- Diin
ayaa noloshiisii dhulyaalka iyo gaabiska ahayd nebcaaday. Wuxu
jeclaystay in uu sida shimbraha duulo oo cirka heehaabo; guudkana ka soo
eego dhulkan iyo dhirtan uu ku abaaday ee uu dhex gurguuranayo. Asaga oo
naftiisa la hadlaya wuxu ku yidhi, “Hadaan mar uun samada u bixi lahaa, sidaa shimbraha oo kale ayaan duuli lahaa.”
Wuxu
naftiisa u sheekeeyo oo uu naawilo in uu maruun duuloba, maalin ayaa
geed uu hoos jiifay gorgor ku soo degay. Gorgogiikii ayuu la hadalay oo
ku yidhi, “Gorgorow, wax alla wax- aan maal aduun leeyahay ayaan ku siinayaa duulista i bar. Gorgorkii ayaa ku yidhi, “Ma suuro gelayso, Diinow, taasi.” “Waayo?” Ayuu weydiiyay diinki. “Dee baalalba ma lihide, maxaad duushaa?”
Diinki kuma qancin doodii gorogorka eh, doonistiisii ayuu ku adkaystay oo ku celceliyay. Gorgorkii ayuu ku yidh, “Bal horta, itijaabi oo kor samada iigu qaad, ka dibna isii daa anaa iskayga u duulaye.”
Gorgorkii
oo baryadii diinka ku dhegabarjoobay, ayaa yidhi, “Bal waayahaye, is
diyaari.” Ka dib markuu diinki is diyaariyay, ayuu gorgorkii kor u
qaaday oo samada ula duulay. Cabaar markuu hayay ayuu ku yidhi, “Waan ku
sii daynayaa la kala bax gacmaha iyo lugaha si aad ugu duushid.” “Waa
ku kaa!” intuu yidhi gorgorki ayuu sii daayay.
Intaanu
jawaab u celin, ayaa gorgorki wuxu arkay diinkii oo limaday oo si
xawaaro leh hoos ugu dhacaya. Siduu u xiimayay ayuu dhagax weyn ku
dhacay, markaasaa firidhba meel ku duulay. Gorgorkii oo aad uga xun waxa
ku dhacay diinkii ayaa naftiisii ku yidhi, “Intee lahaa, Diinow,
yaad dakaamine, dildilaacine, dusha sare iyo, duulista ilow! Bal imika,
wadigaa degee, dildilaacee, yaale dembigaa!?”
Prof. C/Salaan Yaasiin
No comments:
Post a Comment