaabo ah uga tiriso Khaatuma State iyo
Jubbaland).
In fanka la qabyaaladeeyo waa maan-gurracan iyo garasho jaan, waa geel
caloosha laga raray oo tuurta laga caynshay. Woqooyi-Bari ilaa Soomaali Galbeed
waxaa ku badan gabayga, sababtoo ah waa dhul colaadeed oo geel dhicista iyo
gabdha kufsiga caan ku ah, furaha gabayga waxaa laga billaabaa “xalay gelin
dhexaadkii markaan gogosha qaban waayey -- gocasho ciilkii markii gama’ la ii
diiday”. Gobollada Koofur Galbeed taarikhiyan waxay ahaan jireen nabad iyo
barwaaqo. Beertoo baxday, balligoo xareed buuxdo iyo berrin barwaaqo xoolo
dhalay lagu maalay, barwaaqadaas iyo baraarahaas adduun qof ku nool hiwaayadiisu
waa hees iyo ciyaar. Furaha ciyaarta iyo heesaha waa “bilaney bil nuurey,
boqorkii haweenkaay, Barniyeey ila bashaal, oo ciyaarta soo bood”.
Tolweynaha Daarood oo taariikhiyan aan hidde dhaqanba u lahayn “hees iyo
ciyaar” inuu fannaaniintii qabyaalad dhex dhigo waa ayaandarro iyo uurkutaallo
laga qoomameeyo. Sida fanka loogu kala horreeyo bal tirokoob oo isbarbardhig,
fannaan sare “star singer” beesha Murusade waxay ka badan yihiin “star singer”
tolweynaha Daarood oo dhan. Kooxda aaladda ROKU wax ku duubtay, sow uma muuqato qof qaawan oo qof lebbis qurxoon ku
xaragoonaya wax ka sheegaya. Jaahil mufti asleyn “Qur’aanka & Axaadiista”
yaqaan wax ka sheegaya. Afgarooc abwaan aftaham ah wax ka sheegaya. Sabool hanti
ugu faanaya maalqabeen. Fanka casriga ah waxaa hirgeliyey Isaaq iyo Gabooyaha,
ayaandarro aaladda ROKU fannaaniinta ka muuqata kuma jiraan heesaagii heer qaran
“star singer” ee bulshadu codkooda jeclayd. Turub waa Biig iyo Ran, wax kastana
labadaas bey ka kooban yihiin, “media box – Roku” heesaaga ku duuban waa
Biig-gii, ha-yeeshee Rankii fanka Soomaaliyeed qabyaalad darteed ayaa looga
tegay. Qof geedo tiriyey ee YAAQ ka tegay geedo ma tiring. Qof boqoradda codka
tiriyey ee ka tegay (Tubeec, Dhuulle, Shoolli & Moogeyaal .. Magool,
Maandeeq & Nimco Yaasiin, Cabdinaasir Macalin Saciid, C/qaadir Jubba,
Lafoole, Salaad Darbi, Khadra Daahir, Bin-Calwaan,Cabdi Tahliil) fannaan ma
tiring ee waa riyooday.
Soomaali qabyaalad ha-dhaafto waa bahal ceeriin ha-dhaafo. Kooxda “Channel”
cusub sameysay waa haybadleyaal ku tallaabsaday horumarka tolkood, waa hidde
dhaqan soo jireen ah oo abed-ka-abed lagu yiqiin reer Puntland, hawshaas ay
beeshooda u qabteen ammaan bey ku mudan yihiin. Weydiinta warcelinta u baahan
waxay tahay, dadka “media box” lacag xad-dhaaf ah ($240) uga iibsanaya ma
miyirqabaan, maxayse ka macaashayaan inay dhegeystaan Biig beel ka kooban?
Haweenka hoy fadhiga ah ee“media box” iibsada dib ha u fekereen oo maanka ha
shaqeysiiyeen. Fanku caaddifad qabiil kuma saleysna ee wuxuu ku dhisan yahay
dookh iyo hiwaayad. Dad aan waxba ka aqoon miraha iyo macnaha ayaa aad u jecel
“tone-ka” fannaan Suudaani ah sida Maxamed Werdi. Fili maayo qof heli kara
Magool iyo Mooge, Tubeec iyo Nimco Yaasiin inuu dhegeysanayo kooxda loo yaqaan
“fannaan fowdo”. Laashiin Rooble wuxuu ku shirbay; “Rumaan la sheegine nabee
rati dameer ka raad qurxoon”.
Sida muuqata Soomaaliweyn kala socotay oo midnimo waa laga salguurey, saar
qabiil ayaa si qotadheer loo la saqraamay. Guurti qabiil baarlamaan lagu sheego
iyo dowlad goboleed ayaa lagu mashquulay. Qarnigaan la sugi maayo maamul
mideysan oo ka taliya Baki ilaa Badhaadhe. Milateri haybad leh iyo maamul
toolmoon. Madax cadaalad ah iyo shacab doonaya wadajir iyo walaaltinimo. Wax
walba Soomaalidu waa ku kala tagtay, waxayse weli ka mideysan tahay afka guud
“Lingua Franca” iyo midabka. Dadka isir ahaan ku abtirsada “Himatic” oo muuqaal
ahaan isu-eg darteed, muuqaalkii Soomaalidu muran buu galay oo way adag tahay in
midab ahaan loo kala sooco Soomaali-Ereterian-Sudan.
Walow gobollada laga
dareemi karo kala duwanaansho yar sida (gabay iyo guurow, dhaanto iyo gabley
shimbir) haddana fanka Soomaaliyeed farqi weyn uma dhexeeyo, ayaandarro maanta
dad baa u tafaxaytay in fanka weji qabiil loo yeelo. “Meel aadan ka uunsan jirin
haddaad ka uunsato, meel aadan ka guban jirin baad ka gubataa” waa maahmaah
bilis-xaawaley gaar u ah. “Geelow geed walba daaq ee markaad ciin daaqdaa lagu
yabaa” waa maahmaah geelleyda gaar u ah. Qabyaaladdu markey ku milanto fanka
isla markaana qabiil kasta ku andacoodo afkayagu waa ka beddelan yahay afka reer
hebel oo isma fahamno, waxaa la garaacay albaabkii rejo beelka, waxaa loo
ood-jiiday jiritaanka Soomaali mideysan. Waxba yaan gocashadu ila gudbine aan
qoraalka kusoo koobo:
Dawgan weli waxaa jira, doorkan jooga dunidoo
Niman aan ka daalayn, kala dilista shacabkiyo
Inay kala diraan ehel, damacaan dhamaan iyo
Beentii dorraad weli, deelqaafkii waa hore
Dadka waan ka mudan nahay, iyo damacii Sheydaan
Abdulkadir Osman “Aroma”
Posted by Fu'ad Sh. (farshaxan.org)
Posted by Fu'ad Sh. (farshaxan.org)
No comments:
Post a Comment