.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, November 1, 2018

Financial Times: "Somaliland Oo Ku Dadaalaysa In Caalamku Ictiraafo.

"Halis aan la qiyaasi karin ayaa ka dhalan doonta hadii la isku dayo in Somaliland dib loola mideeyo Soomaaliya!" Drs. Edna Aden

- Wargeyska  caanka ah ee Financial Times ee ka soo baxa dalka Ingiriiska, ayaa caawa baahiyey   Warbixin dheer oo uu kaga hadlay horusocodka Jamhuuriyadda Somaliland ka samaysay qaddiyadda aqoonsi raadinta. Wargeysku wuxuu warbixintiisa ciwaan uga dhigay: “Somaliland  waxay ku tallaabsatay inay dhaqdhaqaajiso sidii ay aqoonsi caalamiya  u heli lahayd.” Warbixintaas oo aad u dheerayd waxa soo turjuntay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanay Financial Times qormadeedu u dhignayd sidan:-
  
“Somaliland waxay dhaqdhaqaajisay baadigoobkeeda ku wajahan ictiraaf caalamiya, waxaanay ka digtay haddii caalamku ku sii adkaysto  inay ayidi waayaan madax-bannaanidooda ay arrintaasi   keeni  doonto dhibaatadii dhex taalay  Somaliland iyo Soomaaliya.
 
Wasiirka  Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa waraysi  lagula yeeshay Hargeysa,   ku sheegay inay Somaliland 27kii sannadood ee la soo dhaafay ay samaysay  horumar badan, taasina ay sababtay  in loo garwaaqsado Somaliland  ‘dal xaqiiqo ahaan jira.’

Wargeyska Financial Times wuxuu faahfaahiyey  in    dadka Somaliland  ay ku naaloonayeen  nabadgelyo iyo  deganaansho oo ay yeesheen  Baarlamaan u gaar ah, isla markaana  Somaliland ay qabsatay   doorashooyin xidhiidh ah, halka Soomaaliya ay bariinsadeen  dagaalo sokeeye oo soddon jirsaday, rebshado iyo xagjirnimo tan iyo markii ay dhacday dowladdii Soomaaliya.

Warsidaha  Financial Times  wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay soo jiidatay maalgashadeyaasha caalamka, gaar ahaan shirkadda DP World oo ballaadhinaysa dekedda Berbera, halka shirkadda Genel Energy oo laga leeyahay Ingiriisku ay iyaduna  qorsheysay inay shiidaal ka qodo Somaliland.

Wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa ku dooday  in kalsoonida iyo codka ganacsatada caalamiga ahi ay Somaliland ka caawin  doonto sidii loogu guulaysan lahaa dedaalka aqoonsi raadinta.

Warku wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay  wakiillo diblomaasiyadeed ku leedahay dalal badan oo ay ka mid tahay UK. Waxa kaloo Financial Times soo bandhigtay in UK Somaliland ugu yaboohday 25 milyan oo gini muddadii u dhexaysay  December 2012kii illa September 2018ka. dhaqaalahaasi oo la geliyey adeegyada guud, horumarinta  dowlad wanaagga iyo isla xisaabtanka.

Wargeysku wuxuu sharraxay  in caqabada ugu weyn ee hor taagan aqoonsiga Somaliland  ay tahay Soomaaliya oo ka soo horjeeda ictiraafka Somaliland, waxaanu wargeysku farta ku fiiqay in dalalkii dhowaan madax-bannaanida helay oo kala ahaa Suudaanta Koonfureed, Eriterea iyo Eas Timor ay aqbaleen dalalkii ay hore uga tirsanaan jireen.

Gabadha Afhayeenka u ah Wasaaradda Arrimaha dibadda UK,  ayaa Financial Times u sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay u taalo inay heshiis ka gaadhaan mustaqbalkooda, isla markaana waddamada gobolku ay hormuud ka noqdaan  inay aqoonsadaan natiijada heshiiska ay gaadhaan labada dhinac.

Wargeysku wuxuu soo qaatay  in wadahadalkii ay u horeeyey ee ay yeelan lahaayeen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo dhigiisa Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,  la joojiyey horaantii sannadkan, markii   Soomaaliya ka soo horjeedsatay maalgashiga dekedda Berbera.

Ugu dambayn, Wargeysku wuxuu soo xigatay Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Somaliland Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo ku garnaqsatay   in beesha caalamku  ka warqabaan   in Somaliland ay ka duwan tahay Soomaaliya,  haddana aanay aqoonsan Somaliland.

Waxa kaloo Marwo Edna Aadan ka digtay in isku-day kasta oo lagu doonayo in lagu mideeyo Somaliland iyo Soomaaliya ay horseedi doonto qulqulatooyin cusub oo dab ku sii shida  xasaradaha ka oogan mandaqada.

- The Financial Times

No comments: