"Waar
hooy, Dr. Sacad Cali Shire iyo dadka kale ee kooban ee la midka ah ee
labeenteena ah aan dhawrano, si aan cadawgeena iskaga celino!" Cali
- Ummadi hadii ay garan-waydo oo ay qadarin waydo qofkeeda tayada wanaagsan leh, waxa dhab ah inaanay ummadaasi daacad ahayn!
1990kii, markii ay dalka Maraykanka iyo Xulafadii uu watay dagaalkii la
odhan jiray "Golf war" ku qaadeen wadanka Ciraaq ee aduunku uu
khalkhalka galay, ayaa waxa maqaal aad u xiiso-badan oo uu ku
badheedhayo kuna garab-joogsanayo dalkiisa (USA) qoray nin shacab ah oo
Maraykan ah! Maqaalkaasi oo uu ciwaan uga dhigay "Colin Pawell" is my
hero, waxa uu qorahaasi si fiican ugu faaqiday sababta uu u taageeray
gulufka uu dalkiisu ku jiro! Weedho aad ii cajab galiyay (aniga qof
ahaan) oo ninkaas Maraykanka ah xaashidiisa ku jiray
ayaa ahaa tusaal ahaan; " inkasta oo aanan xog-siyaasi ah oo badan oo
igu khasbi karta in aan la safto xukuumada President Bush hayn hadana,
dareenkayga wadaniga ahi waxa aanu marnaba ka adkaysan karayn ee uu usoo
joogsanayaa Xikmadda iyo gola-joogsiga General Colin Pawell.