.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, November 1, 2018

"Sheeko Kale": 10 Boqor oo Xanuun Maskaxeed Ku Dacay!

"Maskax xanuunka Suldaan Mustafe waxa ka mid ahaa in uu laba hablood oo adoomihiisa ka mid ahaa ku amray in ay mar walba la socdaan iyaga oo qaawan.!" Prof. C/Salaan Yaasiin.
 
- Boqorkii Baabal – Nebuchadnezzar (604-562 B.C.): Waxa lagu naanaysay “Awooga Boroqada Maskaxda Ka Bukay), waayo wuxu jiray taarikhada miilaadiga ee xilligan la adeegsado ka hor. Boqorkan xanuunkiisa waxa weriyay Baybalka Yahuudda ee Muslimiintu u taqaano Tawraat. Baybalku wuxu weriyay in boqorkani maskaxada ka xanuunsaday; waxaanu ismooday neef sac ah. Ka dibna inta uu qasrigii boqortooyada ka tegay ayuu duurka galay. Halkaas oo uu sida lo’da geedahu cuno u ahaayeen.

⦁ Imbraadoor Kiligula (37-41 AD): Imbaraadoor Kiligula, oo ka mid ahaa imbraadooradii Rooma, ka dib markii uu xukunka qabsaday, waxa markiiba muuqatay in uu maskaxda ka buko. Sidaasna waxa lagu ogaaday markuu bilaabay in uu dad aan waxba galabsan laayo isaga oo dilkooda ku raaxaysanaya. Waxa kala oo falkiisa muujinaya xanuunka maskaxdda ee ku dhacay ka mid ahaa in uu yidhi, “Ilaah baan ahaye waa in aad i caaabudaan.”

⦁ Charles VI ee Faraans (1380-1422): Boqor Charles kii lixaad ee Faraans waxa uu boqor noqday isaga oo 21 jir ah. Kolkii uu carshiga fadhiistayna waxa bilaabmay in dhaqaalii iyo siyaasaddii dalku tub wanaagsan qaaday. Sidaa darteedna waxa loo bixiyay “Boqorkii La Jeclaa”. Hasa yeeshee, markii uu gaadhay 32 jir wuxu, iyaga oo aan waxba gaysan, kas u dilay 4 abaanduule oo ka mid ahaa ciidankiisa. Waxa kale oo uu weerar gacanta ah ku qaaday walaalkii Louis ka Orleans. Intaa ka dibna, xanuunkii waa ku fiday, boqortooyadiina aad buu u saameeyay. Waxay gaadhay in “Boqorkii La Jeclaa” loo bixiyo “Boqorkii Waalaa”.

⦁ Henry VI ee Ingriiska (1422-1470): Boqorka Henry ee lixaad waxa awoow u ahaa Charles VI ee Faraans. Waxana loo tirinayaa in uu maskax xanuunka ka hiddoraacay awoowgii. In uu maskaxda ka xanuunsanyo waxay cadaatay markii uu maarayn kari waayay qalaalsihii boqortooyadiisa ka taagnayd. Sanadkii 1453, waxa ku dhacay ‘Dareen Jab”; taas oo keentay in uu muddo sanad ah xaalad fadhiid ah galay oo aanu waxba kala ogayn. Ka dib, dagaalaa ka dhexqarxay laamihii reer boqor. Dagaaladaasina waxay keeneen in boqortooyadii laga qaado oo lagu xidhay Tower ka London halkaas oo uu ku dhintay 1471.

⦁ Ivan kii Ruuska, ama Ivan kii Argagaxa (1547-1584): Boqor Ivan wuxu noqday Qaysar kii Ruush ka 1547. Markiiba waxa ka muuqatay in aanay maskaxdiisu deganayn oo kolba gufaacooyinka xanuunku ku soo kacaan. Markii ugu horaysay ee lagu kacay wuxu dilay inankiisii oo ahaa dhaxal sugaha boqortooyada. Mar labaad kiina waxa uu sameeyay ciidan argagax iyo dil ku qaaday odyadii iyo guurtidii dalka. Mar saddexaad kiina wuxu weeraray magaalada Novgorod oo ku dilay kumanaan qof.

⦁ Suldaan Ibraahim kii Cusmaaniyiinta (1640-1648): Suldaan Ibraahiim wuxu suldaan noqday 1640 ka dib markii walaalkii Muuraad IV dhintay. Markii uu suldaanka noqdayna da’diisu waxay ahayd 25 jir. In yar ka dibba waxa muuqatay in uu maskaxda ka buko. Waxaana loo bixiyay “Ibraahim kii Waalaa”. Falal kiisa xanuun ka muujinayayna waxa ka mid ahaa in uu hablaha qasriga ka shaqeeya berkedaha qasriga ku tuur jiray oo markay haftaan ku dhiman jireen. Waxa kaloo ka mid ahaa in uu cashuuro badan oo aanu dadku qaadi Karin saari jiray; dumarkiisa gabadh ka mid ahna ay taladii dalka in badani gacanta u gashay.

⦁ Imbaraadoor Zhendgii Shiinaha (1491-1521): Imbraadoor Zhendge wuxu ka mid ahaa imbraadooradii boqortooyada Ming. Wuxuu ku caanbaxay boqor aan maskaxdiisu degenayn oo axmaq ah. Wuxu qaadi jiray weeraro uu hogaaminyo abaanduule aan jirin oo uu maskaxdiisa ka sameeyay; weeraradaasna dad badan ayuu ku layn jiray. Waxa kale oo uu maamulkii dalka u dhiibay nin la dhufaanay oo shaqaalaha qasriga ka mid ahaa. Ka dib markuu ninkii ka boodayna wuxu amray in isaga oo nool kolba qurub la jira ilaa inta uu ka dhimanayo.

⦁ Imbraadoor Qianfeigii Shiinaha (449-465 AD): Imbaraadoor Qainfeige wuxu ka mid ahaa boqoradii boqortooyada Liu Song. Boqortooyadaasi waxay ku caanbaxday in ay laba nooc oo raciyadeeda ah laayaan. Nooca kowaad wuxu ahaa xubnaha reerka boqortooyada. Nooca kalena wuxuu ahaa raciyada kale dadkooda. Boqor Qianfege in yar mooyaan reerkiisii oo dhan wuu laayay. Eraygii u dambeeyay ee hoyadii tidhi intaanay aanay dhimanna wuxu ahaa, “Bal calooshayda jeexa oo eega sida xayawaankani ugu soo baxay.”

⦁ Suldaan Mustafihii Cusmaaniyiinta (1592-1639): Waxa jirtay in reerihii boqortooyinkii hore shirqool iyo dil badani dhexdooda ka dhici jiray. Waxa tusaale u ah Axmed iyo Mustafe, laba amiir oo cusmaaniyiintii ah oo walaala ah. Axmed ayaa suldaan noqday. Ka dibna walaalkii Mustafe oo ka yaraa ayuu uga cabsaday xukunkiisii. Dabadeedna waa xidhay. Wuxu ku xidhay qafas; dhismana wuu ku wareejiyay si aanu u bixi karin dadna xidhiidh ula yeelan. Suldaan Axmed waa dhintay. Ka dibna shirqoolkii reerka gudihiisa ayaa bilaabmay. Shirqoolki wuxu soo saaray in amiir Mustafe suldaan noqdo. Maskax xanuunka Suldaan Mustafe waxa ka mid ahaa in uu laba hablood oo adoomihiisa ka mid ahaa ku amray in ay mar walba la socdaan iyaga oo qaawan. Taa waxa ka daraa maamulkii dawladda wuxu gacanta u geliyay dad aan ehel u ahayn, sida nin reer miyi ah oo Suldaankoo socoto ah waraabiyay. Markuu maamulkiisi kala daatayna dibaa qafaskii loogu celiyay. Markan se waxa la raaciyay labada hablood ee qaawanaa.

⦁ Christian VII kii Denmark (1766-1808): Boqor Christian kii todobaad ee Denmark wuxu ahaa nin magac boqornimada uun huwan asaan maamulkii boqortoodiisa ka war hayn. Waxa muuqatay in uu maskaxda ka buko oo aanu dalkii maamuli karayn. Ka dibna waxa bilaabmay loolankii awoodda boqornimada; waxana kolba dalka maamulayay ciddii uu soo dhoweeyo ee dhegtiisa haysata. Reerka boqortooyada gudihiisa ayaa hadan loolan ka bilaabmay. Waxaan boqornimadii kala wareegay inankiisii Frederick VI, Frederickii lixaad. 

W/Q: Prof. C/Salaan Yaasiin.

No comments: