.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, November 22, 2018

Somaliland Oo Joojisay Wada-hadalkii Soomaaliya Ilaa Madaxbannaani...

 "Ma aha Soomaaliland mid indhaha laga qarin karo" M/wayne Biixi

- Madaxweynaha J.Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si caro leh u sheegay in dallkiisu uusan wada hadal la gali doonin Soomaaliya ilaa inta laga siinayo madaxbannaani.

Wadahadalka labada dhinac u dhexeeyay oo dhowr waji oo hore soo maray ayaa waxaa garwadeen ka ahayd beesha caalamka, iyadoo dadaal loogu jiray inuu dhaco heshiis is afgarad ah. Magaalada Burco oo uu shalay booqasho ku tagay ayuu madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi kula hadlay qaar ka mid ah shacabaka.

"Ma aha Soomaaliland mid indhaha laga qarin karo. Xuduudkii uu ingiriiska dhigay baan ku taagannahay, waxaana dooneynaa ineynu wadahadal iyo nabad ku kala baxno laakiin inamada maanta Xamar ka talinaya wey la noqon weyday " ayuu yiri Muuse Biixi.

Isagoo u muuqday inuu aad u careysanyahay ayuu madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay iney ujeeddada wadahadalka fahmi waayeen.

"Ballan waxaan ku qaadnay in aynaan wada hadlin inaad timaaddaan idinkoo xornimadeenna ogol mooyaane", 

Arrintan ayey mas'uuliyiinta Soomaaliland ku micneeyeen mid salka ku heysa tabasho ay Somaliland ka qabto dowladda Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo madaxweyne Max'ed Cabdilaahi Farmaajo.
BBC-da ayaa maanta xiriir toos ah la sameysay afhayeenka madaxweynaha Soomaaliland, 

Maxamuud Warsame Jaamac, si uu sharraxaad inooga siiyo hadalkii uu madaxweyne Biixi Shalay Burco ka sheegay. "Madaxweynuhu hadalka uu sheegay sidaas ayuu ku saxan yahay, waxaana kuu caddeyneynaa xukuumad ahaan in dowladda Farmaajo ay shaqo ka dhigatay iney maalin walba si bareer ah u xaasiddo guulaha iyo horumarka Soomaaliland. Annaguna haddaan nahay xukuumadda Soomaaliland waan joojinay wadahadalkoodi, mana aqbaleyno in aan hadal lasii wadno nin maalin walba ku mashquulsan dib u dhaceenna". Ayuu yiri afhayeenka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas sii raaciyay: "Waxaan u sheegeynaa beesha caalamka inaan diyaar u ahayn wadahadalka laakiin aan iyaga ka wadi weynay maadaama ay mar walba faragalin ku hayaan masiirkeenna ayna dafirayaan horumar walba oo aan gaarno, dagaalna nagu hayaan".

Saameynta Uu Soomaaliland ku yeelan karo is-bedelka Geesku.

Dhawaan madaxweyneyaasha saddexda dal ee Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen uga wada hadlay isku day lagu doonayo in xiriir dhow oo isdhex gal ah ay ku sameystaan.
Saameynta ay arrintaas ku yeelan karto Soomaaliland ayaan wax ka weydiinnay afhayeenka madaxweynaha Soomaaliland.

"Annagu waxaan nahay Jamhuuriyadda Soomaaliland, dalkeennu wuxuu ku yaallaa geeska Afrika, waxaana ka mid nahay waddamada ku yaalla gobolka oo ay Jabuuti ku jirto. Madaxweyneyaasha kulmay iyo midnimada ay ka hadlayeen waa wax danohooda ah oo iyaga ka dhexeeya annaguna waxaan kala mid nahay dalalka kale ee gobolka".

Soomaaliland oo madax bannaani ku dhawaaqday ka dib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa tan iyo xilligaasi dadaal ugu jirtay sidii ay aqoonsi uga heli lahayd beesha Caalamka.

Xigasho: BBC-Somali

No comments: