.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, June 5, 2011

Eryida Shirkada Total Waxa Uu Halis ku yahay Maalgashi Caalami Ah Oo Ka Dhaca Somaliland.


Waa waajib saaran Madaxweynaha iyo Xukuumadiisaba inay u feejignaadaan oo ay ilaaliyaan hantida Qaranka ee ay ummaddu u igmatay oo aanay ku ixtiraamin sokeeye iyo shisheeye midkuu doonaba ha ahaadee. Waxase marka hore isweydiin leh ma loo maray habdhaqanka dunidu ku kala garnaqsato marka uu yimaado khilaaf daneed oo ku yimaada labada dhinac ee wada gala heshiis caalami ah?. Waxa kaloo isweydiin leh muxuu dhaawac u gaysan karaa baahidii aan u qabnay inaan beesha caalamka ka helno maalgalintii shisheeye ee aan ku taamaynay inaan ku horumarino khayraadka dhulkeena si kor loogu qaado nolosha dadkeena saboolka ah?

Hadii aan wax yar ka iftiimiyo siday TOTAL dalka ku timid, waxan nasiib u helay anigoo waajibkii Qaranimona gudanaya inaan ku soo qanciyo madaxdii Sharikada inay maalgaliyaan oo ay inoo dayactiraan Haamaha dekedda Berbera. Waxa igu dhiirrigaliyay inaan hawshaa galo Suldaan Maxamuud Axmad Sheekh iyo hantiilayaashi sharikada DAALLO Maxmad Abu Sita iyo Colaad, oo lahaa sababta ugu weyn ee ay TOTAL dalka ku soo aamintay maadaama aynaan lahayn Baan iyo Caymis midnaba, ictiraafkii beesha caalamkuna inaga maqan yahay. Waxay DAALLO ku lahayd maalgalintii dayactirka 33% inkastoo ay markii dambe u celisay oo TOTAL u hadhay oo ay kala baxeen.

Waxana xusid mudan ninka lagu xidhay Berbera ee Madaxa ka ahaa Haamaha Sacad Cilmi Jibril oo ka mid ahaa saraakiisha sarsare ee Sharikada TOTAL ee Jabuuti, oo lahaa doorka ugu weyn ee suurtogaliyay inay sharikadaa caalamiga ahi ka hawl gasho Somaliland. Ficilkii iyo abaalkii uu u huray ummadda ay walaalaha yihiin, ayaa aakhirkii dhaxalsiiyay in Sharikadu isaga u soo magacawdo inuu Maamule uga noqdo dhawrkii sanadood ee ugu dambeeyay. Xaashaa Lilaah !! innagama mutaysan in abaalgudkiisii noqdo in tuugta meel lagula xidho oo aan lagana raaligalin gefkaa loo gaystay ee sabab la’aaneed.

Waa ayo TOTAL? TOTAL waa sharikad Fransiis ah waxanay ka mid tahay lixda Sharikadood ee ka ganacsada shidaalka ee ugu laxaadka weyn dunida. Waxa lagu yidhaa afka qalaad (TOTAL is a French multinational company and one of the six “supermajor” oil companies in the world). Waxa la aasaasay markuu sanadku ahaa 1924 waxanay ka hawl gashaa 130 dal, waxana u shaqeeya 96,000 qof. Bal hada qiyaas waxay ku fadhido: Income €159.27 billion (2010), Operating income €10.62 billion (2010), Profit €10.57 billion (2010), Total assets €143.72 billion (end 2010), Total equity €61.27 billion (end 2010).

Waxa nasiib darro ah iyadoo indhaha caalamku inoo soo jeestay oo meel walba laga shaaciyay TOTAL ayaa Somaliland degtay oo lagu soo hiranayo laga bilaabo 1998, in Golayaasheena Qaranka, siyaasiinteena, axsaabteena iyo saxaafadeenuba aanay kala hadhin xagxagasho iyo cambaarayn oo aan marnaba la eegin waar maxay magac iyo manaafacaad inoo yeelan kartaa joogitaanka Sharikad caalami ah oo dalkeena ka muuqataa.

TOTAL wuxu akhristow caqligu ku siinayaa inaan dhawrka kun ee litir ee haamaha lagu shubaa aanu xitaa ka noqonayn dhibic bad ku dhacday waxa aduun aan kor ku sheegay ee ay leedahay, waxanse idiin sheegayaa in ujeedada ugu weyn ee ay TOTAL Somaliland ka lahayd uu ahaa inay lugta kula sii jirto oo aan looga horayn khayraadka dhulkeena ku jira marka caalamku inoo soo jeesto ee cunaqabataynta siyaasadeed innaga dhamaato.

Anigoo aan lahayn wixii xaq loogu leeyahay ha la iska indhatiro, oo ay waajib tahay in xeer iyo xisaabtanba la isla meel dhigo, maxay beesha caalamku innagu aamini doontaa markaan maanta nidhaa waan baabiinay heshiiskii TOTAL waanan la wareegnay wixii ay lahayd!!

Waxa kaloo la yaab leh waxa gaar ka dhigay in la deedafeeyo TOTAL oo kaliya halka ay ka meel marayn dhamaan wixii xukuumadihii hore qalinka ku duugeen heshiisyo maalgalineed!!!!!!!!!!!

Waxan hadaba hadalkayga ku soo gunaanadayaa hadii ay tahay Madaxweynaha JSL Mudane Axmad Maxamad Maxamuud (Siilaanyo), Goleyaasha Qaranka, Axsaabta Qaranka iyo bulshoweynta reer Somaliland, Ilaahay inta ka sokaysa ma innakaa u baahan TOTAL mise iyadaa inoo bahaan?

DAL IYO DAWLAD JIRTA OO CADAALADANA DHAWRTA ALLE HA INNAGA YEELO.

WA BILAAHI TAWFIIQ.

Cumar Xaaji Maxamuud (Cumar Dheere).Wakiilkii hore ee JSL Dalalka D'Jabuuti iyo Itoobiya
E-Mail : guulalla2@hotmail.com. Hargeysa 06/06/2011.

No comments: