.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, November 16, 2011

Deeq-bixiyeyaasha oo Caddeeyey in Aanay Dhaqaale Degdeg ah u Hayn Diiwaangelin Cusub


Hargeysa- Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo hannaanka dimuqraadiyadda, ayaa la sheegay inay caddeeyeen in aanay xilligan dhaqaale degdeg ah u hayn diiwaangelin cusub oo loo sameeyo doorashooyinka soo socda.

Ma jiro war si rasmi ah uga soo baxay deeq-bixiyeyaasha oo la xidhiidha go' aanka lagu laalay ku dhaqanka diiwaangelintii hore ee codbixiyeyaasha Somaliland, haseyeeshee Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mr. Maxamed Xirsi Geelle oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa xaqiijiyey in qaadhaan-bixiyeyaashu caddeeyeen in aanay hada hayn dhaqaale degdeg ah oo lagu sameeyo diiwaangelin cusub oo lagu galo doorashooyinka soo socda.

Qaadhaan-bixiyayaashii ayaannu la hadalay, waxayna yidhaahdeen lacag badan ayaannu diiwaangalintii hore gelinay. Mar labaad si aannu waddamadayadii ugu noqono oo lacag cusub uga keeno way nagu adag tahay, markaa iminkana dhaqaale degdeg ah ma keeni karo,ayuu yidhi Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

Mr. Geelle waxa kaloo uu sheegay in la diyaariyey qorshe cusub oo muddo afar sannadood ah lagu diiwaangelinayo dhammaan dadweynaha reer Somaliland yar iyo weynba; Waxa la sameeyay qorshe cusub oo ah in la sameeyo waxa la yidhaa diiwaangalin dadwayne oo la diyaariyo Family sheet, (waraqadda caddaynta dhalashada qoyska).

Ma aha diiwaangalin codbixiye oo la diiwaangaliyo dadka yar iyo weynba, wixii 16 jir gaadhana kaadhadhka la siiyo ilaa 2013-da, wixii da' daa ka yarna intay gaadhayaan 16-jirka ay qoysaskooda kula jiraan, markay gaadhaana annagaa liiskooda la noo soo gudbiyo si aannu markaa ugu daro oo aanay dib u dhicin cid baan la diiwaangalin.

Qorshahaasi afar sannadood ayuu qaadanayaa lacag badanna way ku baxaysaa, iminkana waxa la galayaa qiimaynta qalabka aynu hayno in lagu shaqayn karayo in la beddelo, intaa marka la helo ayaa maalgalintii la doonayaa, markaa wax la isku hallayn karo ma ah.

Hadalkan ka soo baxay Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka ee la xidhiidha in deeq-bixiyeyaashu aanay xilligan hayn dhaqaale lagu sameeyo diiwaangelin cusub, waxa uu ka dambeeyey markii toddobaadkii hore Golaha Wakiilladu laaleen diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee lagu galay doorashadii madaxtooyada, isla markaana gofaamiyeen in doorashada golayaasha degaanka lagu galo bilaa diwaangelin la' aan.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: