.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, November 14, 2011

Gudidda Diiwaangalinta Oo Shaaciyey Bilowga Diiwaangalinta Ururada Siyaasada Oo 2 Bilood Socon Doonta


Hargaysa: Guddida diiwaan gelinta Ururada siyaasada iyo ansixinta Axsaabta qaranka Somaliland ayaa doraad si rasmiya u shaaciyey in diiwaan gelinta ururada cusub ee siyaasaddu ay bilaabmi doonto.

Sidaas waxa shaaciyey Afhayeenka guddidaas mudane Xasan Axmed Ducaale (Macalin), kaas oo sidaas ka sheegay mar uu maalintii doraad shir jaraa’id ku qabteen Hutel Imperial ee Magaaladda Hargeysa, waxaanu tilmaamay in laga bilaabo 12-kii Bishan November ee doraad ay bilaabeen diiwaan gelinta ururada siyaasadda ee cusub oo ay socon doonto muddo lixdan cisho ah.

Xasan Axmed Ducaale wuxuu sheegay in diiwaan gelinta ururaddu ay xidhmi doonto 11-ka Bisha Janaury ee sanadka fooda inagu soo haya ee 2012-ka.

Afhayeenka Guddida diiwaan gelintu waxa uu ku dhawaaqay shuruudaha laga doonayo ururada cusub ee siyaasada waxaanu yidhi:

1) In laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 12/11/2011 ay furan tahay diiwaangelinta Ururrada siyaasada lana qabanayo araajida codsiyada ururadda.

2) In diwaan gelintu xidhmayso kuna eeg tahay diwaan gelintu iyo qabashada araajida ururada siyaasada markay taariikhdu tahay 11/01/2012 mudadaaas oo ah laba bilood (60 cidsho)

3) Ururrada waxay codsiyadooda ku soo hagaajin karaan xafiiska xarunta dhexe ee gudida ee hargeysa ku taala

Shuruudaha laga doonayo ururada siyaasadu waa :-

1) Inuu soo qorto arji foomka loogu talla galay

2) Goortii iyo goobtii uu ku qabtay shirka Aas-Aaska ee ugu horeeyey

3) Liiska magacyada Hoggaanka gudiga fulinta iyo golaha dhexe

4) Liiska magacyada aasaaseyaasha iyo habkii loo doortay

5) Qaab dhismeedka ururka

6) Magaca ururka oo dhamaystiran iyo qaabka uu u qormayo marka la soo gaabiyo

7) Cadaynta bixin cashuur dhan 150,000,000.”

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Guddida diiwaangelinta Ururrada Siyaasada iyo ansixinta asxaabta qaranka Md. Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale), oo sheegay inay ku shaqayn doonaan Xeerarka doorashada iyo diiwaan gelinta ururada siyaasada iyo axsaabta, waxaanu ku dooday inay kala hufi doonaan ururada siyaasada oo aanay diiwaan gelin doonin ururada aan buuxin shuruudaha xeerku dhigayo.

Xigasho: Haatuf

No comments: