.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, January 1, 2020

Maxamed BK, Wuu Tol-waayay!

- Alfanaan Maxamed Siciid Cabdi (BK). Waa halyay u kacay dadkiisa iyo dalkiisa oo halgan dheer u-galay sidii Qadiyadda dadka reer Somaliland leeyihiin u noqon lahayd mid meel-marta. Waa nin maanta ka hor, aaminsanaa inuu leeyahay dad iyo dawlad gaashaan u noqon doonta maalinta uu u baahdo. Mabaadiidiisa ku qotonta qaran-nimo jacaylka (Somalilander-nimo), waxa ay dhaxalsiiyay inuu Cadaw-badan yeesho, kuwaas oo goor walba iyo meel kasta oo ay joogaanba dabino u-maleegaya fanaanka reer Somaliland ee BK! Cawo-daro, tiroba laba jeer ayuu cadawgaasi ku guulaystay dibindaabyadii uu la maaganaa BK, oo uu cidla' ka helay halyaygii reer Somaliland calanka u-siday. 
 
Kenya iyo Nayrobi, ayay ahayd markii sanadkii hore ay dhagar-qabayaashu ISKU-QAYSHADEEN ee ka hor-joogsadeen in uu fanaanka BK, ruwaayad ku dhigto!. Taasi waxaba ay ahayd mid la liqi karo oo mu-aamaraad lagu saleeyay ku wajahan amniga daawadayaasha oo dawlada Kenya-na laga-iibiyaye, maanta oo ay fanaankii waynaa ee BK, isaga oo jooga dalka UK, oo ah Xudunta Qurba-jooga reer Somaliland, uu cadawgii shalay dhibaateeyay hadana baraha bulshada ku bah-dilay,  London-na maryaha kaga saaray, indhaha dadkii reer Somaliland oo  shan ah, toloow maxay dhalin-yartii reer Somaliland ee waajibkoodu uu ahaa inay difaacaan fanaankooda BK, odhan doonaan? maxay ku marmarsoon doonaan reer Somalilandka jooga UK, ee u noqon doona cudur daar ay kaga gabadaan ceebta dushooda hoganaysa ee ah, wiilkoodii oo hortooda lagu qashay? Jawaabtu waa WAXBA!

La yaabi maayo, kuna canaanan maayo fanaanka Maxamed BK, hadii uu arinta J.Somaliland gabi-ahaanba dhinac isaga leexiyo oo uu iskaga baxo! Oo maxaan u eedayn een ula yaabi?, 30sano ayuu Maxamed BK, J.Somaliland iyo jiritaankeeda u qaylinayay oo uu meel kasta u maray wax kastana u sameeyaye, mantana dadkiisii oo arkaya badhida dhulka loogu dhuftaye. Aheey ah, Allahayoow Ciil-badanaa. Aaway dhalintii reer Somaliland? Aaway kuwii marka Waxari ay waxar kale herdido gudaha J.Somaliland, cabaadkooda laga fadhiyi waayi jiray. Lama hayo hugunkoodii iyo qayladoodii saw maaha? Maxamed BK, WUU TOL-WAAYAY. Wallee Ceeb ayaa raacday reer Somaliland.

Dhaawaca halista ah ee la gaadhsiiyay Maxamed BK, waa mid ay u-wiiqmi doonta qaran-nimada J.Somaliland. Waa dheg-xumo ku taal ummadda reer Somaliland oo dhan oo eega laga bilaabo ku sifoob doonta "Heeryadeed-cunooyin aan hu' iyo sharaf toona lahayn". Waxay ku shaabadaysnaan doonaan wacad-qabayaal loogga oo dilla curadadooda iyo lama-dhaafaankooda. Waa fulay, Jaahiiliin, tolfiiq-laawaayaal aan la isku-halayn karin. Maxamed BK, wuxu taagan yahay caawa "Allahayoow doqon yaa tol ka dhigan jiray".

Ugu dambayn: Waxan odhan lahaa Maxamed BK, dadkaa ku dilay ee cadaw waxba kuma yeeleen. Waan ka xumahay saaxiib, Sorry Mr BK.

C/Nuur Xaaji

No comments: