.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, November 11, 2011

Reer Awdal waa Reer Somaliland: Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar


Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka tirsan madax-dhaqameedyada gobollada Galbeedka Somaliland, ayaa si adag gaashaanka ugu dhuftay hadal ka soo yeedhay koox isku magacawday Awdal State oo dhowaan isku boqray magaalada London ee carriga Ingiriiska, kuwaas oo uu ku tilmaamay in aanay matalayn masiirka ummadda reer Awdal, sidoo kalena aanay ka hadli karin rabitaanka bulshada reer Awdal. Waxa kale oo uu sheegay in nimanka boro-bogaandadaas wadaa yihiin kuwo dunida reer galbeedka ka qaata waxogaa yar oo lacag ah, dalkana ugu dambaysay soddon sanno horteed.

Suldaan Ibraahim Jaamac waxa uu arrimahan kaga hadlay shir-jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Gabiley maalintii Arbacada toddobaadkan, isagoo xilligaasi ku sii jeeday dhinaca magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxaannu baaq nabadeed ugu diray beelaha dirirtu ku dhexmartay xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, isagoo dalbay in ay joojiyaan colaadda dhexdooda taal.

"Waxa shirkan jaraa'id igu kellifay anigoo Hargaysa uun hadda ka imi, kuna jihaysan Boorama inaan bulshada reer Somaliland u bayaamiyo hadal ka soo yeedhay shakhsiyaad sheegtay in ay ka mid yihiin qurba-joogta reer Awdal, kuwaas oo sheegtay inay samaysteen wax ay ugu yeedheen maamulka Awdal State. Waxaan leeyahay hadalkaasi waxa uu ka soo baxay nin riyoonaya, waana wax lagu qoslo. Masayrka bulshada reer Awdal ma matali karo nin qaxootinimo ku joogo dal shisheeye oo qaata lacagta caydh ee ay bixiyaan waddamada reer galbeedku,” ayuu yidhi suldaanku.

“Dadka reer Awdal waxay leeyihiin siyaasiyiin, salaadiin iyo aqoonyahan, kuwaas ayaa matala oo ku hadli kara afka reer Awdal iyo shacbigooda iyo walib rabitaankoodaba. Gobolkani waa gobolkii dhidibada u taagay Jamhuuriyadda Somaliland, iyagaa dhisay, Mansabkii ugu sarreeyey ayay ka gaadheen oo Madaxwayne ayay ka noqdeen, iminkana waxay ka yihiin Madaxwayne-ku-xigeen, cid uga lexo-jeclo badanna ma jirto.”

Suldaanku Isaga oo baaq-nabadeed u diraya beelaha dirirtu ku dhexmartay magaalada Ceerigaabo, “Waxaan u soo jeedinayaa Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay dgaanka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag in ay xabbadda joojiyaan oo nabadda ka shaqeeyaan, arrimahoodana wada hadal ku dhammeeyaan, walaalnimadoodiina soo celiyaan, illeyn waxay isku yihiin wiil iyo abtigii oo waa dad wada dhashay oo kala dhalay oo isku dhaxay oo gacal iyo sokeeyaba ah,” ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.

Xigasho: Jamhuuriya

No comments: